Luuqadaha:

Luuqadaha:

DhacdooyinPuntland: Was...

Puntland: Wasiirka Warfaafinta oo soo rogay ammaro xayiraad ah, una hanjabay wariyaasha

MUQDISHO, Soomaaliya, 25 Sebtember, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa tallaabada wasiirka warfaafinta Puntland Cali Xasan Axmed (Sabarey) uu warbaahinta iyo suxufiyiinta Puntland ugu soo rogey xayiraadaha cusub ee looga dan leeyahay in lagu caburiyo xorriyadda saxaafadda iyo falalka hanjaabadaha ee ka dhanka warbaahinta iyo suxufyiinta ka howlgala Puntland.

Shir jaraa’id oo uu Wasiir Sabarey ku qabtay magaalada Garowe 22 September, 2019 ayuu wuxuu ku amray weriyayaasha iyo warbaahinta ka howlgasha Puntland inay isku diiwaan-geliyaan wasaaradda warfaafinta ka hor 15 Oktoobar, 2019, ciddii amarkaa u hoggaansami weydana uu sharciga la tiigsan doono.

“Waanu kala xuli doonaa weriyayaasha, kuwa aanu u garana waxaan loo sameyn doonaa aqoonsi.” Wasiir Sabarey ayaa intaa ku daray in suxufigii lagu qabto isagoo ka howlgelaya Puntland kaar aqoonsiga Wasaaraddu soo rogtay (ID) la’aantiis sharciga lala tiigsan doono.

Wasiirka ayaa ku hanjabay in suxufigii iyo warbaahintii aan isdiiwaan-gelinin aanan loo aqoonsan doonin suxufinimo, warbaahintana la xiri doono, isagoo intaasi ku daray  in ay jiraan wariyaal dhibaato wada, sida uu hadalka u dhigay oo joogo maamul goboleed kale.

“Xiriir baanu leenahay maamul goboleedyada kale, meel uu nooga baxsanaayo ma jirto oo isagoo jeebeysan baanu keeneynaa, ha moodina qof intuu tago maamul kale in uu ku badbaadayo,” ayuu yiri Wasiir Sabarey.

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu  cambaareynayaa falalka sharciga ka baxsan ee lagu doonayo in lagu cabburiyo xorriyaadka saxaafadda ee Puntland.

“Wasiirka Warfaafinta Puntland waa uu ku khaldan yahay in uu ku amro suxufiiinta iyo warbaahinta inay is diiwaan-geliyaan. Howshan waxaa iska leh Golaha Warbaahinta Puntland oo haddaba shaqeeya,” Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS ayaa yiri.

Wuxuu Xoghayuhu ugu baaqay maamulka Puntland inay joojiyaan awaamiirta sharciga aan waafaqsaneyn ee ay ku doonayaan inay warbaahinta madaxa-bannaan ku aamusiyaan.

Cabsi iyo degganaansho la’aan ayaa soo foodsaartay wariyaasha ka hawlgala Puntland kuwaasoo aanan hubin sida ay ku sii shaqeyn karaan marka la gaaro 15 Oktoobar oo ah xilliga ay ku eg tahay isdiiwaangelinta qasabka ah ee uu soo rogay Wasiir Sabarey.  Wariyaashan oo la hadlay  SJS ayaa sheegay inaanay garaneyn waxa uu xaalkooda iyo kan warbaahinta noqon doono haddii uu sii socdo amarka Wasiirka.

“Ma’ahan in wariyaasha loogu soo rogo isdiiwaangelin aan loo baaheyn iyadoo ujeedku yahay in lagu aamusiyo wartebinta madaxa-bannaan ee warbaahinta soo gudbiso,” ayuu sii raaciyay Xoghayaha Guud ee SJS, Cabdalle Axmed Mumin.

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada