Luuqadaha:

Luuqadaha:

DhacdooyinDanjiraha Mar...

Danjiraha Mareykanka oo SJS kala qeybgalay shahaado guddoonsiinta 26 saxafi oo lagu tabaray xurfadeynta warbaahinta Soomaaliyeed

MUQDISHO, Somalia 27 July, 2022 – Danjiraha U.S ee Soomaaliya Larry André ayaa kala qeybgalay team ka SJS bixinta shahaadooyinka saxafiyiinta dhameystay tababarka xirfad dhisidda saxafiyiinta oo muddo saddex maalin (25 – 27 Luulyo, 2022) kasocday magaalada Muqdisho.

Tababarkan oo ay taageertay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray afar qeybood oo waaweyn: Xorriyatul qowlka iyo xorriyadda warbaahinta oo ay ku lamaansan tahay xaddidaada iyo mas’uuliyadaha saxafiyiinta; xeerka anshaxa saxafiyiinta iyo shuruucda warbaahinta; hababka hubinta xaqiiqooyinka iyo xogta iyo ka hortagga wararka been abuurka; iyo habka kasoo waramidda goobaha colaadaha.  Waxaana tababarkan ka faa’ideystay 26 wariye oo ka kala yimid gobollada dalka. Barnaamijkan ayaa qeyb ka ah mashruuc cusub oo tababarro ah oo ay SJS qorsheyneyso inay ku tababarto illaa 50 saxafi oo ku kala sugan gobollada dalka.

Tababarku wuxuu diiradda saaray baahida loo qabo in saxafiyiinta la tababaray ay bulshada u soo gudbiyaan xog dhab ah, dheeli tiran oo la hubo si ay dadweynaha ugu go’aan qaataan arrimaha khuseeya noloshooda, bulshadooda iyo dawladnimadooda. Saxafiyiinta xirfadleyda ahi waxay u baahan yihiin inay ku dhaqmaan anshax xaqiiqo raadin iyo xaqiijinta RUNTA. Muddadii uu tababarku socday waxay SJS ay siisay ka qeybgalayaasha buuggaag ku qoran luuqadda Soomaaliga oo lagama maarmaan u ah fahamka aqoonta iyo macluumaadka uu xambaarsanaa tababarkan.

SJS waxay kaloo sameysay qiimayn ku saabsan tababarka iyadoo su’aalo qoraal ah la siiyay ka qeybgalayaasha si loo qiimeeyo in ujeedooyinkii tababarka la fuliyay iyo in kale taasoo muujineysa in tababarka saddexda maalin la gaaray wax ka badan intii la filayey.

Xilligan oo ay dunida oo dhan ciriiri ku jirto isgaarsiinta, waxa muhiim ah in la kala saaro shaqada wartebinta ee saxafiyiinta iyo noocyada kale ee isgaarsiinta. Tababarkani waxa uu hagay oo awood siiyay saxafi kasta oo ka qeybgalay xirfado lagama maarmaan u ah shaqada war-tebinta. Waxaa ka sii muhiimsan, tababarku wuxuu bixiyay meel ammaan ah oo lagu wadaago fikradaha iyo waayo aragnimada ku saabsan xadgudubyada iyo caqabadaha ay la kulmaan saxafiyiinta Soomaaliya.

Gabagabadii tababarka Xoghayaha Guud ee SJS, Abdalle Ahmed Mumin ayaa u mahadceliyay safaaradda Mareykanka oo taageertay mashruuca tababarkan, isagoo in loo baahan yahay in la helo habab cusub oo lagu xoojin karo warbaahinta madaxa-bannaan si loola dagaallamo dhaqanka ‘Sharuurka’. “Waxqabadyada noocaan ah waxaa ka mid noqon kara taageero lacageed oo ay bixiso hay’adaha caalamiga si ay u xorowdo warbaahinta hadda ay afduubka u haystaan siyaasiyiin musuq ku shaqeysta ee xukunka kaliya u ooman iyo ​​ganacsatada aan daacadda ahayn,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee SJS, Abdalle Ahmed Mumin.

“Waxaan kaloo ogaannay inay jirto baahi loo qabo tababar gooni u ah kor u qaadida tayada saxafiyiinta dumarka ah ee la kulma caqabado gaar ah, tababarrida milkiilayaasha warbaahinta iyo agaasimayaasha iyo dhiirigelinta saxaafadda wax-baarta si ay ula xisaabtanto mas’uuliyinta dowladda iyo inay taageerto hannaanka dowladnimo loo dhan yahay,” ayuu sii raaciyey Xoghaye Mumin hadalkiisa.

Abdullahi Hussein Kilas oo ka yimid Jubbaland iyo Amina Abdirahman oo ka timid Koonfur Galbeed, oo ka mid ahaa ka qeybgalayaasha ayaa munaasabadda gabagabada tababarka ka sheegay inay xirfado muhiim ah ku barteen tababarka, ayna rajeynayaan inay wax weyn iska beddeli doonaan shaqadooda saxafinnimo. Waxay labaduba u mahadceliyeen SJS iyo Safaaradda Mareykanka dadaalka ay ku bixiyeen qabashada tababarkan.

Danjiraha Mareykanka, Larry André oo saxafiyiinta la hadlay kahor intaan shahaadooyinka la guddoonsiin ayaa sheegay inuu xushmad weyn u hayo shaqada saxafiyiinta iyo warbaahinta Soomaaliyeed, isagoo xusay in Safaaradda Mareykanka ay sii wadeyso inay kala hadasho madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada tacaddiyada loo geysto saxafiyiinta.

Danjire Larry André oo la hadlay ka soo qeyb galayaasha wax yar ka hor inta aan la guddoonsiin shahaadooyinka ayaa sheegay in uu si weyn u ixtiraamayo shaqada ay hayaan suxufiyiinta Soomaaliyeed isagoo xusay in safaaradda Mareykanka ay sii wadayaan in ay miiska soo saaraan arrimaha ilaalinta suxufiyiinta iyo xoriyadda warbaahinta. wada hadalka madaxda federaalka Soomaaliya iyo maamulada ka jira dowlad goboleedyada.

“Tababarka saxafiyiinta wuxuu sharxayaa waxa ay yihiin heerarka xirfadeed ee ugu sarreeya ee aad haysato iyo inay tahay xirfad nololeed oo aad dib u eegis ku sameyn karto noloshaada. Tababarkan waxa aan bahwadaag kula nahay Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS, iyadoo qorshuhu yahay in la gaaro illaa 50 Suxufi oo ku kala sugan laba gobol oo kala duwan oo Soomaaliya ka mid ah, si aan u dhisno xirfadahooda shaqo iyo halbeeg la jaanqaadi kara xorriyadda saxaafadda iyo waajibaadka shaqo ee ay leeyihiin,” ayuu yiri danjire André “Si loo helo soo kabashada Soomaaliya, waxaa lagama maarmaan ah in la helo saxaafad xor ah oo firfircoon. Waxaan la socdaa dhibaatooyinka ay la kulmaan dhammaan saxafiyiinta Soomaaliya iyo dhibaatooyinka dheeraadka ah ee ay la kulmaan haweenka saxafiyiinta ah,” ayuu yiri danjire André.

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada