Luuqadaha:

Luuqadaha:

DhacdooyinPuntland iyo ...

Puntland iyo Somaliland waa inay ka laabtaan xayiraadda lagu soo rogay labo Mareegood

Muqdisho, Soomaaliya – 04 Sebtembar, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay xayiraad ay maamulada Somaliland iyo Puntland ku sameeyeen labo mareegood oo kala ah Hadhwanaag news iyo Puntlandtimes.

Maxkamadda Maroodi jeex ee magaalada Hargeysa ayaa amar ku bixisay in xayiro mareegta (website) madaxa banana ee www.hadhwanaag.ca. Qoraalka maxkamada oo uu Ururka Suxufiyiinta SOomaaliyeed ee SJS helay ayaa sababta xayiraadda lagu sheegay qormooyin xiriir ah oo mareegta Hadhwanaag News qortay kuna saabsanaa musuq lacageed oo uu ku kacay Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Somaliland Cali Ibrahim Jaamac oo loo yaqaano Baqdaadi. Waxaa sidoo kale xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee uu u yeeray Ahmed Nasir Farah oo ah tifaftiraha guud ee mareegta.

Dhanka kale, Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland Cali Xasan Axmed oo ku magac dheer Sabarey ayaa ku amray shirkadaha internet-ka ee ka howlgala Maamulka Puntland inay xayiraan mareegta (website-ka) Puntlandtimes.com xili wasiirku kula hadlaayay warfidiyeenka magaalada Garowe. Xayiraada mareegta (website) ayaa timid kadib markii ay faafiyeen cabasho ay sameeyeen shaqaalaha wasaarada warfaafinta Puntland 26 iyo 27 Agoosto oo la xiriirtay mushahar la’aan. Tifaftiraha guud ee Puntlandtimes Farah Abdulkadir Geylan ayaa Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed u sheegay in wasiir Sabarey uu soo wacay uuna u sheegay in website-ka la xayirayo, uguna hanjabay xarig.

Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS, Cabdalle Axmed Muumin ayaa tallaabo welwel leh ku tilmaamay awaamiirta lagu xayiray labo mareegood oo ay maamulada Somaliland iyo Puntland u arkeen inay qorayaan barnaamijyo aanay maamuladooda jecleysan.

“Awaamiirta nuucan ah waa talaabooyin faafreeb, isla markaana lagu dhibaateynayo xorriyada Saxaafada, iyadoo la hakinayo xaqa shacabka u leeyihiin inay ogaadaan waxa dhacaya,” ayuu yiri Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed Cabdalle Axmed Muumin, isagoo xasuusiyay maamulada Somaliland iyo Puntland inay ka fogaadaan wax walba oo dhaawaca xorriyada saxaafada, una ogolaadaan suxufiyinta inay u gutaan shaqadooda si xor ah.

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxa uu sidoo kale ka dalbaday shirkadaha internet-ka inay qaadacaan amarka maamulada ee ay ku doonayaan inay xayiraan mareegahan.

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada