Luuqadaha:

Luuqadaha:

DhacdooyinBooliska Muqd...

Booliska Muqdisho oo u gacan-qaaday weriye ka tirsan SBC TV oo soo tabinayey wacyigelinta Covid-19

MUQDISHO, Soomaaliya 21 May, 2020- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu si adag u cambaareynayaa weerarka gacan-qaadka iyo xorriyad ka qaadista weriyaha SBC TV, Cabdullaahi Maxamed Sheekhdoon xilli uu ku guda jiray soo tebinta wacyigelinta cudurka Korona oo ka socday degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho Khamiista 21 May, 2020.

Abbaare 11.30a.m ayaa Taliyaha Booliska Degmada Xamar Jajab, Dhamme Raxmo Salaad Maxamed ayaa dharbaaxday weriye Cabdullaahi Maxamed Sheekhdoon oo shaqo ku jiray kaddibna u kexeeyay saldhigga booliska halkaasoo hal saac lagu hayey isagoo aa raali ka ahayn. Waxaa la siidaayey weriyaha isagoo wax eedeyn ah lagu soo oogin.

“Waxaan duubayey muuqaal markii Taliyaha Booliska Degmada Xamar Jajab, Dhamme Raxmo Salaad Maxamed ay dharbaaxo igu bilawday. Waxayna ammartay in la i xiro. Markii dambe waa la i soo fasaxay anigoo waxba la igu soo eedeynin,” Weriye Cabdullaahi Maxamed Sheekhdoon ayaa u SJS sheegay.

SJS waxay sida ugu adag u cambaareyneysaa weerarka gacan-qaadka ah ee lagula kacay weriye Cabdullaahi Maxamed Sheekhdoon xilli uu shaqo wacyigelinta Korona uu gudanayey, waxayna ku baaqeysaa in baaritaan dhameystiran oo caddaalad ah lagu sameeyo saraakiishii ku lug lahayd weerarkan.

“Waxaan si adag u cambaareynaynaa weerarka gacan-qaadka ah ee lagu qaaday weriyaha Telefishanka SBC, Cabdullaahi Maxamed Sheekhdoon. Waxaanu si aad ah uga walaacsannahay in warfidiyeenka soo tabinaya wacyigelinta Cudurka Korona oo si nafhurnimo ah ku shaqeynaya si ay dadweynaha xog u siiyaan ay weerar kala kulmayaan booliska,” Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Cabdalle Axmed Mumin ayaa sidaas yiri isagoo ku baaqay in baaritaan caddaalad ah lagu sameeyo saraakiishii ka masuulka ahayd weerarkan.

Weerarada gacan-qaadka ah ee lagu qaadayo warfidiyeennada Soomaaliyeed iyo xayiraadaha la saarayo xorriyadda saxaafadda ayaa sii kordhaya gudaha dalka toddobaadyadii lasoo dhaafay. Ciidan hubeysan oo ka tirsan NISA ayaa Isniintii 18ka May weerar ku qaaday Xarunta Telefishanka Madaxa-bannaan ee Somali Cable TV iyagoo dhaawac fudud u geystay ugu yaraan hal suxufi oo ka tirsan Telefishanka, halka askar booliska degmada Hodan ka tirsan ay horjoogsadeen suxufiyiin ka tirsan Telefishanka madaxa-bannaan ee Som News TV oo duubayey muuqaal la xiriira saameynta Korona ku yeeshay ganacsiga gudaha. Sidoo kale booliska magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa Isniintii waqti kooban xiray weriye Warsame Xaaji Faarax kaddib markuu sawirro ka qaaday suuqa degmada Beled-Xaawo oo uu dagaal hubeysan ku dhexmaray askar ka wada tirsan booliska.

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada