Luuqadaha:

Luuqadaha:

HomeDhacdooyin

Dhacdooyin

SJS oo talo jeedin sharciyeed ka sameysay Xeerka Saxaafadda Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya, 24 Nofember, 2019 - Kaddib wada-tashiyo ballaaran oo ay xubnaha ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) iyo suxufiyiin kale ka qeybgaleen, ayaa Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu talo sharciyeed oo ku saabsan Xeerka Saxaafadda Soomaaliya u gudbiyay Wasaaradda Warfaafinta iyo Aqalka Sare ee Baarlamanka Federalka Soomaaliya- halkaas oo uu hadda horyaallo sharciga saxaafadda.

Booliska Somaliland oo xiray tifaftirihii Horn Cable TV, xayiraadna saaray TV-ga

MUQDISHO, Soomaaliya, 18 Nofembar, 2019 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa ugu baaqay masuuliyiinta Somaliland inay shuruud la'aan ku siidaayaan Tifaftiraha Guud ee telefishanka Horn Cable Cabdulqaadir Saleebaan Caseyr (Codey) oo si sharci darro ah loogu xiray Hargeysa, ayna ka laabtaan amarka lagu xiray xarunta telefisanka ee Hargeysa maanta oo Isniiin ah 18 Nofembar 2019.

Galmudug: NISA oo wariyaal ka qaadatay telefoonnadooda, amarna ku bixisay in wararka doora...

MUQDISHO, Soomaaliya, 13 Nofembar, 2019 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu walaac xoogggan ka muujinayaa awaamiirta cusub oo lagu xayirayo xorriyadda saxaafadda madaxa-bannaan iyo falka sida sharci darrada ah taleefoonadooda looga qaatay muddo kooban saddex suxufi oo ka hawlgaleysay magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug Talaadadii 13 Nofembar, 2019.

Suxufiyiin mudaaharaad duubeysay oo weerar gacan-qaad iyo xarig loogu geystay Hargeysa

MUQDISHO, Soomaaliya, 10 Nofember, 2019 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa falka sharci darrada ah ee garacista, handadaada looga gol leeyahay in lagu aamusiyo iyo xarriga loogu geystay magaalada Hargeysa labo suxufi oo ka shaqeeya telefishannada gudaha xilli ay waajibaadkooda shaqo ka gudanayeen goob dibadbax uu ka dhacayey maanta oo Axad ah, 10 Nofember 2019.

Booliska Soomaaliya oo weerar, garaacis iyo qalab ka qaadis ugu geystay suxufiyiin magaala...

MUQDISHO, Soomaaliya, 04 Nofember, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu si xooggan u cambaareynayaa falka handadaada, garaacidda, rasaasta lagu riday iyo la wareegista qalabka ee lagula kacay suxufiyiin u kala shaqeeya Telefishinka Al-Jazeera iyo Wakaaladda wararka Reuters waxyar uun kaddib markii ay ka soo laabteen hawl maalmeedkooda maalinimadii Isniinta 4 Nofember 2019.

SJS oo ugu baaqday Dowladda Soomaaliya inay baarto dilalka ka dhanka ah suxufiyiinta

MUQDISHO, Soomaaliya, 01 Nofembar, 2019 - Iyadoo adduunka laga xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Tacadiyada Aan La isu Ciqaabin ee ka Dhanka ah Suxufiyiinta, ayaa Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ugu baaqayaa Dowladda Federalka Soomaaliya inay baarto tacadiyada la xiriira dilalka suxufiyiinta, isla markaana ay sharciga horkeento shakhsiyaadkii ka dambeeyaya gabood-falladaasi.

SJS oo ka walaacsan weerarada internet-ka ee sii kordhaya ee lagu hayo suxufiyiinta Soomaa...

MUQDISHO, Soomaaliya, 25 October, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu welwel xoog leh ka qabaa hanjabaadaha iyo weerarada dhinaca online-ka ah ee lagu beegsanayo suxufiyiinta Soomaaliyeed oo ka hawlgala Muqdisho iyo Puntland taasoo abuurtay walaac dhanka bedqabka suxufiyiinta.

PUNTLAND: Agaasimihii hore Radio Daljir oo la sii daayay, Weriyayaasha oo hanjabaado hor l...

MUQDISHO, Soomaaliya, 22 Oktoobar, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ka walaacsan yahay noocyada cusub ee hanjabaadaha ah ee ka dhanka ah shaqaalaha Radio Daljir ee Puntland, iyadoo SJS ay soo dhoweyneyso siideynta agaasimihii hore ee Radio Daljir Axmed Sheekh Maxamed “Tallman” kaasoo xabsiga laga siidaayey Talaadada 22 Oktoobar, kaddib shan maalmood oo uu xabsiga ku jiray.

SJS oo ugu baaqday Puntland inay joojiso eedeymaha loo heysto agaasimihii hore Daljir

MUQDISHO, Soomaaliya, 21 Oktoobar, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ugu baaqayaa maamulka Puntland inuu joojiyo eedeymaha ka dhanka ah agaasimihii hore Radio Daljir, Axmed Sheekh Maxamed (Tall man) kaasoo kasoo muuqday Maxkamadda Gobolka Nugaal Isniinta 21 Oktoobar, 2019.

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada