Luuqadaha:

Luuqadaha:

DhacdooyinBooliska Punt...

Booliska Puntland oo weriye ku xiray goob aan la ogeyn iyo labo kale oo laga siidaayey xabsiyada Jowhar iyo Garowe

MUQDISHO, Somalia, 31 Disembar, 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa isaga oo soo dhoweynaya siideynta labo warfidiyeen oo kala ah: Mahad Axmed Calasow iyo Faarax Maxamed Khaliif oo maamuladda Hirshabelle iyo Puntland ku kala xireen dhowaan magaalooyinka Jowhar iyo Garowe, sidoo kale Ururku waxa uu walaac ka muujinayaa xarigga daba dheeraaday ee lagu hayo weriye Kilwe Adan oo ilaa maalinimadii Axaddii la soo dhaafay ee 27ka Disembar ku xiran magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Habeenkii Axadda ee 27 Disember, ayaa booliska Hirshabelle xabsiga u taxaabeen Mahad Axmed Calasow oo ah wakiil wareedka warbaahinta Goobjoog isla markaana la shaqeeya idaacada Jowhar. Xariggiisa weriyaha ayaa lala xiriirnayaa warbixin uu ku daabacay boggiisa Facebook-ga oo saabsaneyd ciidamada booliska oo rasaas dhaawac geystay dad ku mudaaharaadayay magaalada Beledweyne 27 Disember, 2020. Waxaa weriyaha xabsiga laga sii daayay isagoo aanan wax dembi ah lagu oogin 31 Disember 2020.

Isla 27 Disember, booliska Puntland ayaa xabsiga u taxaabay weriye Faarax Maxamed Khaliif oo ka howlgala telefishinka Horn Cable iyo Kilwe Adan oo ah weriye madaxbanaan oo ka howlgala warbaahinta lagu daabaco bogga Facebook ee Kilwe Media, oo tebisay shacab ka dibad-baxayay oo ka baxayay sicir barar saameeyay gobollada Puntland.

Halka weriye Faarax la siidaayay Talaadadii 29 Disemberr 2020 isagoo bilaa eed ah, Kilwe weli waxaa lagu hayaa xabsiga, iyadoo uu ku xiran yahay goob aan la ogeyn.

“Waanu ku faraxsanahay in aan maqalno akhbaarta in saaxiibadeen Mahad Axmed Calasow iyo Faarax Maxamed Khaliif la sii daayay,hase yeeshee waxaan ka walaacsannahay xaaladda weriye Kilwe oo weli goob aan la ogeyn ay booliska Puntland ku hayaan,” Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa yiri.

“Maamulka Hirshabelle iyo Puntland waa inay joojiyaan hanjabaadaha iyo caga-jugleynta ka dhanka ah warfidiyeennada tebinaya cabashooyinka dadweynaha, waana in aan suxufiyiinta lagu bartilmaameedsan gudashada waajibaadkooda suxufinimo ee ah wargelinta dadweynaha,” Xoghaye Mumin ayaa intaa ku daray.

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada