Luuqadaha:

Luuqadaha:

DhacdooyinSaddex sano k...

Saddex sano kaddib, askarigii dilay weriye Cabdirisaaq Qaasim Iiman weli caddaaladda lama horkeenin

Muqdisho, Soomaaliya, 26 Luulyo 2021 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ugu baaqayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad gobolleedka Galmudug inay soo xiraan, caddaaladdana horkeenaan askirigii dilay weriye Cabdirisaaq Qaasim Iimaan oo ahaa sawirqaade u shaqeynayay telefishinka SBS oo lagu toogtay Muqdisho, 26 Luulyo, 2018.

Cabdirisaaq, oo xilligaa ahaa 19 sano jir, ayaa ka soo laabanayey xarunta jaamacadda SIMAD halkaas oo uu ka soo duubay xaflad qalinjebin ahayd. Intii uu waddada ku sii socday ayaa askari boolis ah joojiyay mooto bajaaj uu saarnaa, kaddibna toogtay. Cabdirisaaq ayaa u geeriyooday xabad ka haleeshay madaxa.

Bishii Novembar, 2018, maxkamadda militariga ayaa qaadday kiiska dhamme boolis Cabdullaahi Nuur Axmed (Carabey) oo ku eedeysnaa dilka weriye Cabdirisaaq, waxayna ku heshey isagoo maqan inuu galay denbiga dilka ah. Maxkamadda ayaa ku xukuntay askarigan shan sano oo xarig ah iyo 100 neef geel ah, sida ku cad dukumintiga maxkamadda oo ay SJS aragtay. Saddex sano kaddib illaa maanta, dilka weriye Cabdirisaaq weli xal lagama gaarin, askarigii dilayna weli lama soo qaban, iyadoo ilo ka tirsan dowladda ay sheegayaan in uu askarigaasi weli mushahar ka qaato dowladda.

(Bidix) Qaasim Iimaan iyo (midig)  Sahra Ismaaciil oo ah aabaha iyo hooyada weriyaha la dilay Cabdirisaaq, oo u warramay SJS. | Sawirka/SJS.
(Bidix) Qaasim Iimaan iyo (midig) Sahra Ismaaciil oo ah aabaha iyo hooyada weriyaha la dilay Cabdirisaaq, oo u warramay SJS. | Sawirka/SJS.

Sida uu sheegay Qaasim Iimaan, oo ah aabaha weriye Cabdirisaaq, warqad soo qabasho ah oo cusub ayaa maxkamaddu soo saartay bishii Abril ee sanadkan, balse weli lama dhaqangelin, taasoo welwelkii iyo caddaalad darradii haysay qoyska weriye Cabdirisaaq uun sii kordhisay.

“Waxaan la xanuunsanayaa geerida wiilkeyga Cabdirisaaq. Wuxuu ahaa qofka keliya ee qoyska u shaqeeya. Waddankaan caddaalad kama jirto. Dilaaga waa la yaqaanaa, laakiin dowladdu ma rabto inay soo qabato,” ayuu yiri Aabe Qaasim oo la hadlay SJS.

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu xusuusinayaa madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul gobolleedka Galmudug mas’uuliyaddooda ku aaddan dhammeynta caddaalad darrida hareysay kiiska dilka marxuum Cabdirisaaq ayna xaqiijiyaan in qofna aanu la baxsan denbi ah dil weriye.

“Waa wax laga xumaado in qoyska marxuum weriye sawirqaade Cabdirisaaq Qaasim Iimaan oo raadinayay caddaalad saddexdii sano ee la soo dhaafay, in aanay weli caddaalad helin xitaa iyagoo heysta xukun maxkamadeed, iyadoo sababtu tahay tabardarri iyo rabitaan la’aan ka jirta hay’adaha dowladda,” sidaa waxaa yiri Cabdalle Axmed Mumin, xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) isagoo xasuusiyay madaxa dowlad goboleedka Galmudug iyo kuwa dowladda federaalka ah inay lagama maarmaan tahay in qoyska Cabdirisaaq Qaasim u baahan yihiin inay caddaalad buuxda helaan si xal loogu helo kiiska dilka ee muddada dheer taagan, loona xaqiijiyo in askarigan dilaaga ah uusan si xor ah isaga socon.

Bishii Sebtember ee sannadkii la soo dhaafay ayaa xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya ku dhawaaqay xeer ilaaliye gaar ah kaas oo aan magaciisa la aqoon, oo loo xilsaaray denbiyada ka dhanka ah suxufiyiinta si uu u baaro dilalkii loo geystay suxufiyiinta, taasoo ah midda ugu sareysa guud ahaan dalalka Afrika.

Afartii sano ee la soo dhaafay gudahood, 12 suxufi ayaa lagu dilay Soomaaliya: saddex waxaa la dilay 2017; afar waxaa la dilay 2018; labo waxaa la dilay 2019; labo waxaa la dilay 2020, halka mid kalana la dilay 2021, taasoo ka dhigaysaa waddanka mid ka mid ah goobaha ugu khatarsan caalamka ee suxufi ka shaqeeyo. Nasiib darro, Soomaaliya waxa ay weli ugu horreysaa liiska waddamada ugu horreeya ee ay ka jiraan denbiyada aan la isu ciqaabin ee ka dhanka ah suxufiyiinta la dilo.

“Dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada waxay weli ka meer-meerayaan inay sameeyaan baaritaanno buuxa oo ka dhan ah kiisaska dilalka suxufiyiinta iyo shaqaalaha warbaahinta. Tani kaliya ma muujineyso heerka ay mareyso isla xisaabtan la’aanta ka jirta Soomaaliya, balse waxay caddeyn u tahay halista ay wajahayaan suxufiyiinta Soomaaliya ka shaqeeya,” Xoghaye Mumin ayaa intaas warkiisa ku daray.

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada