Luuqadaha:

Luuqadaha:

HomeOl’olaha

Ol’olaha

Kulan sanadeedka 2aad ee Guddiga Fulinta SJS oo Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay

MUQDISHO, Soomaaliya, 07 Disembar 2020 - Xubnaha Guddiga Fulinta ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa kulan sanadeedkoodii labaad kusoo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho maalinnimadii Axaddii 6 Disembar 2020.

Kahor doorashooyinka, waa muhiim badbaadinta xorriyadda warbaahinta Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya, 17 November 2020 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Daladda Warbaahinta Madaxa-Bannaan (SOMA), ururka wariyaasha baahiyaha gaarka qaba,Dallada Warfidiyeenka Shabeellaha Hoose, agaasimayaasha in ka badan 30 xarun warbaahinta oo madax-bannaan ayaa maanta kulan wadajir ah oo looga tashanayey xorriyadda warbaahinta, xeerka warbaahinta iyo badqabka weriyayaasha xilliga doorashoyinka isugu yimid magaalada Muqdisho.

SJS & SOMA oo ugu baaqay Somaliland inay ka laabato go’aanka siyaasadeysan ee c...

MUQDISHO, Soomaaliya, 5 Nofembar 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) iyo Dalladda Warbaahinta Madaxa-bannaan ee Soomaaliyeed (SOMA) waxay si xooggan u cambaareynayaan go'aanka siyaasadedsan ee xaq-darrada ah ee ay Maxkamadda Gobolka Maroodi-Jeex ku ridday Maamulaha Guud ee Astaan TV, Cabdimanaan Yuusuf go'aankaasi oo dhacay Arbacadii 4 Nofembar 2020.

NISA oo wareysi dartiis u xirtay weriye Cabdullaahi Kulmiye Caddow oo ka tirsan Radio Kulm...

MUQDISHO, Soomaaliya 18 Oktoobar, 2020 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS iyo Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ayaa si adag u cambaareeyay weerarka iyo xarigga magaalada Muqdisho loogu geystay weriyaha caanka ah ee Radio Kulmiye, Cabdullaahi Kulmiye Caddow habeennimadii Sabtida 17 Oktoobar 2020.

SJS iyo Facebook oo suxufiyiinta Soomaaliyeed u qabtay tababarkii ugu horreeyay ee badqabk...

MUQDISHO, Soomaaliya, 5 Agoosto, 2020 – Shirkadda Facebook oo kaashaneysa Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (Somali Journalists Syndicate - SJS) ayaa qabtay tababar badqabka la xiriira oo ay ka faa'ideysteen in ka badan 40 weriye oo ku kala sugan guud ahaan Soomaaliya kaasoo lagu qabtay barta maqalka iyo muuqaalka ee Zoom maalintii Arbacada ee 2da Sebtembar, 2020.

SJS oo cambaareysay xarigga Radio Gedo iyo ammarka Somaliland ee ka dhanka ah Universal TV...

MUQDISHO, Soomaaliya 29 Juun 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ugu baaqayaa maamulka Gobolka Gedo ee Dowlada Federaalka Soomaaliya inay u ogolaadaan Idaacadda Radio Gedo inay howlaheedii dib u bilowdo ayna ciidankooda kala baxaan xarunta idaacadda, sidoo kalena ugu baaqayaa maamulka Somaliland inay joojiyaan beegsiga ka dhanka ah Telefsihinnada Universal TV iyo Star TV.

Booliska Somaliland oo weeraray kaddibna xiray Universal TV Hargeisa

MUQDISHO, Soomaaliya 27 Juun, 2020 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu si adag u cambaareynayaa weerarka iyo xarigga booliska Somaliland ay u geysteen xarunta Telefishanka Universal ee magaalada Hargeysa Sabtida 27 Juun, 2020 taasoo ah tallaabadii labaad ee la xiro muddo saddex maalmood gudahood ah.

Weriye lagu dhaawacay Muqdisho; Booliska Hargeysa oo la wareegay xarun TV iyo weriye lagu ...

MUQDISHO, Soomaaliya 26 Juun, 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa weerarka hubeysan ah ee uu askari ka tirsan booliska Soomaaliya ku dhaawacay weriye Cabdifataax Cabduqaadir Shariif oo ka howlgala idaacadda madaxa-bannaan ee Danan ee magaalada Muqdisho maalinimadii Khamiista 25 Juun, iyo Tallaabada maamulka Somaliland uu kula wareegay xarunta telefishanka madaxa-bannaan ee Star TV ee magaalada Hargeysa 25 Juun, 2020.

Suxufiyiin lagu xiray Laascaanood iyo Ceerigaabo kaddib markii ay soo tabiyeen cabasho

MUQDISHO, Soomalyia, 19 Juun 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa xarigga is xig xigay ee ciidamada ammaanka Somaliland ay u geysteen suxufiyiin ku kala sugan gobolada Sool iyo Sanaag.

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada