Luuqadaha:

Luuqadaha:

DhacdooyinNISA oo warey...

NISA oo wareysi dartiis u xirtay weriye Cabdullaahi Kulmiye Caddow oo ka tirsan Radio Kulmiye

MUQDISHO, Soomaaliya 18 Oktoobar, 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS iyo Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ayaa si adag u cambaareeyay weerarka iyo xarigga magaalada Muqdisho loogu geystay weriyaha caanka ah ee Radio Kulmiye, Cabdullaahi Kulmiye Caddow habeennimadii Sabtida 17 Oktoobar 2020.

Sida ay xaqiijiyeen suxufiyiita ay isla shaqeynayeen weriye Caddow iyo qoyskiisaba, ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa weeraray hoyga weriyaha abbaare 11:30 habeennimo ee Sabtidii, iyagoo khalkhal ku abuuray qoyska weriyaha iyagoo kaddibna kexeystay weriyaha. Lama oga halka lagu xiray weriyaha illaa hadda.

Weerarka lagu ekeeyay hoyga weriyaha ayaa yimid saddex maalmood ka bacdi markuu weriye Cabdullaahi Kumiye Caddow wareystay nin ganacsade ah oo lagu eedeeyay inuu taageeray kooxda hubeysan ee al-Shabaab isla markaana cambaareeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ay sheegeen agaasimaha Radio Kulmiye (KNN), Burhaan Diini Faarax iyo tifaftire Cabdiqani Cabdullaahi.

Markii lala xiriiray NISA masoo jawaabin, halka saraakiil ku sugan Taliska Danbi Baarista ee CID-da ay sheegeen inaysan ka warheyn xarigga weriyaha isla markaana aanan lagu xirin xarunta CID-da.

SJS iyo SOMA waxay ka walaacsan yihiin xaaladda badqabka jir ahaaneed iyo maskax ahaaneed ee weriye Cabdullaahi Kulmiye Caddow kaasoo aan la ogeyn halka lagu hayo. Waxaan ku baaqeynaa in si deg deg ah oo shuruud la’aan ah loo siidaayo weriyaha, kuwii ka dambeeyay weerarka gurigiisa lagu qaadeyna la horkeeno sharciga.

“Waa wax laga caroodo inaanu maqalnay weerarka hoyga weriye Cabdullaahi Kumiye Caddow lagu qaaday iyo xarigga loo geystay iyadoo aanan la sheegin halka lagu hayo, iyadoo sababta kaliya ee sidaa loo yeelayna ay tahay inuu soo bandhigay warbixin lid ku ah dowladda. Tani ma ahan wax la aqbali karo. Waxaanu ku baaqeynaa in si deg deg ah oo aanan shuruud lahayn loo siidaayo,” sidaa waxaa yiri Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee SJS.

“Warfidiyeenka iyo xarumaha warbaahinta waa in loo oggolaadaa inay si xor ah uga soo waramaan shacdooyinka xasaasiga ah iyagoo aanan ka cabsaneyn xarig ama handadaad, xitaa hadday yihiin warar aysan jecleysaneynin Dowladda,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Xoghaye Mumin.

“Weerarka lagu qaaday hoyga weriye Cabdullaahi Kulmiye Caddow waa weerar halis ah oo lagu qaaday xorriyadda saxaafadda ee Soomaaliya. Xariggiisuna wuxuu la mid yahay afduub,” sidaasi waxaa yiri Maxamed Cabduwahaab Cabdullaahi, Xoghayaha Guud ee SOMA.

“Waxaan ugu baaqeynaa masuuliyiinta Dowladda inay joojiyaan caga-jugleynta ay ku hayaan warfidiyeenka iyo xarumaha warbaahinta ee loo arko inay soo tabiyaan dhacdooyinka ay dhibsaneyno Dowladda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xoghaye Maxamed.

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada