Luuqadaha:

Luuqadaha:

DhacdooyinGuddiga Doora...

Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya waa inay ka fogaadaan ka xayiridda warbaahinta wararka doorashada 2020/2021

MUQDISHO, Soomaaliya, 04 Febraayo, 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ugu baaqayaa Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) inay ka fogaadaan inay warbaahinta iyo suxufiyiinta ku soo rogaan awaamiir xadideysa shaqadooda tebinta wararka doorashayooyinka 2020/2021, waana inay u ogolaadaan suxufiyiinta jawi u saamaxaya inay si xor ah u tebiyaan doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan.

Maalinimadii Axadda, 02 Febraayo, Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) waxay kulan la qaateen qaar ka mid ah suxufiyiinta, wakiillo ka socday warbaahinta iyo ururada metela suxufiyiinta, iyagoona ku wargeliyey in Guddigu diyaarinayo Hab-dhaqan Anshaxa Saxaafadeed oo ay ku jiraan qodobo aan caddeyn oo ay doonayaan inay dhaqan-geliyaan xiliga doorashada. Guddiga doorashada ayaa sheegay in qodobada xeerka anshaxa shuruud looga dhigi doono inay suxufiyiinta iyo warbaahinta loo ogollaado tebinta wararka inta lagu guda jiro doorashada.

Iyadoo aan soo dhoweynayno doodaha iyo wadatashiyada la xiriira doorka suxufiyiinta iyo warbaahinta Soomaaliyeed ee doorashooyinka, haddana Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) waxa uu ku adkeysanaya in Hab-dhaqanka Anshax Saxaafadeed kasta uu yahay wax ay xaq u leeyihiin suxufiyiinta, warbaahinta iyo ururadooda inay sameystaan si ay isugu xakameeyaan iyaga dhexdooda, ayna tahay inay suxufiyiinta iyo ururada matala suxufiyiinta kuwa warbaahinta inay iyagu dhexdooda sameystaan.

“Waxaanu ognahay inay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) isku dayayaan inay ku soo rogaan suxufiyiinta iyo warbaahinta qodobo lug xiraya, caqabadna ku ah tebinta wararka xilliga doorashada. Waxaanu u sheegeynaa Guddiga Doorashada in anshax saxaafadeed ay tahay inay sameystaan suxufiyiinta iyo ururada metela dhexdooda. Waana sharci darro in dibadda looga keeno si loogu caburiyo,” waxaa sidaa yiri Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS).

Wuxuu Xoghayuhu intaa ku daray Guddiga Doorashada inay ogaadaan in warbaahintu ay tahay ilaaliye muhiim ah si looga hortago, loona baaro eedeymaha la xiriira carqaladeyn ama wax isdaba-marin xilliga doorashada.

“Waxaan ugu baaqeynaa Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) inay kaararka aqoonsiga ku siiyaan suxufiyiinta iyo warbaahinta tebineysa doorashooyinka hab furan oo aan lahayn takoor, waana inay kaararka aqoonsiga xilliga doorashooyinka wada helaan dhammaan warbaahinta gaarka ah iyo tan dowladda,” Xoghayaha Guud ee SJS Md. Cabdalle Mumin ayaa intaa raaciyay.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ), Xaliimo Ibraahim oo ka hadashay kulankii Axaddii 02 Febraayo, ee dhexmaray GMDQ iyo warbaahinta. | Sawirka/ GMDQ.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ), Xaliimo Ibraahim oo ka hadashay kulankii Axaddii 02 Febraayo, ee dhexmaray GMDQ iyo warbaahinta. | Sawirka/ GMDQ.

Kulankii ay warbaahinta iyo suxufiyiinta la qaateen GMDQ ee maalinimadii Axadda, ayaa Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) oo ka mid ahaa ka qeybgalayaasha wuxuu soo jeediyay:

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GDMQ) waa inay:

  • aqbalaan in suxufiyiinta iyo warbaahinta ay ka madax-bannaan yihiin faragelin kaga timaada bannaanka;
  • oggolaadaan suxufiyiinta iyo ururadooda inay sameystaan xeerka hab-dhaqanka anshaxa oo ay tahay inay xurmeeyaan;
  • ogolaadaan suxufiyiinta iyo warbaahinta inay si buuxda uga soo waramaan dhammaan qeybaha hannaanka doorashada oo ay ka mid tahay diyaar-garowga, diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha, codeynta iyo tirinta codadka;
  • xaqiijiyaan nidaamka bixinta aqoonsiyada suxufiyiinta xiliga doorashada ay tahay mid u furan, caddaalad ah, dhammaan warbaahinta-na si aan kala sooc lahayn;

Ururrada Suxufiyiinta, tifaftirayaasha iyo suxufiyiinta waa inay:

  • sameystaan anshax saxaafadeed hannaanka war-tebinta oo ay u madax-baneynaya tifaftirayaasha iyo suxufiyiinta inay ku dhaqmaan;
  • ku adkeystaan madax-bannaani, caddaalad iyo dhexdexaadnimo taasoo siineysa dhammaan qeybaha kala duwan inay helaan fursado isla eg dhanka warbaahinta;
  • sameeyaan hab maareynaya cabashooyin hadii ay yimaadaan, ayna jirto hannaan sixitaan haddii khalad yimaado;
  • dhiirigeliyaan tebinta doorasho nabad ah oo muhiim u ah dal colaad kasoo kabanaya sida Soomaaliya oo kale;

Daneeya-yaasha gudaha iyo kuwa caalamiga waa inay:

  • garab istaagaan xorriyadda iyo madax banaanida saxaafadda, ayna cadaadis saaraan hay’adaha dowladda ee ay khuseyso inay dhowraan xorriyadda saxaafadda;
  • siiyaan taageero suxufiyiinta iyo ururradooda si ay u sameystaan Hab-dhaqanka Anshax Saxaafadeed ee aas-aasiga u noqonaya tebinta wararka doorashooyinka;
  • taageeraan abuurista Guddiga La Socodka iyo Kormeerka Saxaafadeed;

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada