HomeDhacdooyin

Dhacdooyin

Booliska Soomaaliya oo weerar, garaacis iyo qalab ka qaadis ugu geystay suxufiyiin magaala...

MUQDISHO, Soomaaliya, 04 Nofember, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu si xooggan u cambaareynayaa falka handadaada, garaacidda, rasaasta lagu riday iyo la wareegista qalabka ee lagula kacay suxufiyiin u kala shaqeeya Telefishinka Al-Jazeera iyo Wakaaladda wararka Reuters waxyar uun kaddib markii ay ka soo laabteen hawl maalmeedkooda maalinimadii Isniinta 4 Nofember 2019.

SJS oo ugu baaqday Dowladda Soomaaliya inay baarto dilalka ka dhanka ah suxufiyiinta

MUQDISHO, Soomaaliya, 01 Nofembar, 2019 - Iyadoo adduunka laga xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Tacadiyada Aan La isu Ciqaabin ee ka Dhanka ah Suxufiyiinta, ayaa Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ugu baaqayaa Dowladda Federalka Soomaaliya inay baarto tacadiyada la xiriira dilalka suxufiyiinta, isla markaana ay sharciga horkeento shakhsiyaadkii ka dambeeyaya gabood-falladaasi.

SJS oo ka walaacsan weerarada internet-ka ee sii kordhaya ee lagu hayo suxufiyiinta Soomaa...

MUQDISHO, Soomaaliya, 25 October, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu welwel xoog leh ka qabaa hanjabaadaha iyo weerarada dhinaca online-ka ah ee lagu beegsanayo suxufiyiinta Soomaaliyeed oo ka hawlgala Muqdisho iyo Puntland taasoo abuurtay walaac dhanka bedqabka suxufiyiinta.

PUNTLAND: Agaasimihii hore Radio Daljir oo la sii daayay, Weriyayaasha oo hanjabaado hor l...

MUQDISHO, Soomaaliya, 22 Oktoobar, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ka walaacsan yahay noocyada cusub ee hanjabaadaha ah ee ka dhanka ah shaqaalaha Radio Daljir ee Puntland, iyadoo SJS ay soo dhoweyneyso siideynta agaasimihii hore ee Radio Daljir Axmed Sheekh Maxamed “Tallman” kaasoo xabsiga laga siidaayey Talaadada 22 Oktoobar, kaddib shan maalmood oo uu xabsiga ku jiray.

SJS oo ugu baaqday Puntland inay joojiso eedeymaha loo heysto agaasimihii hore Daljir

MUQDISHO, Soomaaliya, 21 Oktoobar, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ugu baaqayaa maamulka Puntland inuu joojiyo eedeymaha ka dhanka ah agaasimihii hore Radio Daljir, Axmed Sheekh Maxamed (Tall man) kaasoo kasoo muuqday Maxkamadda Gobolka Nugaal Isniinta 21 Oktoobar, 2019.

SJS oo ku baaqday in suxufiyinta madaxa-bannaan loo ogolaado tebinta wararka Golaha Shacab...

MUQDISHO, Soomaaliya, 19 Oktoobar, 2019 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ugu baaqayaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (Golaha Shacabka) in uu si deg deg ah ugu ogolaado warbaahinta madaxa-bannaan iyo weriyaasha inay kasoo waramaan kulamada iyo doodaha Baarlamaanka.

Booliska Puntland oo weeraray xafiiska RTN TV Garowe, una hanjabay weriyaasha telefishanka...

MUQDISHO, Soomaaliya, 15 Oktoobar, 2019 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa waxa ay ugu baaqeysaa maamulka Puntland nay joojiyaan hanjabadaadda iyo cagajugleynta ka dhanka saxafiyiinta ka shaqeeya xarunta TV RTN Garowe, isla markaana baaris ku sameeyaan saraakiisha booliska ee weerarka ku qaaday xarunta TV.

Booliska Hirshabelle oo sharci darro ku xiray weriye soo tabiyey mudaaharaad, amarna ku b...

MUQDISHO, Soomaaliya, 14 Oktoobar, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa xarigga sharci darrada ah ee weriye Cabdicasiis Xasan Macalin (Foolyarey) oo maanta lagu xiray magaalada Jowhar ee xarunta maamul goboleedka Hirshabelle xilli uu soo tabiyey mudaaharaad rabshad watay oo ka dhacay magaalada.

SJS oo xusuusineysa wariyaasha inay muujiyaan dhex-dhexaadnimo iyo masuuliyad xilliga door...

MUQDISHO, Soomaaliya, 07 Oktoobar, 2019 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu xusuusinayaa wariyaasha Soomaaliyeed inay ku dedaalaan dhex-dhexaadnimo iyo masuuliyad xilliga ay dhacayaan doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona, ayna ka baaqsadaan hawlaha waxyeeli kara bed-qabka wariyaasha.

Nagu Soo Biir

Kubiir Facebook-geenna

Digniinaha

Warbixinnada