MUQDISHO, Soomaaliya 21 May, 2020- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu si adag u cambaareynayaa weerarka gacan-qaadka iyo xorriyad ka qaadista weriyaha SBC TV, Cabdullaahi Maxamed Sheekhdoon xilli uu ku guda jiray soo tebinta wacyigelinta cudurka Korona oo ka socday degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho Khamiista 21 May, 2020.
MUQDISHO, Soomaaliya, 22 Abriil, 2020- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu si adag uga soo horjeestay eedeymaha bilaa-caddeynta ah ee la dhoodhoobay ee ay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya u soo jeedisay weriye Maxamed Cabduwahaab Nuur (Abuuja) oo xabsi go’doomin ah lagu hayay tan iyo markii la xiray 7-dii Maarso.