HomeDhacdooyin

Dhacdooyin

Booliska degmada Baraawe oo demiyay Radio Baraawe, xabsigana dhigay weriye Cismaan Baxar

MUQDISHO, Soomaaliya, 5 Jannaayo, 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa weerarka ciidanka booliska Koonfur Galbeed ee degmada Baraawe ku demiyeen Radio Baraawe isla markaana xabsiga ugu taxaabeen weriye Cismaan Aweys Baxar oo ka tirsanaa idaacaddaasi subaxnimadii Sabtida 2 Jannaayo, 2021. Ururka SJS wuxuu dalbanayaa in weriyaha shuruud la'aan lagu siidaayo, loona oggolaado Radio Baraawe inuu shaqadiisa sii wato.

SJS iyo UNSOM oo weriyayaasha Soomaaliyeed ku tababaray Xorriyatul Qawlka

MUQDISHO, SOOMAALIYA, 03 Jannaayo, 2021 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) oo kaashanaya Hawlgalka Kaalmaynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobay (UNSOM) ayaa soo gebagebeeyay tababar saddex maalmood ah oo ku saabsanaa Xorriyadda Hadalka: Waajibaadka iyo Masuuliyadda Weriyayaasha looguna qabtay in ka badan 30 suxufi magaalada Muqdisho.

Booliska Puntland oo weriye ku xiray goob aan la ogeyn iyo labo kale oo laga siidaayey xab...

MUQDISHO, Somalia, 31 Disembar, 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa isaga oo soo dhoweynaya siideynta labo warfidiyeen oo kala ah: Mahad Axmed Calasow iyo Faarax Maxamed Khaliif oo maamuladda Hirshabelle iyo Puntland ku kala xireen dhowaan magaalooyinka Jowhar iyo Garowe, sidoo kale Ururku waxa uu walaac ka muujinayaa xarigga daba dheeraaday ee lagu hayo weriye Kilwe Adan oo ilaa maalinimadii Axaddii la soo dhaafay ee 27ka Disembar ku xiran magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Xorriyadda Warbaahinta oo sii xumaaneysa ka hor doorashada Soomaaliya: Weriyayaal lagu xir...

MUQDISHO, Soomaaliya, 27 Disembar 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu si adag u cambaareynayaa tacadiyadda warfidiyeen iyo agaasimayaal loogu kala geystay magaalooyinka Beledweyne, Baydhabo iyo Muqdisho, taasoo caddeyneysa sida xorriyadda saxaafadda u sii xumaaneyso ka hor doorashooyinka guud ee dalka.

Warfidiyeenno kasoo waramayey mudaaharaadka oo la garaacay, lana xiray; Wasiirka Warfaafin...

MUQDISHO, Soomaaliya, 17 Disembar 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu walaac weyn ka muujinayaa falalka xarigga sharci darrada, xayiraadda iyo hanjabaadaha kale ee ay ciidamada ammaanku ku beegsanayaan weriyayaasha madaxa-bannaaniyo warbaahinta ee kasoo waramayey mudaaharaadyadii ka dhacay Muqdisho Talaadadii 15 Disembar, 2020.

Xeer Ilaaliyaha Guud oo maxkamad ugu goodiyay warbaahinta, iyadoo xayiraadda lagu hayo war...

MUQDIUSHO, Soomaaliya, 12 Disembar 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu si adag u cambaareynayaa hanjabadaha cusub ee ka dhanka warbaahinta xorta ah iyo warfidiyeenka Soomaaliyeed, oo ay ku jirto digniinta adeegsiga maxkamadaha ee kasoo yeertay Xeer Ilaaliyaha Guud kahor xilliga doorashooyinka guud.

Kulan sanadeedka 2aad ee Guddiga Fulinta SJS oo Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay

MUQDISHO, Soomaaliya, 07 Disembar 2020 - Xubnaha Guddiga Fulinta ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa kulan sanadeedkoodii labaad kusoo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho maalinnimadii Axaddii 6 Disembar 2020.

Kahor doorashooyinka, waa muhiim badbaadinta xorriyadda warbaahinta Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya, 17 November 2020 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Daladda Warbaahinta Madaxa-Bannaan (SOMA), ururka wariyaasha baahiyaha gaarka qaba,Dallada Warfidiyeenka Shabeellaha Hoose, agaasimayaasha in ka badan 30 xarun warbaahinta oo madax-bannaan ayaa maanta kulan wadajir ah oo looga tashanayey xorriyadda warbaahinta, xeerka warbaahinta iyo badqabka weriyayaasha xilliga doorashoyinka isugu yimid magaalada Muqdisho.

SJS & SOMA oo ugu baaqay Somaliland inay ka laabato go’aanka siyaasadeysan ee c...

MUQDISHO, Soomaaliya, 5 Nofembar 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) iyo Dalladda Warbaahinta Madaxa-bannaan ee Soomaaliyeed (SOMA) waxay si xooggan u cambaareynayaan go'aanka siyaasadedsan ee xaq-darrada ah ee ay Maxkamadda Gobolka Maroodi-Jeex ku ridday Maamulaha Guud ee Astaan TV, Cabdimanaan Yuusuf go'aankaasi oo dhacay Arbacadii 4 Nofembar 2020.

Nagu Soo Biir

Kubiir Facebook-geenna

Digniinaha

Warbixinnada