HomeDhacdooyin

Dhacdooyin

SJS oo cambaareysay xarigga wariyaal loogu geystay Puntland iyo Hirshabelle

MUQDISHO, Soomaaliya, 20 Febraayo, 2020 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa cambaareeyay xarigga sharci darrada ah ee afar wariye loogu geystay magaalooyinka Buulo Burde iyo Gaalkacyo maalinimadii Arbacada 19 Febraayo iyo Khamiista 20 Febraayo.

Wariye madax-bannaan oo lagu toogtay Afgooye

MUQDISHO, Soomaaliya, 16 Febraayo, 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu sida ugu adag u cambaareynayaa dilka wariye Cabdiwali Cali Xasan (Abdiwali Online) oo lagu toogtay degmada Afgooye, Gobolka Shabeelaha Hoose maalinimadii Axaddii 16 Febraayo, 2020.

SJS oo soo dhoweysay Warbixinta Amnesty International, uguna baaqday Dowladda Somalia inay...

MUQDISHO, Soomaaliya, 13 Febraayo 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu soo dhoweynayaa warbixinta ay soo saartay hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amneysty International ee cinwaankeedu yahay, “Waxaanu ku nool nahay cabsi joogto: Tacadiyada iyo Xadgudubyada ka dhanka Xorriyatul Qawlka Soomaaliya” taasoo lagu soo bandhigay tacadiyada ka dhanka ah xorriyada hadalka iyo midda saxaafadda ee Soomaaliya.

Maamulka Koonfur Galbeed oo Buurhakaba ku xiray weriye TV oo Facebook ku daabacay qoraal

MUQDISHO, Soomaaliya, 11 Febraayo, 2020- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ka dalbanayaa maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya inay si daahitaan la'aan ah oo aysan shuruud ku xirneyn u sii-daayaan weriyaha telefishanka madaxa-bannaan ee Five Somali TV, Xuseen Cali Geesey oo lagu xiray magaalada Buurhakaba, Talaadada 11 Febraayo, 2020 sabab la xiriirta qoraal loo arkay dhaliil oo uu ku daabacay bartiisa Facebook.

Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya waa inay ka fogaadaan ka xayiridda warbaahinta wararka d...

MUQDISHO, Soomaaliya, 04 Febraayo, 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ugu baaqayaa Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) inay ka fogaadaan inay warbaahinta iyo suxufiyiinta ku soo rogaan awaamiir xadideysa shaqadooda tebinta wararka doorashayooyinka 2020/2021, waana inay u ogolaadaan suxufiyiinta jawi u saamaxaya inay si xor ah u tebiyaan doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan.

SJS oo ka dalbatay Madaxweynaha Soomaaliya inuusan saxiixin Xeerka Saxaafadda oo ay ku jir...

Muqdisho, Soomaaliya, 22 Jannaayo, 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu walaac ka muujiyay Xeerka Saxaafadda ee wax laga beddelay kaasoo caburin iyo xayiraad ku soo rogaya saxaafadda oo ay ansixiyeen Xildhibaannada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 14 Jannaayo 2020. Ururka SJS wuxuu ka dalbaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo adeegsanaya awooddiisa Dastuuriga ah in uusan saxiixin Sharcigaas oo xafiiska madaxweynaha loo gudbiyay 16 Jannaayo, 2020.

Weriye TV oo lagu xiray Ceerigaabo, Puntland oo xirtay suxufi kale iyo suxufiyiinta Baydha...

MUQDISHO, Soomaaliya, 19 Jannaayo, 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa ugu baaqay Somaliland inay ka noqoto xukunka xarrigga 21 bilood ah iyo ganaaxyo lacageed oo lagu riday weriye Cabdiraxmaan Maxamed Xiddig oo ah weriyaha Eryal TV ee magaalada Ceerigaabo kaddiba warbixin uu ku soo qoray boggiisa Facebook-ga oo uu ku saabsanayd sarkaal dowladda ka tirsan.

Suxufiyiinta oo sheegay in laga hor-istaagay tebinta doorashada Galmudug iyo weriye Coday ...

MUQDISHO, Soomaaliya, 13 Jannaayo, 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu garab istaag u miijiyay suxufiyiinta madaxa-bannaan iyo warbaahinta Galmudug oo habeenkii Axaddii ee 12 Jannaayo ka cawday hor istaag lagu sameeyay howlahooda tebinta doorashooyinka Galmudug ee ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb.

Maxkamadda Hargeisa oo hal sano oo xarig ah ku xukuntay tifaftirihii Horn Cable TV

MUQDISHO, Soomaaliya, 11 Jannaayo, 2020 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa ka xumaaday xukunta caddaaladda ka fog ee siyaasadeysan ee xarigga halka sano iyo ganaaxa saddexda milyan ee shilinka Somaliland ee ay Maxkamadda Maroodi Jeex ee Hargeysa ku riday tifaftiraha Horn Cable TV, Cabdulqaadir Saleebaan Caseyr (Coday) Sabtida maanta ee 11 Jannaayo, 2020.

Nagu Soo Biir

Kubiir Facebook-geenna

Digniinaha

Warbixinnada