HomeDhacdooyin

Dhacdooyin

Warbixinta Sannadlaha ah ee SJS: Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda ee Soomaaliya 2022

MUQDISHO, Soomaaliya, 31 Jannaayo 2023 – Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa in ay ka mid tahay waddamada ugu khatarta badan caalamka ee ay wariyayaashu ka howlgalaan, maadaama ay la kulmaan hanjabaadyo uga imaanaya dowladda iyo kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab iyo maleeshiyo beeleedyo kooban. Waddanku waxa uu kaalinta koowaad ka galay liiska uu soo saaray Guddiga Caalamiga ah ee Difaaca Saxafiyiinta ee CPJ sannadkii siddeedaad oo isku xigta taas oo ka dhigaysa waddanka ugu khatarta badan ee saxafiyiinta ka hawlgalaan Afrika.

Maalinta Xuquuqda Aadanaha, SJS waxay ku baaqeysaa la xisaabtanka xadgudubyada ka dhanka a...

MUQDISHO, 10 DISEMBAR 2022 - Maanta waa Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed Somali Journalists Syndicate - SJS waxa uu maanta ku baaqayaa in lala xisaabtamo kuwa ku kaca xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee ka dhaca Soomaaliya oo ay ku jiraan tacadiyada loo geysto suxufiyiinta iyo bahda saxaafadda.

Bahda warbaahinta Soomaaliyeed oo walaac ka muujisay amarka dowladda Soomaaliya ee xaddida...

MUQDISHO, Soomaaliya, 10 Oktoobar 2022 – Bahda saxaafadda Soomaaliyeed iyo ururrada saxafiyiinta* ayaa ka walaacsan awaamiirta cusub ee ay soo saartay dowladda federaalka Soomaaliya ee ku saleysan xayiraadda iyo joojinta waxa ay ugu yeertay dowladdu “fidinta fikradaha xagjirnimada iyo argagixisada”.

QM ayaa u aqoonsatay in xariggii Puntland u geysatay weriye Kilwe Aadan Faarax inuu ahaa x...

MUQDISHO, Soomaaliya, 15 Agoosto 2022 – Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed (SJS) iyo qareenkooda xuquuqul insaanka, Michael Polak ee Justice Abroad ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyay go'aanka kasoo baxay Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan Xarigga Sharci Darrada (UNWGAD) kuwaasi oo u aqoonsaday xarigga Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ay kula keceen weriye Kilwe Aadan Faarax bishii Disembar 2020 inuu ah xarig sharci-darro ah oo liddi ku ah xuquuqdiisa dhaq-dhaqaaqa sida uu dhigayo Qodobka 13aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka iyo Qodobka 12aad ee Axdiga Xuquuqda Madaniga iyo Siyaasadda.

Danjiraha Mareykanka oo SJS kala qeybgalay shahaado guddoonsiinta 26 saxafi oo lagu tabara...

MUQDISHO, Somalia 27 July, 2022 – Danjiraha U.S ee Soomaaliya Larry André ayaa kala qeybgalay team ka SJS bixinta shahaadooyinka saxafiyiinta dhameystay tababarka xirfad dhisidda saxafiyiinta oo muddo saddex maalin (25 – 27 Luulyo, 2022) kasocday magaalada Muqdisho.

SJS oo tababarka habka tebinta wararka xuquuqda aadahan u qabatay warfidiyeenka magaalada ...

MUQDISHO, Soomaaliya 13 June 2022 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa magaalada Cadaado ee maamulka Galmudug ku soo gabagabeeyay tababarka habka tebinta wararka xuquuqda aadanaha oo ay ka faa'ideysteen 25 saxafi oo ka kala socda warbaahinta madaxa-bannaan. Tababarka wuxuu socday muddadii u dhexeysay 9 - 11 June, 2022.

WAR MURTIYEED WADAJIR AH OO AY SOO SAAREEN URURRADA SAXAFIYIINTA IYO WARBAAHINTA SOOMAALIY...

MUQDISHO, Soomaaliya 4 Juun 2022 – Maanta oo ay taariikhdu tahay 4 Juun 2022, Ururrada Saxafiyiinta iyo Warbaahinta Soomaaliyeed ee madaxa-bannaan ayaa kulan wadatashi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho iyagoo diiradda ku saaray isbeddellada cusub ee ka dhacay dalka kaddib doorashadii madaxtinnimada ee dhacday 15kii May 2022 iyo xaaladda xorriyadda warbaahinta ee dalka, oo heerkii ugu liitay gaartay shanti sano ee lasoo dhaafay.

SJS oo ka mid noqotay Isbahaysiga Bulshada Rayidka ee Axdiga La-dagaalanka Musuqmaasuqa ee...

MUQDISHO, Soomaaliya 20 Febraayo, 2022 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa si rasmi ah ugu biiray Isbaheysiga Bulshada Rayidka ee Axdiga Qaramada Midoobay ee La-dagaalanka Musuqmaasuqa, taasoo qeyb ka ah dadaallada SJS ee lagu difaacayo xuquuqda suxufiyiinta iyo horumarinta isla xisaabtanka xadgudubyada ka dhanka ah xorriyadda saxaafadda oo ay ku jiraan weerarrada ka dhanka ah warfidiyeenka soo tebiya wararka arrimaha musuqmaasuqa.

Nagu Soo Biir

Kubiir Facebook-geenna

Digniinaha

Warbixinnada