HomeDhacdooyin

Dhacdooyin

Xorriyadda Saxaafadda Soomaaliya 2019: Ku Shaqeynta Cadaadis iyo Weeraro lala Beegsado

MUQDISHO, Soomaaliya, 06 Jannaayo, 2020 - Iyadoo sannadka 2019 uu dhammaaday, jilaayaal fara badan ayaa sii wada bartilmaameedsiga warbaahinta Soomaaliya iyo xirfadyahankeeda waxaana sii socday weerarada, xarigga aan sababta lahayn, hanjabaadyo dil, iyo carqalad ka dhan ah helitaanka macluumaadka – dhammaana waa ku xadgudubkad xuquuq dastuuri ah oo ay muhiim tahay in muwaadiniintu ay helaan.

Booliska Hirshabelle oo muddo kooban hawada ka saaray Radio Jowhar, xireyna wariye

MUQDISHO, Soomaaliya, 29 Disember, 2019 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa falka sharci darrada ah ee muddada kooban hawada looga saaray Radio Jowhar iyo xarigga wariye u shaqeynayay idaacadda maalinimadii Axadda, 29 Disember 2019.

Booliska Hirshabelle oo xiray idaacad iyo wariyeyaal

MUQDISHO, Soomaaliya, 19 Disembar, 2019 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa xarigga sharci darrada ah ee ciidanka booliska Hirshabelle kula keceen idaacadda City FM ee magaalada Jowhar iyo xariga muddada kooban ee loo geystay 7 weriye oo isla warbaahintaas u shaqeeya maalimada Khamiista 19 Disembar 2019.

Suxufiyiin Tacaddiyo kala duwan loogu geystay gobolo kala duwan

Muqdisho, Soomaaliya, 11...

SJS oo talo jeedin sharciyeed ka sameysay Xeerka Saxaafadda Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya, 24 Nofember, 2019 - Kaddib wada-tashiyo ballaaran oo ay xubnaha ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) iyo suxufiyiin kale ka qeybgaleen, ayaa Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu talo sharciyeed oo ku saabsan Xeerka Saxaafadda Soomaaliya u gudbiyay Wasaaradda Warfaafinta iyo Aqalka Sare ee Baarlamanka Federalka Soomaaliya- halkaas oo uu hadda horyaallo sharciga saxaafadda.

Booliska Somaliland oo xiray tifaftirihii Horn Cable TV, xayiraadna saaray TV-ga

MUQDISHO, Soomaaliya, 18 Nofembar, 2019 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa ugu baaqay masuuliyiinta Somaliland inay shuruud la'aan ku siidaayaan Tifaftiraha Guud ee telefishanka Horn Cable Cabdulqaadir Saleebaan Caseyr (Codey) oo si sharci darro ah loogu xiray Hargeysa, ayna ka laabtaan amarka lagu xiray xarunta telefisanka ee Hargeysa maanta oo Isniiin ah 18 Nofembar 2019.

Galmudug: NISA oo wariyaal ka qaadatay telefoonnadooda, amarna ku bixisay in wararka doora...

MUQDISHO, Soomaaliya, 13 Nofembar, 2019 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu walaac xoogggan ka muujinayaa awaamiirta cusub oo lagu xayirayo xorriyadda saxaafadda madaxa-bannaan iyo falka sida sharci darrada ah taleefoonadooda looga qaatay muddo kooban saddex suxufi oo ka hawlgaleysay magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug Talaadadii 13 Nofembar, 2019.

Suxufiyiin mudaaharaad duubeysay oo weerar gacan-qaad iyo xarig loogu geystay Hargeysa

MUQDISHO, Soomaaliya, 10 Nofember, 2019 - Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa falka sharci darrada ah ee garacista, handadaada looga gol leeyahay in lagu aamusiyo iyo xarriga loogu geystay magaalada Hargeysa labo suxufi oo ka shaqeeya telefishannada gudaha xilli ay waajibaadkooda shaqo ka gudanayeen goob dibadbax uu ka dhacayey maanta oo Axad ah, 10 Nofember 2019.

Nagu Soo Biir

Kubiir Facebook-geenna

Digniinaha

Warbixinnada