Luuqadaha:

Luuqadaha:

DhacdooyinMaalinta Shaq...

Maalinta Shaqaalaha Awgeed, SJS oo ku baaqday in badbaado iyo mushahar xaq ah la siiyo warfidiyeenka

MUQDISHO, Soomaaliya 01 May, 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa munaasabadda Maalinta Caalamiga ee Shaqaalaha Adduunka ee 1da bisha May darteed, hambalyo u diray dhamaan suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed wuxuu si gaar ah u xusuusanayaa dhammaan suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku shaqeynaya xaaladdan adag ee ka dhalatay uu sababay cudurka faafa ee Coronavirus sida mushahar yari iyo gabbood fallo ay ku sameeyaan ciidamada Dowladda.

Iyadoo laga faa’iideysanayo munaasabaddan, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) Cabdalle Axmed Mumin wuxuu ku booriyay dhammaan warfidiyeenka inay qaataan farriimaha caafimaad ee ay soo gudbiyaan hay’adaha caafimaadka ee ku saabsan ka hortagga Korona oo ay ka mid yihiin in la kala fogaado, dhaqida gacmaha oo la joogteeyo iyo in la xirto weji-xir xilliyada shaqada loo baxayo.

“Cudurkan saf-marka ah ee COVID-19 dartiis, Suxufiyiinta Soomaaliyeed, si la mid ah xirfadyahanka kale ee safka hore uga jira la tacaalidda faafidda cudurka, waxay ku dhex shaqeynayaan cadaadis. Iyadoo shaqada weriyuhu ay tahay in uu wargeliyo dadweynaha, ayaa haddana guri joogistu aanay ahayn mid u furan. Waxaana arrin laga welwelo ah in dhammaan weriyaasha Soomaaliyeed haysan ama ku jirin caymis caafimaad. Waxaan dalbaneynaa in warfidiyeenku helaan mushahar ku filan iyo agab difaac oo ay kaga dhowrsadaan cudurka Korona,” Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa yiri, isagoona u muujiyay garab istaag iyo taageero dhammaan suxufiyiinta Xubnaha ka ah ururka oo isugu jira kuwo shaqaale joogto ah iyo kuwa aan ahayn, oo xiligan qaarkood wajahaya mushaharaadka oo ka soo daaha ama mushahar dhimis xilli warfidiyeenadu yihiin kuwo loogu baahi badan yahay si ay ugu wargeliyaan shacabka macluumaadka cudurka Korona.

SJS waxay ugu baaqaysaa maamulayaasha iyo milkiilayaasha warbaahinta inay siiyaan agab ku filan – sida kuwa bedqabka nafta – si warfidiyeenadu ugu gutaan waajibkooda shaqo si gooreysan oo bedqab leh.

Waxaanu sidoo kale ugu baaqeynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada inay joojiyaan hanjabaadaha iyo weerarada ka dhanka ah warfidiyeenada ku guda tebinta cudurka Korona.

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada