Luuqadaha:

Luuqadaha:

DhacdooyinSJS iyo SOMA ...

SJS iyo SOMA oo taageeray dacwadda Radio Mustaqbal ka gudbiyeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya, 08 May 2021 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) iyo Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) ayaa si wadajir ah u shaaciyay inay taageersan yihiin dacwadda ay gudbisay Idaacadda Mustaqbal ee ka dhanka ah Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Fahad Yaasiin iyo Ku-xigeenka Agaasimaha Villa Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed oo loo heysto weerarkii 27-kii Abriil lagu qaaday xarunta warbaahinta Mustaqbal.

Iyada oo sii mareysa qareennadeeda, Idaacadda Mustaqbal ayaa gudbisay cabashada sharciga ah oo si rasmi ah loogu diiwaangeliyey Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka ee ku beegneyd 03da May 2021.

Sida ku xusan dukumiintiga dacwadda oo ay arkeen SJS iyo SOMA, Radio Mustaqbal waxay ku eedeysay labada masuul: mudane Fahad iyo mudane Cabdinuur inay agaasimeen duullaankii rabshadda watay ee 27-kii Abriil 2021 ay ciidamsda sida gaarka u tababaran ee “Haramacad” ku qaadeen xarunta warbaahinta Mustaqbal. Sida ay diiwaangelisay SJS maalinkii weerarku dhacay, saraakiil hubeysan ayaa galay xafiisyada idaacada Mustaqbal iyo istuudiyaha oo ku yaalla aagga K4 abbaare 6:00 subaxnimadii Talaadada waxayna ku amreen shaqaalaha inay hoos u soo degaan iyagoo qori madaxa kaga hayey, halkaasoo ay ku garaaceen, kuna dhibaateeyeen tifaftiraha idaacadda Bashiir Maxamuud Yuusuf, ka hor inta aysan qaadanin kumbiyuutaro, qalabka keydka (Hard Drives), laptop-yada, taleefanno iyo kaamirooyin. Barnaamijyada raadiyaha ayaa hakad galay illaa subaxii dambe.

Mustabqal waxay cabashadeeda kaga codsaday Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka inuu tixgaliyo cabashadooda, baaris ku sameeyo weerarka loo geystay, una gudbiyo dacwada maxkamada awoodda u leh. Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegtay inay hayaan caddeyn ku filan oo ku saabsan eedeysanayaasha.

SJS iyo SOMA waxay taageerayaan Radio Mustaqbal iyo warfidiyeennadeeda ee baadigoobaya caddaaladda. Waxaan aaminsanahay in sida kaliya ee lagu joojin karo isla xisaabtan la’aanta weerarada iyo xadgudubyada ka dhanka ah suxufiyiinta iyo xarumaha warbaahinta ay tahay in maxkamad la soo taago denbiilayaasha – xitaa haddii ay yihiin saraakiil dowladeed oo awood leh.

“Weerarada lagu qaado warbaahinta iyo suxufiyiinta ayaa joogto noqday. Nasiib darrose, saraakiisha denbiyada ka gala suxufiyiinta iyo xarumaha warbaahinta ayaa si xor ah u socda. Weerarkii 27-kii Abriil lagu qaaday Radio Mustaqbal ee magaalada Muqdisho waa xadgudub weyn oo ka dhan ah xorriyadda saxaafadda ee Soomaaliya. Qofna sharciga kama sarreeyo, mana aha in denbiilayaashii galay falkan la cafiyo. Waxaan ka rajeyneynaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka inuu ka dhabeeyo caddaaladda oo uu qaado talaabooyinka ku habboon si kuwa lagu helo denbigaan foosha xun ay u wajahaan maxkamadda sharciga,”ayuu yiri Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee SJS.

“Weerarka lagu qaaday idaacadda Mustaqbal, oo xubin ka ah Dalladda SOMA, ma ahayn weerar lagu qaaday idaacad keliya. Wuxuu ahaa weerar lagu qaaday xorriyadda saxaafadda Soomaaliya oo dhan. Waxaan taageersanahay dacwadda ay soo gudbisay Radio Mustaqbal waxaana rajeyneynaa in kiiska loo gudbin doono maxkamadda ay quseyso si caddaalad ahna loo dhageysan doono,”ayuu yiri Maxamed Cismaan Makaraan, Guddoomiyaha Dalladda Warbaahinta SOMA.

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada