Luuqadaha:

Luuqadaha:

HomeOl’olaha

Ol’olaha

Weriye Coldoon oo la siidaayey kaddib 1 sano iyo 49 maalmood oo uu xabsi ku jiray

MUQDISHO, Soomaaliya 06 Juun 2020- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu soo dhoweeynayaa xorriyad-siinta weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon Sabtida maanta 6-da bisha Juun, 2020. Coldoon ayaa muddo hal sano iyo 49 cisho ku jiray xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa.

Warbaahinta madaxa-bannaan iyo Warfidiyeennada waa in loo ogolaadaa tebinta Kalfadhiga lab...

MUQDISHO, Soomaaliya 05 Juun 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ugu baaqayaa Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay ka noqdaan go’aankooda ay kaga horjoogsadaan warbaahinta madaxa-bannaan iyo suxufiyiinta kalfadhiga 7aad ee wadajirka ay u yeelanayaan Labada Aqal oo loo qorsheeyay in uu qabsoomo Sabtida 6da Juun, 2020.

Ururrada SJS, SOMA iyo SIMHA oo ka walwalsan adeegsiga sharci darrada ah ee telefoonka war...

MUQDISHO, Soomaaliya, 26 May, 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) iyo Dalladda Xarumaha Warbaahinta ee SIMHA waxay si weyn uga walwalsan yihiin isticmaalka telefoonka gaarka ah ee tifaftiraha Idaacadda Hiigsi, Maxamed Cabduwahaab Nuur (Abuuja) oo ku jira xabsi go’doomin ah tan iyo 7dii Maarso.

Booliska Muqdisho oo u gacan-qaaday weriye ka tirsan SBC TV oo soo tabinayey wacyigelinta ...

MUQDISHO, Soomaaliya 21 May, 2020- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu si adag u cambaareynayaa weerarka gacan-qaadka iyo xorriyad ka qaadista weriyaha SBC TV, Cabdullaahi Maxamed Sheekhdoon xilli uu ku guda jiray soo tebinta wacyigelinta cudurka Korona oo ka socday degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho Khamiista 21 May, 2020.

SJS oo soo dhoweysay baaqa Midowga Yurub ee dhameynta tacadiyada ka dhanka ah saxaafadda S...

MUQDISHO, Soomaaliya, 20 May 2020 – Ururka Warfidiyeenka Soomaaliyeed (SJS) wuxuu soo dhoweynayaa bayaanka maalintii Talaadadii ee 19ka bisha May kasoo baxay Guddoomiyaha Guddi Hoosaadka Xuquuqda Aadanaha ee Baarlamaanka Midowga Yurub, Maria Arena, kaasoo looga hadlay weerarada joogtada noqday ee lagu hayo suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo hor-istaagista ka dhanka ah xorriyadda saxaafadda.

WAR-MURTIYEED WADAJIR AH: MUNAASABADDA MAALINTA XORRIYADDA SAXAAFADDA 2020

MUQDISHO, Soomaaliya 03 May, 2020 – Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda Adduunka, Anagoo ah hay’adaha hoos ku saxiixan ahna wakiilada suxufiyiinta iyo warbaahinta madaxa-bannaan, waxaan aad uga walaacsanahay handadaadaha, weerarada, iyo cagajugleynta ka dhanka ah warfidiyeenada iyo warbaahinta madaxa banaan.

Maalinta Shaqaalaha Awgeed, SJS oo ku baaqday in badbaado iyo mushahar xaq ah la siiyo war...

MUQDISHO, Soomaaliya 01 May, 2020 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa munaasabadda Maalinta Caalamiga ee Shaqaalaha Adduunka ee 1da bisha May darteed, hambalyo u diray dhamaan suxufiyiinta Soomaaliyeed.

SJS oo soo dhoweysay siideynta weriyaha VOA iyo Radio Baraawe oo dib u bilaabay barnaamijk...

MUQDISHO, Soomaaliya, 23 Abriil, 2020 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu soo dhoweynayaa xabsi-ka-sii-deynta wakiil wareedka Idaacadda Voice of America (VOA) Mukhtaar Maxamed Catoosh, maalintii Arbacada 22 Abriil 2020, waxayna amaaneysaa go’aanka loogu ogolaaday Idaacadda Radio Baraawe in dib u bilowdo barnaamijyadii ku bixi jiray Afka Barawaaniga.

Si loo caburiyo saxaafadda madaxa-bannaan, Dowladda Soomaaliya oo eedeyn ‘argagixisa...

MUQDISHO, Soomaaliya, 22 Abriil, 2020- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu si adag uga soo horjeestay eedeymaha bilaa-caddeynta ah ee la dhoodhoobay ee ay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya u soo jeedisay weriye Maxamed Cabduwahaab Nuur (Abuuja) oo xabsi go’doomin ah lagu hayay tan iyo markii la xiray 7-dii Maarso.

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada