Luuqadaha:

Luuqadaha:

DhacdooyinSJS waxay cam...

SJS waxay cambaareyneysaa xarigga wariyayaasha ee Galmudug, Hirshabeelle iyo Somaliland; gelitaanka Radio Hiiraanweyn iyo hanjabaadyo ka timid madaxda dowlad goboleedyada

MUQDISHO, Soomaaliya, 24 Jannaayo 2021 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa xarigga sharci darrada ee weriyayaasha ee ugu dambeeyay ee ka dhacay Galmudug, Hirshabelle iyo Somaliland, gelitaanka Radio Hiiraanweyn iyo hadallada hanjabaadaha ah ee ka yimid madaxda dowlad gobolleedyada qaarkood xilli ay sii kordhayaan xadgudubyada ka dhanka ah saxaafadda dalka.

16kii Jannaayo, Booliska magaalada Boorame waxay xabsiga u taxaabeen afar saxafi oo kala ah; Xuseen Caateeye Gaafane oo ka howlgala Universal TV; Cabdillaahi Daahir Waceys oo ka howlgala SAAB TV; Axmed Diiriye Ciiltire oo ka hawlgala SBC TV iyo Shuceyb Maxamed Kaahin oo ka howlgala Bulsho TV. Xarigga suxufiyiintan ayaa yimid ka gadaal markii ay tebiyeen safar qarsoodi ah oo Duqa magaalada Boorame, Saleebaan Xasan Xaddi uu u baxay xilli uu socdo baaritaan hantidhowrka la xiriira oo lagu hayey golaha maamulka magaalada Boorame. Afarta weriye wax eed ah laguma soo oogin, waxaana lagu sii daayay shuruud la’aan Arbacadii 20ka Janaayo.

Suxufiyiinta kala ah: Xuseen Caateeye Gaafane oo ka howlgala Universal TV; Cabdillaahi Daahir Waceys oo ka howlgala SAAB TV; Axmed Diiriye Ciiltire oo ka hawlgala SBC TV iyo Shuceyb Maxamed Kaahin oo ka howlgala Bulsho TV oo lagu xiray Boorame 16kii Jannaayo 2021.
Suxufiyiinta kala ah: Xuseen Caateeye Gaafane oo ka howlgala Universal TV; Cabdillaahi Daahir Waceys oo ka howlgala SAAB TV; Axmed Diiriye Ciiltire oo ka hawlgala SBC TV iyo Shuceyb Maxamed Kaahin oo ka howlgala Bulsho TV oo lagu xiray Boorame 16kii Jannaayo 2021.

Subaxnimadii Arbacada ee 20ka Jannaayo, shan askari oo hubeysan oo ka tirsan xafiiska madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle, Yusuf Axmed Hagar ayaa weerar ku qaaday xarunta idaacadda Hiiraanweyn iyagoo handaday shaqaalihii idaacadda, kaddibna xabsiga u taxaabay weriye Cumar Muxudiin Cumar ooay ku eedeeyeen inuusameeyay bog Facebook oo lagu dhaliilay madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle, balse eedahaas suxufigu wuu iska diiday. Sida uu Cumar u sheegay SJS, kaddib 24 saac oo lagu hayey saldhigga booliska ayaa la geeyay maxkamadda Gobolka Hiiraan isagoo bilaa qareen ah. Maxkamadda waxay siideysay weriye Cumar Khamiidtii 21ka Jannaayo, maadaama eedihii loo heystay loo waayey wax caddeyn ah.

Weriyaha Radio Hiiraanweyn, Cumar Muxidiin Cumar oo lagu xiray Beledweyne 20kii Jannaayo, 2021.
Weriyaha Radio Hiiraanweyn, Cumar Muxidiin Cumar oo lagu xiray Beledweyne 20kii Jannaayo, 2021.

20kii Jannaayo, booliska magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug ayaa xabsiga u taxaabay Maxamed Cabdiweli Tooxow oo u shaqeeya Universal TV iyo Radio Kulmiye iyo Cabdullahi Warsame Rooble oo u shaqeeya SNTV. Sida ay suxufiyiintu iyo sarkaal ka dhisan Wasaarada Warfaafinta Galmudug u sheegeen SJS, suxufiyiinta ayaa lagu xiray ammarka saraakiil ka tirsan madaxtooyada Galmudug sababo la xiriira waribixino suxufiyiintu dhowaan ka tebiyeen weerarada Al-Shabaab ee gobolka. Labada suxufi ayaa la sii daayay 21kii Jannaayo iyagoo wax eedeyn ah lagu oogin.

Maxamed Cabdiwali Tooxoow (bidix) iyo Cabdullaahi Warsame Rooble oo lagu xiray Dhuusamareeb 20kii Jannaayo, 2021.
Maxamed Cabdiwali Tooxoow, oo ka hawlgala Universal TV/ Radio Kulmiye (bidix) iyo Cabdullaahi Warsame Rooble, oo ka hawlgala SNTV, oo lagu xiray Dhuusamareeb 20kii Jannaayo, 2021.

13kii Jannaayo, booliska Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa garaacay, horjoogsina ku sameeyay weriye Maxamuud Nuur Maxamuud oo ka hawlgala Radio Simba ee magaalada Muqdisho. Suxufiga ayaa xiligaas isku dayey inuu muuqaalo kasoo duubo goob uu qarax ka dhacay oo ku taalla suuqa Bakaaraha ee Muqdisho. Sida weriye Maxamuud u sheegay SJS, ma uusan sii wadin muuqaalladii uu duubayey, wuxuuna dib ugu noqday xaruntii idaacadda.

Weriyaha Radio Simba, Maxamuud Nuur Maxamuud oo lagu garaacay shaqadiisana la joojiyay Muqdisho 13kii Jannaayo, 2021.
Weriyaha Radio Simba, Maxamuud Nuur Maxamuud oo lagu garaacay shaqadiisana la joojiyay Muqdisho 13kii Jannaayo, 2021.

17kii Jannaayo, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni, oo u khudbeynayay askar cusub oo boolis ah tababar ugu soo dhammaaday magaalada Qardho, ayaa uga digay dadka mamulkiisa ku dhaliila baraha bulshada inay caddaaladda la tiigsan doonaan, isagoo sheegay in “Booliska Puntland ay xiri doonaan kuwa Facebook ku caaya masuuliyiinta dowladda iyo dadka facebook-ga u isticmaala kicin dadweyne”. Madaxweyne Deni wuxuu sidoo kale ku hanjabay in denbi lagu soo oogi doono dadka dhaliila maamulka goor walba iyo meelkasta oo ay joogaan.

19kii Jannaayo, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaahiye (Qoorqoor), oo dadweyne kula hadlayay magaalada Gaalkacyo, ayaa ugu hanjabay suxufiyiinta iyo warbaahinta inay ‘cawaaqib uusan sheegin’ la kulmi doonaan haddii ay buunbuuniyaan wararka ku saabsan ‘dhibaatada ay geysanayaan’ Al-Shabab isagoo yiri, “Kuwii buunbuuniya dhibaatada ay geystaan argagixisada waxa ay la mid yihiin argagixisada, waana la dagaalameynaa”.

“Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed wuxuu cambaareynayaa xarigga loo geystay suxufiyiinta kala jooga Dhuusamareeb, Boorame iyo Beledweyne. Waxaan aad uga walaacsanahay beegsiga ka dhanka ah suxufiyiinta ee sii kordhaya ka hor doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan,” ayuu yiri Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), isagoo cambaareeyay hadallada hanjabaadaha ee ay jeediyeen madaxda Puntland iyo Galmudug, uguna baaqay Puntland, Galmudug, Hirshabelle iyo Somaliland inay ka digtoonaadaan cabburinta xorriyadda saxaafadda iyo faafreebka ka dhanka ah wartebinta madaxa-bannaan ee suxufiyiinta.

“Waxaanu xasuusineynaa Maamul Gobolleedyada inay xushmeeyaan xuquuqda suxufiyiinta iyo xorriyadda hadalka, kuwaas oo ah xuquuq dastuuri ah oo lama taabtaan ah,” Xoghayaha Guud ee SJS Cabdalle Mumin ayaa intaa ku daray.

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada