Luuqadaha:

Luuqadaha:

DhacdooyinSJS oo ugu ba...

SJS oo ugu baaqday Puntland inay joojiso eedeymaha loo heysto agaasimihii hore Daljir

MUQDISHO, Soomaaliya, 21 Oktoobar, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ugu baaqayaa maamulka Puntland inuu joojiyo eedeymaha ka dhanka ah agaasimihii hore Radio Daljir, Axmed Sheekh Maxamed (Tall man) kaasoo kasoo muuqday Maxkamadda Gobolka Nugaal Isniinta 21 Oktoobar, 2019.

Axmed waxaa laga soo qabtay gurigiisa iyadoo lagu soo qabtay amarka Taliyaha Booliska Puntland Gen. Muxudiin Axmed Muuse Khamiistii 17 Oktoobar. Waxaana lagu hayay saldhigga booliska.

Qareen Xuquuqda Aadanaha Mustafe Maxamed Jaamac ayaa sheegay in agaasimihii hore ee Radio Daljir lagu soo eedeeyay qodobo ay ka mid yihiin kicin iyo iska hor keenid. Agaasime Tall Man ayaa bishii Sebteembar ee la soo dhaafay xilligii uu agaasimaha ka ahaa idaacadda Daljir laga sii daayay warbixin lagu sheegay in nin maxbuus ahaa uu ku dhintay gacanta booliska iyagoo jirdil u geysanayay.

“Qareenadii difaacayay waxa ay codsadeen waqti dheeri ah oo ay ku soo diyaarsadaan difaacooda ku aadan eedaha loo heysto Axmed Seekh Maxamed. Waxaa la filayaa in labo maalmood kabacdi la isugu yimaado dacwadda,” ayuu yiri qareen Mustafe.

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) waxa uu ugu baaqayaa maamulka Puntland inay joojiyaan eedaha loo heysto Agaasime Tall Man, xorriyadiisana u soo celiyaan. SJS waxay ogaatay in eedaha loo heysto agaasimihii hore ee idaacadda Daljir in uu ku lug leeyahay taliyaha Booliska Puntland oo bishii horena amray in la weeraro xarumaha Daljir bartamihii bishii Sebtember.

“Suxufiyiinta waa in la siiyaa awood ay ku baari karaan gabbood fallada ay geystaan laamaha amniga oo uu Boolisku ku jiro cabsi la’aan,” sidaa waxaa yiri Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyinta Soomaaliyeed (SJS) Md. Cabdalle Axmed Muumin, isagoona intaa ku daray in ay nasiib darro weyn tahay in maamulka Puntland halkii ay ka baari lahaayeen eedeymaha xadgudubyada booliska lagu eedeeyay ay ku jawaabay caburin dhinaca sharciga ah.”

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxa uu garab taagan yahay Agaasimihii hore ee Daljir Axmed Sheikh Maxamed (Tall Man).

Weerarada ka dhanka ah saxaafadda madaxa-bannaan ayaa sii kordhay dhowanaahan gudaha Puntland. 15kii Oktoobar, booliska Puntland ayaa weeraray xarunta RTN TV ee Garowe, handadaadna u geystay suxufiyiintii joogtay. 14kii illaa 15kii Sebtember, boolisku waxay weerareen, waqti koobanna demiyeen idaacadda Daljir ee Boosaaso. Sidoo kale, 22kii Sebtember, Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa soo saaray ammaro xayiraad saaraya suxufiyiinta ku nool Puntland.

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada