Luuqadaha:

Luuqadaha:

DhacdooyinGalmudug: NIS...

Galmudug: NISA oo wariyaal ka qaadatay telefoonnadooda, amarna ku bixisay in wararka doorashada lagu soo wargeliyo

MUQDISHO, Soomaaliya, 13 Nofembar, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu walaac xoogggan ka muujinayaa awaamiirta cusub oo lagu xayirayo xorriyadda saxaafadda madaxa-bannaan iyo falka sida sharci darrada ah taleefoonadooda looga qaatay muddo kooban saddex suxufi oo ka hawlgaleysay magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug Talaadadii 13 Nofembar, 2019.

Abaaro 8:00pm fiidnimo ee Talaadada ciidamo ka socda hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo indhuhu u duubnaayeen, uuna horkacayey sarkaal aanan la aqoonsan magaciisa ayaa taleefoonada ka qaatay suxufiyiinta kala ah: Cabdikarin Ciise Cadaawe, oo ah sawirqaade ka tirsan Shabelle TV; Cabdullaahi Warsame Rooble, oo ah wariye ka tirsan Somnews TV iyo Maxamed Khadar Macalim Axmed oo u shaqeeya warbaahinta Goobjoog iyagoo ku sugnaa goob shaaha laga cabo.

Sida ay Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ay u sheegeen wariyaasha waxaa su’aalo la weydinayo midkiiba muddo 30 daqiiqo ah, ka hor intaan taleefoonadooda dib loogu soo celin.

Saraakiisha NISA waxay wariyaasha u sheegeen inay la soo iriiraan saraakiisha haddii ay doonayaan in ay sameeyaan warar la xiriira doorashooyinka, isla markaana ay ka fogaadaan tebinta wararka ama xafladaha mucaaradka ama dadka dhaliila dowladda.

Galmudug oo ah Dowlad Gobolleed uu hareeyay is-qabqabsi siyaasadeed ayaa la filayaa inay dhowaan ka qabsoonto doorashada baarlamaanka iyo tan madaxtinimmada. Waxaana doorashada darteed gaaray suxufiyiin badan si ay wararka doorashada u soo tebiyaan.

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxa uu si gaar ah walaac uga muujinayaa bed-qabka saddexda teleefoon ee ay suxufiyiintan wateen kuwaasoo gacanta u galay saraakiisha hay’adda NISA ee magaalada Dhuusamareeb. SJS waxaa horey u soo gaaray dhacdooyin qaar suxufiyiinta ka mid ah telefoonadooda loogu dhacay kaddib markii laga qaatay.

“Waxaanu ka walaacsanahay dhacdooyinkan cusub ee lagu beegsanayo wariyaasha ka hawlgala Galmudug,” Abdalle Ahmed Mumin, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa yiri “Waxaanu ugu baaqeynaa maamulayaasha Galmudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya inay deg deg uga hortagaan amarrada ay bixiyeen saraakiisha NISA ee lagu doonayo in lagu wiiqo madax-bannaanida saxaafadda. Wariyaasha waa in loo oggolaadaa inay shaqadooda u gutaan si cabsi la’aan ah iyo fara-gelin la’aan.”

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada