Luuqadaha:

Luuqadaha:

DhacdooyinSJS iyo UNSOM...

SJS iyo UNSOM oo weriyayaasha Soomaaliyeed ku tababaray Xorriyatul Qawlka

MUQDISHO, SOOMAALIYA, 03 Jannaayo, 2021 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) oo kaashanaya Hawlgalka Kaalmaynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobay (UNSOM) ayaa soo gebagebeeyay tababar saddex maalmood ah oo ku saabsanaa Xorriyadda Hadalka: Waajibaadka iyo Masuuliyadda Weriyayaasha looguna qabtay in ka badan 30 suxufi magaalada Muqdisho.

Tababarka oo ay ka faa’ideysteen in ka badan 30 suxufi oo ka kala yimid warbaahinta gudaha, ayaa waxaa lagu bartay xuquuqaha iyo waajibaadyada suxufiyiinta, kala saaridda xayeysiisyada xisbiyada siyaasadda iyo wararka xilliga doorashooyinka, anshaxa tebinta iyadoo la raacayo xorriyadda hadalka ka hor, inta lagu guda jiro iyo kadib doorashooyinka, sidoo kale badqabka suxufiyiinta, bedqabka iyo xuquuqda gabdhaha suxufiyiinta.  SJS ayaa sidoo kale weriyayaasha tababarka ka qeybgalay la wadaagtay Xeerka Hab-dhaqanka Suxufiyiinta kaasoo markii ugu horreysay la qoray 2019.

Maalintii u dambeysay ee tababarka, Siddeed ruux oo ka kala socday warbaahinta madaxa-bannaan iyo ururada bulshada ayaa ku soo biiray tababarka si ay suxufiyiinta qaadanayay ugala doodaan Xorriyadda Hadalka iyo muhiimaddeeda, xaqa helista xogta iyo xaqa ogaanshaha ee dadweynaha, kaddibna waxaa bilowday su’aalo weydiin iyo jawaabo loogu talo galay ka qeybgalayaasha.

Nasteexo Maxamed Cumar, oo ah saxafiyad madax-bannaan oo ka howlgasha Radio Afgooye iyo Telefsihinka TUSMO oo ka hadashay caqabadaha gaarka ah ee ay gabdhaha suxufiyiintu wajahaan ayaa tiri,  “Gabdhaha suxufiyiinta ah waxa ay wajahaan caqabado taasoo sabab u noqda inay yaraadaan gabdhaha suxufiyiinta ee warbixinnada kasoo diyaariya bannaanka. Waxaan ku faraxsanahay in aan bartay casharo muhiim u ah badqabka gabdhaha suxufiyiinta xilliga doorashada, masuuliyadda suxufiyiinta saaran iyo hababka anshax tebinta. Waxaana uga soo safray tababarkan magaalada Afgooye si aan uga qeybgalo waxaana u mahadcelinayaa SJS iyo UNSOM oo tababarkan muhiimka na siiyey.”

Isagoo ka hadlaya kulan doodeedka, Diini Mohamed Diini, Guddoomiyihii hore ee Dalladda Ururada aan Dowliga ahayn, ahna suxufi hore ayaa tusaaleeyay sida saxaafada u tahay awoodda afaraad ee dowladnimada, ayna tahay inay kaalin weyn ka qaadato si loo difaaco danta guud ee ummadda si ku dheehan geesinimo iyo wartebin xirfadeysan.

Isagoo sii hadaya ayaa yiri, “Haddii aanu weyno warbaahin daacad ah oo awoodda gudashada waajibaadkeeda cabsi iyo eex la’aan, waa marka danaha ummadda ay meesha ka baxayaan.  Waxaan ku baaqayaa in meesha laga saaro saxaafadda midabka jaallaha leh (yellow journalism) oo sharaf dhac ku ah mihnadda saxaafadda, halisna gelin kara mabaadii’da runsheegista ee looga baahan yahay saxaafadda.”

Agaasimayaasha warbaahinta Goobjoog, SBC TV, Tusmo TV iyo Eryal TV ayaa ammaanay dadaalka SJS ay ku difaaceyso xorriyadda saxaafadda, xorriyatul qawlka iyo xuquuqda warfidiyeena. Agaasimayaasha si cad waxa ay u caddeeyeen in dadweynuhu xaq u leeyihiin helista warar sugan oo xaqiiqo ah, halka falalka dowladdu ku kacayso ay waxyeeleynayaan kalsoonida dadweynaha.

Agaasimaha ku xigeenka Warbaahinta Goobjoog, Cabdicasiis Axmed Gurbiye ayaa ka sheekeeyay tacadiyadii uu la kulmay markiii isaga loo xiray qormo ku saabsan cudurka Korona Feyrus bishii April 2020, isagoo sheegay in xorriyadda hadalku ay tahay xuquuq dastuuri ah oo ku cad dastuurka dalka.

Isagoo sii hadlaya waxa uu sii raaciyay “Waxaa la igu bartilmaameedsaday anigoo waajibaadkeyga shaqo gudanaya si la ii cabsigeliyo. SJS waxay ka mid ahayd ururradii i garab istaagtay.  Waa wax laga xumaado in suxufiyiintu ay maalin walba caqabadaha noocaan oo kale ah ay la kulmaan oo ay ku jiraan hanjabaad iyo cagajugleyn. Waxaan u baahanahay in aan u midowno arintan.”

Guddoomiyaha Dalladda Warbaahinta Madaxa-bannaan ee SOMA, Maxamed Cusmaan Makaraan ayaa u soojeediyay SJS iyo maamulayaasha warbaahinta inay u midoobaan sidii ay u difaaci lahaayeen xorriyadda hadalka iyo danta guud ee shacabka si loo xaqiijiyo in warbaahintu iyo suxufiyintuba  u ololeeyaan dowlad wanaagga.

“Waa xaqiiqo inaan weli u baahanahay cod mideysan. Dadaaladii dhowaa ee SJS iyo SOMA ay billaabeen oo aan ku abuurnay cod iyo cudud mideysan si aan ugu difaacno xorriyadda hadalka iyo xuquuqda suxufiyiinta dalka, balse waxaan u baahanahay in aan sii xoojino,” ayuu yiri Guddoomiye Makaraan oo safar dhowaan kaga yimid magaalada Beledweyne.

Gebagebadii tababarka, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Cabdalle Axmed Mumin ayaa hoosta ka xariiqay muhimadda xorriyadda hadalka oo ah xuquuq aas-aasi ah. Wuxuuna ugu baaqay suxufiyiinta inaysan ka labo-labeyn difaacidda xuquuqdooda marka lagu xadgudbo. Wuxuu u mahadceliyay Danjire James Swan, ergeyga gaarka ah ahna madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobay (UNSOM) taageerada uu mar walba la garab joogo suxufiyiinta Soomaaliyeed.

“Xorriyadda saxaafada waa aas-aaska ummad dimuqraadi ah oo xor ah, xoojinta iyo tayeynta awoodda suxufiyiinta xiliga kala-guurka waxay muhiim u tahay warbaahinta guud ahaan. Marka aan fiirino waay-aragnimadeenna xilliyada kala guurka, amniga suxufiyiinta iyo warbaahintuba wuxuu gali karaa khatar, haddii aan suxufiyiinta si wanaagsan loo tababarin,” ayuu yiri Xoghaye Cabdalle Muumin.

“Waxaan u mahadcelinayaa Hawlgalka UNSOM iyo Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey Danjire James Swan taageeradooda ay mar walba la garab taagan yihiin suxufiyiinta Soomaaiyeed. Waxaan rabaa in aan ammaano doorka suxufiyiinta gabdho iyo wiilalba kuwaasoo nafsadooda ku waayay iyagoo runta u adeegaya,” ayuu sii raaciyay Mumin.

“Waxaan hadalkeyga ku soo gebagebeynayaa inaan iraahdo amniga suxufiyiinta iyo dhisidda awoodooda ay wax ku baari karaan, kuna soo gudbin karaan wararka danta guud xilliga doorashooyinka si faafreeb la’aan iyo cabsi la’aan ah waxay muhiim u tahay dimuqraadiyadda iyo dowlad wanaagga. Suxufiyiinta waa in loo aqoonsadaa difaacayaasha danaha ummadda,” ayuu hadalkiisa ku soo dhameeyay Xoghaye Mumin.

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada