Luuqadaha:

Luuqadaha:

HomeOl’olaha

Ol’olaha

Warfidiyeenka oo heli waayey xogta ku saabsan dedaalka dowladda ee ku wajahan Covid19 iyo ...

MUQDISHO, Soomaaliya, 03 Luulyo 2021 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ka walaacsan yahay xayiraadda ka dhanka ah helitaanka xogta ay u baahan yihiin suxufiyiinta gudaha ee ku wajahan dedaalka heer federaal iyo heer gobol ee ku aaddan cudurka Covid19 iyo tallaalka, taasoo ku xadgudbeysa waajibaadyada ay soo rogayaan dastuurka dalka iyo shuruucda xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah ee ku aaddan helitaanka macluumaadka iyo caafimaadka bulshada ee lagu doonayo in kor loogu qaado wacyigelinta bulshada si loo badbaadiyo nolosha dadweynaha.

SJS oo ka dalbatay Xafiiska RW inuu suxufiyiinta u oggolaado tebinta shirka doorashooyinka...

MUQDISHO, Soomaaliya 24 May, 2021 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa ficillada Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ee sida bareerka ah uga horjoogsaday weriyeyaasha inay helaan xogta ku saabsan shirka arrimaha doorashada ee ka socda magaalada Muqdisho.

Booliska iyo NISA oo Muqdisho ku weeraray suxufiyiin tebinayey dibaxbax, iyagoo garaacay g...

MUQDISHO, Soomaaliya 16 May 2021 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed Somali Journalists Syndicate - SJS wuxuu si adag u cambaareynayaa weerarka, handadaada iyo hor joogsiga ay maanta ciidan isugu jiray booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Nabadsugidda iyo Sirdoonka (NISA) u geysteen koox suxufiyiin ah oo kasoo waramayey Taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, halkaas oo waalidiin ka cabanayey “carruur ay sheegeen inay ka maqan yihiin” ay ku dhigayeen dibadbax.

SJS iyo SOMA oo taageeray dacwadda Radio Mustaqbal ka gudbiyeen masuuliyiin ka tirsan Dowl...

MUQDISHO, Soomaaliya, 08 May 2021 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) iyo Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) ayaa si wadajir ah u shaaciyay inay taageersan yihiin dacwadda ay gudbisay Idaacadda Mustaqbal ee ka dhanka ah Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Fahad Yaasiin iyo Ku-xigeenka Agaasimaha Villa Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed oo loo heysto weerarkii 27-kii Abriil lagu qaaday xarunta warbaahinta Mustaqbal.

WPFD 2021: Xorriyadda saxaafadda Soomaaliya oo weerar lagu hayo xilli ay badan yihiin macl...

MUQDISHO, Soomaaliya, 03 May 2021 - Maalinta Caalamiga ee Xorriyadda Saxaafadda, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu mar kale ku baaqayaa in la dhowro xorriyadda saxaafadda, loona oggolaado warfidiyeenka helitaanka macluumaad lagu kalsoonaan karo xilli ay badan yihiin wararka been abuurka ah iyo hanjabaadaha iyadoo aan sidoo kale dalbaneyno in lala xisaabtamo kuwa geysta dambiyada ka dhanka ah warbaahinta Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka 2021, SJS waxay ku baaqeysaa in haweenka suxufiyiinta So...

MUQDISHO, Soomaaliya, 8 Maarso, 2021 – Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka 2021, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyed (SJS) wuxuu ku baaqayaa u sinnaanta fursadaha iyo xuquuqaha ee dhanka haweenka suxufiyiinta Soomaaliyeed.

SJS waxay cambaareyneysaa xukunka lasoo dhoodhoobay ee Maxkamadda Ciidamada Puntland ku ri...

MUQDISHO, Soomaaliya, 03 Maarso 2021 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa xukunka saddexda bilood ee xarigga ah ee Maxkamadda Ciidamada Puntland ku ridey weriye madax-bannaan Kilwe Adan Faarax intii ay lagu guda jiray waxa SJS iyo qareennadu ku tilmaameen "maxkamad been abuur ah" oo ka dhacdey magaalada Garowe Arbacadii 03 March 2021.

60 Maalmood oo xabsi ku heyn ah kaddib, Puntland oo eedeyn cusub ku oogtay weriye Kilwe

MOGADISHU, Somalia, 25 Febraayo, 2021 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ugu baaqayaa maamulka Puntland inay kala noqdaan eedaha la siyaasadeeyay ee looga gol leeyahay in lagu handado, laguna aamusiyo weriye Kilwe Aadan Faarax oo xabsi ku jira illaa iyo 27 Disember 2020 isagoo warar ka soo tebiyay dibad-bax looga cabanayey sicir-bararka oo ka dhacay magaalada Garowe.

SJS waxay cambaareyneysaa beegsiga iyo xarigga rabshadda wata ee suxufiyiinta Galmudug, Pu...

MUQDISHO, Soomaaliya, 11 Febraayo 2021 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa xarigga sharci darrada, handadaadaha, faaf-reebka ku saleysan cabdi gelin, tacadiyada gacan-qaadka ee loo geystay warfidiyeennada, ayna geysteen ciidamada amniga iyo saraakiil ka tirsan Galmudug, Puntland, Hirshabelle iyo Muqdisho.

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada