Luuqadaha:

Luuqadaha:

DhacdooyinSJS iyo Faceb...

SJS iyo Facebook oo suxufiyiinta Soomaaliyeed u qabtay tababarkii ugu horreeyay ee badqabka

MUQDISHO, Soomaaliya, 5 Agoosto, 2020 – Shirkadda Facebook oo kaashaneysa Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (Somali Journalists Syndicate – SJS) ayaa qabtay tababar badqabka la xiriira oo ay ka faa’ideysteen in ka badan 40 weriye oo ku kala sugan guud ahaan Soomaaliya kaasoo lagu qabtay barta maqalka iyo muuqaalka ee Zoom maalintii Arbacada ee 2da Sebtembar, 2020.

Tababarkan oo cinwaankiisu ahaa ‘Sida Amni loogu Adeegsado Facebook‘ ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay shirkadda Facebook u sameyso warfidiyeenka Soomaaliyeed, iyadoo ujeeddadu tahay sidii suxufiyiintu u fahmi lahaayeen habka badqabka marka ay adeegsanayaan Facebook iyagoo waajibkooda shaqo ee war-tebinta gudanaya.

“Tababarkan waa muhiim. Waxaan ku faraxsannahay in SJS uu noqday meeshii ugu horreysay ee tababar noocan oo kale marti-gelisa. Waxaan ammaanayaa kooxda ka socota Facebook ee tababarkan bixineysa oo go’aan ku gaaray inay fuliyaan tababarkan, kana rumeeyay,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) Abdalle Ahmed Mumin, “Iyadoo ay soo dhowdahay xilli doorasho, waxaa muhiimad weyn noo leh amniga iyo badqabka suxufiyiinta Soomaaliyeed. Waxaa jirtay tusaalayaal fara-badan oo ku saabsan weriyaal barahooda Facebook la weeraray, qaar la jabsaday iyo kuwo sifo khaldan looga iyadoo khatar la geliyay xogtooda gaarka ah, sababta kaliya ee loo yeelay sidaasna waa inay yihiin warfidiyeenno soo tebinaya runta.“

Facebook waa bar muhiim u ah suxufiyiinta. Ma’ahan kaliya inay suxufiyiintu u adeegsadaan wada xiriirka aas-aasiga ah, ee xitaa waxay u adeegsadaan ururinta xogta iyo la xiriirida ilo wareedyada. Facebook bar ahaan ayaaba loo adeegsadaa warbaahin ahaan oo waxay suxufiyiintu ku daabacaan wararka maalinlaha ah ee ay soo tebiyaan. Ugu yaraan dhammaan xarumaha warbaahinta ee Soomaaliya ka hawlgala ayaa adeegsada barta Facebook si ay xogta markaa ka dhacaysa dalka u gaarsiiyaan dadweynaha Soomaaliyeed oo ay ku jirto xogta ku saabsan Covid-19 iyo arrimaha kale ee bani’aadannimada.

Inagoo ku hadleyna magaca dhammaan warfidiyeenka Soomaaliyeed, ururka SJS wuxuu bogaadinayaa dadaalka shirkadda Facebook ay ugu jirto inay hagaajiso habka badqabka isticmaalayaasha Facebook oo ay ku jiraan suxufiyiinta. Waxaanu rajeynaynaa in mustaqbalka SJS iyo Facebook sii wadi doonaan ka wada-shaqeynta horumarinta badqabka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee dhanka Facebook.

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada