Luuqadaha:

Luuqadaha:

DhacdooyinBahda Warbaah...

Bahda Warbaahinta Soomaaliyeed oo cambaareeyay War-saxaafadeedka lagu marin habaabinaayo kiiska Xoghayaha SJS Abdalle Muumin oo shalay kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya.

MUQDISHO,Soomaaliya,1-da Maarso 2023- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee (SJS), Daladda Badbaadada Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee (SMSJ) iyo Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) waxay cambaareeynayaan War-Saxaafadeedka ku saabsan xarigga sharcidarrda ah ee Xoghayaha Guud ee SJS, Abdalle Axmed Muumin oo shalay, Talaado 28-ka February kasoo baxay Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qararanka ,kaasi oo ujeedkiisu yahay in la marin habaabiyo dacwadda Xoghaye Abdalle Axmed Muumin.Bahda warbaahinta Soomaaliyeed oo la-tashi la sameeyay qareennada Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS oo ka walaacsan xarigga Xoghayaha SJS Abdalle Axmed Muumin iyo warqadda kasoo baxday xafiiska xeer ilaalinta qaranka ayaa soo saaray qodobadan hoose.

War-saxaafadeedkan oo ku taariikhaysnaa 28-dii February ,2023 laguma xusin in Xoghayaha SJS Abdalle Axmed Muumin ay xubno ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA ay si baalmarsan sharciga ugu xireen garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Xeer ilaalintu waxay Meesha ka saartay in dacwadda Abdalle ay tahay mid ku salaysan warbaahinta iyo xorriyadda saxaafadda,iyadoo Abdalle lagu soo oogay dacwad ku saabsan shirjiraa’id oo ay si wadajir ah xafiiska SJS ugu qabteen bahda Warbaahinta Soomaaliyeed 10-kii October 2022.Dhageysiga maxkamadda ayaana si toos ah looga sii daayay warbaahinta,waana laga heli karaa.

Xafiiska Xeer Iilaalintu hadda sharci uma lahan in uu kiiskan ka hadlo ,waxuuna War-saxaafadeedkan muujinayaa in la siyaasideynaayo dacwadda xoghayaha SJS oo aan loo heyn sabab sharci ah.Waxayna taasi muujinayasaa in Maxkamadda gobalka Banaadir ay wax ka bedal ku sameysay xukunkii asalka ahaa oo ku taariikhaysnaa 13-February 2023.

Qoraalka xeer ilaalintu wuxuu si toos ah u muujinayaa in Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Maxkamadda Gobalka Banaadir ay isla-garteen in Xoghayaha SJS Abdalle Axmed Muumin lagu rido xukun kale oo culus,waxayna Xeer Ilaalintu ku timaamtay Abdalle Muumin in uu yahay “Dambiile”,iyadoo aysan xaq u lahayn in ay si sharci ah u isticmaasho eraygaasi.

Kadib markii ay Maxkamadda gobalka Banaadir ay damaanadda kala noqotay Abdalle Muumin,Maxkamadda Racfaanka ayaa damaanad ku taariikhaysan 22 October ,2022 ,sumaddeeduna tahay MRGB/69/2022/BG siisay Abdalle Muumin ,sidaasi darted Maxkamadda gobalka Banaadir xaq uma lahan in ay Abdalle ka qaado Damaanadda .Keliya Maxkamadda Racfaanka ayaa awood sharci u leh in ay la naqoto damiinteeda.

Xeer Ilaalintu waxay ku eedeysay mas’uuliyiinta Xabsiga dhexe in ay si sharci-darro ah ay ku sii daayeen Abdalle Muumin, islamarkaana ay kasoo horjeesteen go’aankii Maxkamadda ,waxayna sheegeen in Abdalle uu ahaa baxsad,balse Abdalle waxaa lagu sii daayay si sharci ah ,wuxuuna ku sugnaa magaalada in ku dhow laba todobaad,kadib markii la sii daayay.Si kastaba, War-saxaafadeedkan kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa imaanaya wax-kayar 24-saac kadib markii uu Baarlamaanka Soomaaliya uu ka dooday sii socoshada tacaddiyada ka dhanka ah Xoghayaha SJS Abdalle Axmed Muumin ,xildhibaannaduna ay dalbadeen xorriyad usoo celinta Abdalle Muumun si shuruud la’aan ah iyo in baaritaan dhab ah lagu sameeyo kiiskan. Baarlamaanka ayaa kiiskan u xilsaaray guddiga Warbaahinta ee Baarlamaanka golaha shacabka in ay soo baaraan oo ay soo diyaariyaan warbixin ku saabsan kiiskan.Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee (SJS), Daladda Badbaadada Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee (SMSJ) iyo Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) waxay cambaareenayaan War-saxaafadeedka marin habaabinta ah ee kasoo baxay xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya ,kaasi oo ujeedkiisu yahay lagu qaldo ,laguna maran habaaiyo bulshada Soomaaliyeed xaqiiqada ku xeeran kiiskanUrurada Warbaahinta Soomaaliyeed waxay sidoo kale si wadajir ah u cambaareenayaan cadaadiska iyo cabsigelinta joogtada ah ee ka dhanka ah Xoghayaha Guud ee SJS Abdalle Axmed Muumin,waxayna dalbanayaan in s shuruud la’aan ah lagu sii daayo Xoghayaha SJS.Bahda Warbaahinta Soomaaliyeed waxay sidoo kale ugu baaqayaan saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya taageera in si cad u cambaareeyaan xarigga sharcidarrada ah ee dib loogu geystay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS Abdalle Axmed Muumin oo ah si qarsoodi ah oo baalmarsan sharciga dalka ugu xeranXabsiga dhexe ee Xamar.

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada