Luuqadaha:

Luuqadaha:

DhacdooyinKulan sanadee...

Kulan sanadeedka 2aad ee Guddiga Fulinta SJS oo Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay

MUQDISHO, Soomaaliya, 07 Disembar 2020 – Xubnaha Guddiga Fulinta ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa kulan sanadeedkoodii labaad kusoo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho maalinnimadii Axaddii 6 Disembar 2020.

Kulanka ayaa looga hadlay qorshe sannadeedka SJS, xisaabxirka miisaaniyadda ururka, caqabadaha iyo guulaha ururka iyo dib u eegis lagu sameeyay sidoo kale Xeerka Hab-dhaqanka warfidiyeenka. Waxaana sidoo kale loogu mahadceliyay xubnaha ururka iyo taageerayaasha kale ee tabarucaadka siinayay ururka SJS tan iyo markii la aas-aasay.

Xoghayaha Guud ee SJS, Cabdalle Axmed Mumin ayaa ka hadlay shaqooyinkii ururka u qabsoomay sannadka 2020 oo ahaa sannad adag oo ay ka buuxeen caqabado, hase yeeshee sidoo kale uu ururku sameeyay horumar muuqda. Sannadka 2020 waxay SJS xubin ka noqotay labo dalladood oo muhiim ah oo kala ah: Golaha Suxufiyiinta Afrika (CAJ) iyo Midowga caalamiga ee ururrada bulshada rayidka (CIVICUS).

“Sannadka 2020 wuxuu ahaa mid adag. Ugu horreyn xannuunka Covid-19 ayaa xannibay hawlihii aan fileynay inaanu qabanno, tiiyoo ay dheer tahay caqabadaha amni ee aan wajaheynay,” ayuu yiri Xoghaye Mumin oo intaa ku daray inay kordheen beegsiga lagu hayo suxufiyiinta. Wuxuuna cadeeyay inaysan SJS marnaba u hakan hanjabaadaha iyo caga-jugleynta xitaa iyadoo ay yarad tas-hiilaadka la heli karay.

“Sannadkan gudihiisa SJS waxay taageertay afar weriye oo la maxkamadeeyay, kuwaasoo dadaalkeenna iyo kaalmadasaaxiibadeennaa wgeed, aan ku guuleysannay xorriyadooda,” ayuu sii raaciyey Xoghaye Mumin.

Dhankiisa, Guddoomiyaha SJS, Maxamed Ibraahim ayaa xusay sida ay SJS ugu guuleysatay inay sare u qaado hawl-galkeeda iyadoo ay jiraan caqabado badan oo ka hor-imaanayey.

“Markaad fiiriso horumarka uu sameeyay ururka iyo cadaadisyada aan ku dhex shaqeyneynay, waxaa la moodaa in SJS ay jirtay boqollaal sano, sababtuna waa kooxda firfircoon iyo khibradda aan u leenahay u leenahay shaqada, iyo in SJS markasta diyaar u tahay u adeegista iyo metelaadda xubnaha ururka iyo suxufiyiinta guud ahaan,”ayuu sii raaciyay Guddoomiyaha SJS, Maxamed Ibraahim

Arrimaha kale ee kulan sannadeedka labaad ee Guddiga Fulinta SJS looga hadlay waxaa ka mid ahaa: badqabka iyo amniga suxufiyiinta xilliga doorashada iyo ol’olaha SJS hormuudka ka tahay ee lagu diidan yahay Xeerka Warbaahinta oo horey loo caddeeyay inuusan kaliya keeneyn faaf-reeb ee xitaa uu halis ku yahay amniga weriyayaasha Soomaaliyeed. SJS waxay sii wadeysaa ol’olahaasi looga hortagayo inuu dhaqangalo Xeerkan halista ku ah suxufiyiinta.

Kulanka oo lasoo gaba-gabeeyay goordambe oo Axaddii ahayd ayaa loogu codeeyay saddex masuul oo ka mid noqon doona xubnaha maamulka SJS: Hinda Daahir Jaamac, oo ah weriye telefishan, ahna gabar u dhaq-dhaqaaqda xuquuqda suxufiyiinta gabdhaha ayaa noqoneysa Xoghayaha SJS ee Arrimaha Xuquuqda Haweenka, halka Hanad Cali Guuleed, oo ah weriye khibrad dheer leh haddana ah tifaftiraha wararka ee Warbaahinta Goobjoog, ayaa noqonaya Xoghayaha Tababarrada SJS. Siciid Yuusuf Warsame, oo ah weriye-sawirqaade madax-bannaan oo la shaqeeya Wakaaladda Wararka Yurub (EPA) ayaa loo magacaabay Xiriiriyaha SJS ee Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyntii, kulanka ayaa lagu xusuustay labo weriye (Cabdiwali Cali Xasan iyo Siciid Yuusuf Cali) oo sannadkan 2020 lagu dilay dalka.

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada