Luuqadaha:

Luuqadaha:

DhacdooyinBooliska degm...

Booliska degmada Baraawe oo demiyay Radio Baraawe, xabsigana dhigay weriye Cismaan Baxar

MUQDISHO, Soomaaliya, 5 Jannaayo, 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa weerarka ciidanka booliska Koonfur Galbeed ee degmada Baraawe ku demiyeen Radio Baraawe isla markaana xabsiga ugu taxaabeen weriye Cismaan Aweys Baxar oo ka tirsanaa idaacaddaasi subaxnimadii Sabtida 2 Jannaayo, 2021. Ururka SJS wuxuu dalbanayaa in weriyaha shuruud la’aan lagu siidaayo, loona oggolaado Radio Baraawe inuu shaqadiisa sii wato.

Sida ay SJS u sheegeen weriyayaasha gudaha, subaxnimadii Sabtida abbaare 10:00am (waqtiga gudaha), illaa 10 askari oo booliska hubeysan ah ayaa galay Radio Baraawe, oo ah idaacad ay leeyihiin dadka deegaanka ee magaalo xeebeedka Baraawe, kuna amray idaacadda la demiyo. Askartaasi hubeysan ayaa sidoo kale xiray weriye Cismaan Aweys Baxar oo ahaa agaasimihii idaacadda. Waxaa illaa hadda lagu hayaa saldhiga booliska degmada Baraawe.

Weriyayaasha Radio Baraawe waxay SJS u sheegeen in xarigga weriyahooda iyo deminta idaacadda ay timid kaddib war ay baahisay Idaacadda Baraawe 30 Disembar, 2020, oo ku saabsanaa cabasho ay soo jeediyeen odayaasha dhaqanka, dhallinyarada iyo haweenka oo ka cabanayey gacan-bidixeyn ay kala kulmeen hey’adaha dowladda iyo mashaariicda horumarinta.

Isniinta, Taliyaha Booliska Baraawe Cabduqaadir Aadan Maxamed wuxuu SJS u sheegay in xarigga weriye Cismaan Baxar ay soo amreen madax sare oo Koonfur Galbeed ka tirsan oo uusan magacaabin, isagoo intaa ku daray inuu kasii hadli karin kiiska weriyaha oo hadda baaritaan ay ku hayaan. Weriyayaasha gudaha iyo dad ka tirsan kuwa u dooda dadka deegaanka Baraawe waxay SJS u sheegeen in Afhayeenka Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Dr. Cali Saciid Faqi, oo magaciisa lagu sheegay warbixinta Idaacadda Baraawe ay siideysay 30kii Disembar, in uu yahay kan amray xarigga weriye Cismaan Baxar iyo deminta Idaacadda Baraawe.

Markii SJS ay la xiriirtay Afhayeenka Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Mr. Faqi ma soo jawaabin. Hase yeeshee Guddoomiyaha Degmada Baraawe, Cumar Sheekh Cabdi ayaa SJS u sheegay in “masuuliyiinta ay wadaan kiis dembi oo lagu soo oogayo weriye Cismaan Baxar sabab la xiriirta “inuu aflagaadeeyay masuuliyiin dowladeed”.

20kii Abriil 2020 ayay ahayd markii Idaacadda Baraawe hawada laga saaray iyadoo laga joojiyay baahinta barnaamijyadeeda ku baxa afka Barawaaniga. Hawl-wadeennada idaacadda waxay SJS u sheegeen in inkastoo loo ogollaaday maalmo kaddib inay barnaamijyadooda sii wataan haddana in lagu hayey cadaadis.

“Waxaan cambaareyneynaa weerarka lagu qaaday Idaacadda Baraawe iyo xarigga weriye Cismaan Aweys Baxar oo loo beegsaday kaliya inuu soo gudbiyay cabashada dadka deegaanka Baraawe. SJS waxay ugu baaqeysaa maamulka Koonfur Galbeed inay xorriyaddiisa siiyaan weriye Cismaan Baxar, ayna u oggolaadaan Radio Baraawe inuu hawshiisa sii wato si handadaad la’aan ah,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee SJS, Cabdalle Axmed Mumin.

Dhinaca kale, SJS waxay ka walaacsan tahay xarigga sharci darrada ee dheeraaday ee maamulka Puntland ku hayaan weriye Kilwe Aadan oo lagu hayo meel aan la garaneyn tan iyo habeennimadii 27 Disembar 2020 markaasoo la xiray, maalin uun kabacdi markuu soo tebiyey mudaaharaad ay dadku kaga cabanayeen sicir bararka oo ka dhacay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Waxaan dalbaneynaa in si deg deg ah lagu siidaayo weriye Kilwe.

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada