HomeDhacdooyin

Dhacdooyin

Somaliland oo farriin cabsi leh u dirtay saxaafadda: Maxkamadda Racfaanka oo ayidday xarig...

MOGADISHU, Somalia, 29 Sebtember, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay xukunka caddaalad darrada ah ee maanta oo 29 Sebtember ah Maxkamadda Racfaanka ee Maroodi Jeex ku ayidday xukunkii xarigga saddexda sano iyo barka ee Maxkamadda Darajada Koowaad ay horey ugu ridday weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon isagoo qareen la’aan ah.

Maxkamadda Ciidamada Puntland oo u yeertay Agaasimaha Radio Daljir

MUQDISHO, Soomaaliya, 27 Sebtember, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa wax laga aragagaxo ku tilmaamay amarka u yeerista Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland ay ugu yeertay agaasimaha Radio Daljir, Axmed Sheekh Mohamed (Tallman) ee soo baxay 24 Sebtember, 2019.

Puntland: Wasiirka Warfaafinta oo soo rogay ammaro xayiraad ah, una hanjabay wariyaasha

MOGADISU, Somalia, 25 September, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa tallaabada wasiirka warfaafinta Puntland Cali Xasan Axmed (Sabarey) uu warbaahinta iyo suxufiyiinta Puntland ugu soo rogey xayiraadaha cusub ee looga dan leeyahay in lagu caburiyo xorriyadda saxaafadda iyo falalka hanjaabadaha ee ka dhanka warbaahinta iyo suxufyiinta ka howlgala Puntland.

SJS oo taageereysa baaqa qaaraan ururinta caafimaadka wariye Ismaaciil Sheikh Khalifa

MOGADISHU, Soomaaliya, 20 September, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ku baaqayaa in taageero caafimaad oo deg deg ah loo helo weriye Ismaaciil Sheikh Khalifa oo ah weriye u dooda xuquuqda suxufiyiinta, kaasoo dhaawac culus oo kasoo gaaray qarax baabuurkiisa loogu xiray uu kazoo daray kaddib muddo 10-bilood ah oo lala tacaalayey.

Somaliland: Weerarada ka dhanka wariyaasha oo kordhay iyo qareenkii Coldoon oo iscasilay

MUQDISHO, Soomaaliya, 18 September, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa gabood-fallada ka dhanka suxufiyiinta, sidoo kalena ugu baaqayaa Maxkamadda Racfaanka ee Maroodi Jeex inay baabi’iso xukunka saddexda sano iyo barka ah ee ka dhanka weriye Cabdi Maalik Muuse Coldoon ee kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex 08 Luulyo, 2019.

Puntland iyo Somaliland waa inay ka laabtaan xayiraadda lagu soo rogay labo Mareegood

Muqdisho, Soomaaliya – 04 Sebtembar, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay xayiraad ay maamulada Somaliland iyo Puntland ku sameeyeen labo mareegood oo kala ah Hadhwanaag news iyo Puntlandtimes.

Tababarka Dukumintari Sameynta oo lagu soo Gabagabeeyay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya, 9 Luulyo, 2019 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (Somali Journalists Syndicate - SJS) iyo Machadka Somali Digital Media Academy (SODMA) ayaa Khamiista 8 Luulyo, 2019, soo gabagabeeyay tababar lagu baranayey habka sameynta iyo tifaftirka dukumintariga (Documentary Video Storytelling) oo muddo labo toddobaad ah ka socday Magaalada Muqdisho.

Somaliland oo xabsiga u taxaabtay afar weriye oo u shaqeeya Eryal TV

MOGADISHU, Somalia, 30 Luulyo, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa cambaareeyay talaabadii booliska Somaliland ay xabsiga ugu taxaabeen afar weriye oo u shaqeynayay Eryal TV.

Maxkamadda Gobolka Nugaal oo xabsiga ka siideysay weriye Maxamed Siciid Yusuf

MUQDISHO, Soomaaliya, 29 Luulyo, 2019 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa soo dhoweeyay go’aanka Maxkamada Gobolka Nugaal ay xabsiga kaga siideysay weriye Maxamed Siciid Yuusuf oo ciidamada Booliska ee Garowe ay xireen 13 Luulyo, 2019.

Nagu Soo Biir

Kubiir Facebook-geenna

Digniinaha

Warbixinnada