Luuqadaha:

Luuqadaha:

DhacdooyinCiidanka mili...

Ciidanka militariga Soomaaliya oo o dil ugu hanjabay, handaday, rasaasna ku riday wariye ka tirsan Radio Kulmiye ee Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya, 09 June, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (Somali Journalists Syndicate SJS) waxaa uu cambaareynayaa falka rasaasta loo adeegsaday, handadaada iyo hanjabaadda ay ciidanka militariga Soomaaliya u geysteen wariyaha Radio Kulmiye, Xuseen Cabdulle Maxamed (Xuseen Gurmad) ee ka dhacay magaalada Muqdisho Axadda, bisha June 9keeda, 2019.

Abbaare 9.15 waqtiga gudaha Maanta oo Axad ah, ayaa ciidan ilaalo u ah Jeneraal Saney Cabdulle Gaab oo ka tirsan militariga Soomaaliya waxay jajabiyeen muraayadda haadka ee baabuurka wariyaha xilli uu taagnaa bar-kontorool oo ku taalla Xaawo Taako, una dhow xarunta Madaxtooyada. Wariyaha wuxuu xilligaa ku jiheysnaa goobtiisa shaqada wuxuuna ka yimid gurigiisa, sida ay sheegeen Idaacadda Kulmiye iyo wariyaha laftiisa.

“Waxaan sugayey in la iga fasaxo goobta kontoroolka markii ay yimaadeen Jeneral Saney illaaladiisa oo watay baabuur ciidan oo dusha ka furan. Waxay jajabiyeen baabuurkeyga muraayaddiisa, wayna laadeen. Markii aan dacwooday oo aan tusay aqoonsigeyga wariyanimo, labo askari ayaa soo degtay oo I laadday kaddibna iigu hanjabtay inay I dilayaan. Wayna dhaqaaqeen,” ayuu wariye Xuseen Cabdulle u sheegay SJS.

Falkaasi ka bacdi, wariyaha ayaa baabuurkiisa usii kexeeyay kontoroolka labaad si uu uga cawdo, hase yeeshee askarta Jeneral Saney ayaa afar xabbadood ku soo riday baabuurka wariyaha kuwaasoo aanan haleelin nasiib wanaag isagoo marayey meel u dhow Dhismaha Baarlamaanka.

Sida uu sheegay wariye Xuseen iyo tifaftiraha Radio Kulmiye, Cabdiqani Cabdullahi Ibraahim oo la hadlay SJS, askarta ayaa aad u sii gardarrooday kaddib markii ay ogaadeen in Xuseen uu yahay wariye.

“Markii aanu maqalnay dhacdada, waxaan isku daynay inaan la xiriirno saraakiisha ku shaqada leh hase yeeshee illaa hadda wax tallaabo ah lama qaadin,” ayuu sii raaciyay tifaftire Cabdiqani.

Tifaftiraha Radio Kulmiye ayaa SJS u sheegay in wariye Xuseen uu horey ula kulmay hanjabaado kaga yimid saraakiil ciidan oo ay ku jiraan askarta Jeneraal Saney.

11-kii bishii April, isla kontoroolkan ayaa ciidan la socday Taliyaha Ciidanka Lugta, Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage waxay qori ku garaaceen, dilna ugu hanjabeen wariye Xuseen xilli uu wariyuhu ku sii jeeday shaqadiisa.

Markii uu wariyuhu doonay inuu ka dacwoodo falkaasi kuma uusan guuleysan, waana laga niyadjabiyey sababo la xiriira cawaaqibka uga iman kara wariyaha hadduu dacwoodo, sida ay sheegeen tifaftiraha iyo wariyaha-ba.

“Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed SJS wuxuu cambaareynayaa falka toogashada, hanjabaadda dilka iyo handadaada loo geystay saaxiibkeen. Ma’aha wax la aqbali karo, shuruucda dalkana way ka soo horjeeddaa in handadaad iyo dil ku hanjabis loo geysto wariye.” Sidaasi waxaa yiri Ururka SJS.

“Saraakiisha booliska iyo militariga kama sarreeyaan sharciga. Dowladda waa inay baartaa kuwa ka masuulka ah falkii loo geystay wariye Xuseen, sharcigana la horkeenaa.” SJS ayaa sidaasi sii raacisay baaqeeda.

Tan iyo bilawgii sannadkan, Radio Kulmiye ayaa waxaas oo wajahay dhowr dhacdo oo wariyaal ka tirsan lagu xayiray, handadaad loogu grystay iyadoo qaarkoodna qalabkoodii laga qaatay.

22kii bishii May, ciidanka ammaanka ee jooga Kontoroolka Daljirka ayaa rasaas ku riday, garaacutaan ku sameeyay, waqti koobanna xiray wariye iyo filimduube ka tirsan Radio Kulmiye.

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada