MUQDISHO, Soomaaliya, 24 November 2025 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee (SJS) wuxuu si adag u cambaareynayaa xarigga sharci-darrada ah, handadaadda booliska iyo xoog kula wareegidda qalabka wariyaha Himilo Somali TV (Himilo Media), Cabdullaahi Maxamed Cali, oo loo yaqaan Saawey oo lagu xiray Muqdisho Jimcihii, 21 Nofeembar.
Galabnimadii Jimcaha, Cabdullaahi Maxamed Cali waxuu ka soo warramaayay banaanbax ka socday degmada Yaaqshiid ee Muqdisho, kaas ay bulshada deegaanka uga soo horjeedeen barakicin khasab ah iyo boob dhul ku yaalla degmadaasi. Boolis hubeysan ayaa isku dayay inay rasaas ku kala eryaan dadka banaanbaxayay, taas oo nasiib darro keentay geerida laba qof oo rayid ah, oo uu ku jiro wiil 20 jir ah, sida ay ay baahisay warbaahinta.
Amarka rasaasta loo adeegsanayo dadka banaanbaxayay waxaa la sheegay inuu bixiyay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Mahdi Omar Muumin, oo loo yaqaan Macalin Mahdi.
Goobjoogeyaal ayaa SJS u sheegay in boolisku ay garaacis iyo xarig isugu dareen wariye Cabdullaahi Maxamed Cali, xilli uu ku guda jiray hawshiisa saxaafadeed. Waxaa goobta si dirqi ah uga baxsaday wariye Cumar Yuusuf Maxamed oo la socday suxufiga la xiray.
Cabdullaahi markii hore waxaa lagu hayay xarun boolis, ka dibna waxaa loo wareejiyay Saldhigga Booliska Degmada Yaaqshiid halkaas oo lagu hayay illaa galabnimadii Isniinta. Qoyskiisiina waa loo diiday inay arkaan. Wuxuu sidoo kale SJS u sheegay in Sabtidii, 22 Nofeembar, dacwad-oogaha booliska uu si qasab ah u wareystay isagoo aan helin qareen ama wakiil sharci ah. Isniintii, 24 November, Cabdullaahi waxaa la soo taagay Maxkamadda Gobolka Banaadir. Wuxuu SJS u sheegay in lagu soo oogay eedo ay ka mid yihiin “abaabulka mudaharaadayaasha” iyo “kicinta bulshada.” Garsooraha ayaana sii daayay kadib markii ay xeer ilaalintu keeni weyday wax caddeyn ah marka laga reebo sheegashada booliska.
Cabdullaahi wuxuu intaas ku daray in dacwad-oogaha booliska, Nuraadiin Maxamed Xuseen (Jimcaale), uu ka qaaday telefoonkiisa oo ku qasbay inuu siiyo lambar sireedka. Waxaa la sheegay in dacwad-ooguhu uu ahaa mid caro badan ay ka muuqatay, isla markaana dhowr jeer ku celceliyay in Taliyaha Booliska Banaadir, Macalin Mahdi, “u neceb yahay suxufiyiinta u shaqeeya Himilo Media.”
Inkasta oo la sii daayay Cabdullaahi, maamulka Himilo Media waxay SJS u sheegeen in qalabkoodii aan dib loogu soo celinin, oo ay ku jiraan kamarad dijitaal ah, makarafoono, tripod iyo layrarka kaamirada. Markay isku dayeen inay soo ceshadaan galabnimadii Isniinta, waxaa loo sheegay in Taliyaha Booliska, Macalin Mahdi, uu amray in qalabka laga hayo.
Barakicinta khasabka ah ee lagu hayo bulshooyinka nugul ayaa si xawli ah ugu kordhay Muqdisho. Ilo kala duwan ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ganacsato iyo siyaasiyiin uu xiriir dhow la leeyahay ay yihiin dadka ugu badan ee ka macaasha iibinta dhulka guud ee dowladda, hantida dowladda iyo mararka qaar xitaa dhulal gaar loo leeyahay oo si xoog ah looga qabsado milkiilayaashooda sharciga ah.
Suxufiyiinta tabiya arrimaha barakicinta ayaa si joogto ah loo bartilmaameedsadaa, halka qaar badan oo warbaahinta maxalliga ahna ay ka gaabsadaan arrintaan si aysan u noqon kuwa la beegsado. Dhacdadii Jimcaha 21 November, waxay ka dhacday dhul hore u ahaan jiray dhul dowladeed oo ku yaalla Yaaqshiid, waqooyiga Muqdisho, kaas oo noqday deegaan dadweyne tan iyo 1960-meeyadii, ayna haystaan dukumiintiyo lahaansho oo ay siisay dowladdii dhexe ee Soomaaliya ee hore. Warbaahinta maxalliga ah, oo ay ku jirto Himilo TV, ayaa baahisay in ganacsato musuqmaasuq ah iyo mas’uuliyiin dowladeed ay isku dayayeen inay si sharci-darro ah u qabsadaan dhulka una barakiciyaan dadka deegaanka.
“Xariggan sharci-darrada ah ee loo geystay saaxiibkeen wariye Cabdullaahi Maxamed Cali (Saawey) ee Himilo Media waa weerar cad oo aan la aqbali karin oo ka dhan ah xorriyadda saxaafadda. Tabinta barakicinta khasabka ah—waa arrin si toos ah u taabaneysa danaha guud iyo xuquuqda aadanaha—ma aha dembi; waa waajibka asaasi ah ee suxufiga,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee SJS, Abdalle Mumin.
“Waxaan ka dalbaneynaa booliska Muqdisho iyo taliyahooda inay si degdeg ah u joojiyaan ol’olaha handadaadda iyo cabsi-gelinta ah ee lagu beegsanaayo suxufiyiinta. Adeegsiga awoodda dowladda si loo aamusiyo warbaahinta sida Himilo TV oo soo bandhigta musuqmaasuqa waa inuu istaagaa. Sidoo kale, waxaan ku baaqeynaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah dib loogu soo celiyo dhammaan qalabka la haysto, kaas oo si sharci-darro ah ugu jira gacanta Taliyaha Booliska, Macalin Mahdi, oo u muuqata inuu ugu talagalay ciqaab ahaan,” ayuu yiri Abdalle Mumin. “Runta laguma qarin karo karo xarig aan sharci lahayn ama qabsashada kaamaradaha.”

Dhanka kale, 16 November, koox wariyayaal ah ayaa waxaa hakiyay saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) xilli ay qaadayeen wareysiyo dadweyne (vox-pop) oo la xiriiray doorashooyinka lagu muransan yahay ee Soomaaliya. Kooxda waxaa ka mid ahaa Cabdullaahi Maxamed Cali iyo Cabdullaahi Cabdikadir Axmed (labaduba ka shaqeeya Himilo Media), Cabdiraxmaan Maxamed Waaberi (wariye Madax-bannaan), iyo Cali Xasan Guure (muuqaal duube ka tirsan Risaala Media) oo ay weheliso Hamda Xasan Axmed (Wariye Risaala).
Wariyeyaashan waxaa markii hore loo jiheeyay saldhig boolis oo u dhow, balse waa la sii daayay ka hor inta aan la gaarsiinin. Wariyeyaashu waxay SJS u sheegeen in lagu amray inay bixiyaan kharashka mootadii lagu qaaday ,waxaana la sii daayay kadib markii ay bixiyeen lacagtaas.

