HomeDhacdooyin

Dhacdooyin

NISA oo wareysi dartiis u xirtay weriye Cabdullaahi Kulmiye Caddow oo ka tirsan Radio Kulm...

MUQDISHO, Soomaaliya 18 Oktoobar, 2020 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS iyo Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ayaa si adag u cambaareeyay weerarka iyo xarigga magaalada Muqdisho loogu geystay weriyaha caanka ah ee Radio Kulmiye, Cabdullaahi Kulmiye Caddow habeennimadii Sabtida 17 Oktoobar 2020.

SJS iyo Facebook oo suxufiyiinta Soomaaliyeed u qabtay tababarkii ugu horreeyay ee badqabk...

MUQDISHO, Soomaaliya, 5 Agoosto, 2020 – Shirkadda Facebook oo kaashaneysa Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (Somali Journalists Syndicate - SJS) ayaa qabtay tababar badqabka la xiriira oo ay ka faa'ideysteen in ka badan 40 weriye oo ku kala sugan guud ahaan Soomaaliya kaasoo lagu qabtay barta maqalka iyo muuqaalka ee Zoom maalintii Arbacada ee 2da Sebtembar, 2020.

SJS oo cambaareysay xarigga Radio Gedo iyo ammarka Somaliland ee ka dhanka ah Universal TV...

MUQDISHO, Soomaaliya 29 Juun 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ugu baaqayaa maamulka Gobolka Gedo ee Dowlada Federaalka Soomaaliya inay u ogolaadaan Idaacadda Radio Gedo inay howlaheedii dib u bilowdo ayna ciidankooda kala baxaan xarunta idaacadda, sidoo kalena ugu baaqayaa maamulka Somaliland inay joojiyaan beegsiga ka dhanka ah Telefsihinnada Universal TV iyo Star TV.

Booliska Somaliland oo weeraray kaddibna xiray Universal TV Hargeisa

MUQDISHO, Soomaaliya 27 Juun, 2020 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu si adag u cambaareynayaa weerarka iyo xarigga booliska Somaliland ay u geysteen xarunta Telefishanka Universal ee magaalada Hargeysa Sabtida 27 Juun, 2020 taasoo ah tallaabadii labaad ee la xiro muddo saddex maalmood gudahood ah.

Weriye lagu dhaawacay Muqdisho; Booliska Hargeysa oo la wareegay xarun TV iyo weriye lagu ...

MUQDISHO, Soomaaliya 26 Juun, 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa weerarka hubeysan ah ee uu askari ka tirsan booliska Soomaaliya ku dhaawacay weriye Cabdifataax Cabduqaadir Shariif oo ka howlgala idaacadda madaxa-bannaan ee Danan ee magaalada Muqdisho maalinimadii Khamiista 25 Juun, iyo Tallaabada maamulka Somaliland uu kula wareegay xarunta telefishanka madaxa-bannaan ee Star TV ee magaalada Hargeysa 25 Juun, 2020.

Suxufiyiin lagu xiray Laascaanood iyo Ceerigaabo kaddib markii ay soo tabiyeen cabasho

MUQDISHO, Soomalyia, 19 Juun 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa xarigga is xig xigay ee ciidamada ammaanka Somaliland ay u geysteen suxufiyiin ku kala sugan gobolada Sool iyo Sanaag.

Weriye Coldoon oo la siidaayey kaddib 1 sano iyo 49 maalmood oo uu xabsi ku jiray

MUQDISHO, Soomaaliya 06 Juun 2020- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu soo dhoweeynayaa xorriyad-siinta weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon Sabtida maanta 6-da bisha Juun, 2020. Coldoon ayaa muddo hal sano iyo 49 cisho ku jiray xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa.

Warbaahinta madaxa-bannaan iyo Warfidiyeennada waa in loo ogolaadaa tebinta Kalfadhiga lab...

MUQDISHO, Soomaaliya 05 Juun 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ugu baaqayaa Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay ka noqdaan go’aankooda ay kaga horjoogsadaan warbaahinta madaxa-bannaan iyo suxufiyiinta kalfadhiga 7aad ee wadajirka ay u yeelanayaan Labada Aqal oo loo qorsheeyay in uu qabsoomo Sabtida 6da Juun, 2020.

Ururrada SJS, SOMA iyo SIMHA oo ka walwalsan adeegsiga sharci darrada ah ee telefoonka war...

MUQDISHO, Soomaaliya, 26 May, 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) iyo Dalladda Xarumaha Warbaahinta ee SIMHA waxay si weyn uga walwalsan yihiin isticmaalka telefoonka gaarka ah ee tifaftiraha Idaacadda Hiigsi, Maxamed Cabduwahaab Nuur (Abuuja) oo ku jira xabsi go’doomin ah tan iyo 7dii Maarso.

Nagu Soo Biir

Kubiir Facebook-geenna

Digniinaha

Warbixinnada