Luuqadaha:

Luuqadaha:

DhacdooyinSJS oo soo dh...

SJS oo soo dhoweysay siideynta weriyaha VOA iyo Radio Baraawe oo dib u bilaabay barnaamijka luuqadda Barawaaniga

MUQDISHO, Soomaaliya, 23 Abriil, 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu soo dhoweynayaa xabsi-ka-sii-deynta wakiil wareedka Idaacadda Voice of America (VOA) Mukhtaar Maxamed Catoosh, maalintii Arbacada 22 Abriil 2020, waxayna amaaneysaa go’aanka loogu ogolaaday Idaacadda Radio Baraawe in dib u bilowdo barnaamijyadii ku bixi jiray Afka Barawaaniga.

Weriye Catoosh waxaa xabsiga u taxaabay ciidamo ka tirsan booliska Koonfur Galbeed ka gadaal markii uu idaacada VOA ka sii daayay 19 Abriil ee bishan warbixin lagu sheegay geerida gabar 14 jir ahayd oo kufsi loogu geystay waddada u dhexeysa magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

“Waxaan xorriyadeyda helay shalay (Arbaco) fiidkii, wax shuruud ah oo lagu xiray siideynteyda ma jirto,” ayuu yiri Mukhtaar Maxamed Catoosh.

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) waxa uu soo dhoweynayaa xayiraad ka qaadista barnaamijyada ku baxa lahjadda Barawaaniga loo yaqaano “Chimini” ee Idaacadda Radio Baraawe Arbacadii, sida ay maamulka idaaadda uu u sheegay SJS.

Maamulka magaalada Baraawe ayaa ku amray, maalinimadii Isniinta, Idaacadda Radio Baraawe inay hakiyaan barnaamijyada ku baxa lahjadda Barawaaniga, iyagoo ku tilmaamay inay tahay “Sharci darro” iyagoon wax caddeyn ah oo kabaya amarkooda soo bandhigin.

“Waxaan soo dhoweyneynaa in weriye Mukhtaar Maxamed Catoosh oo la xiray Isniinta uu xorriyadiisa dib u helo,” Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa yiri, isagoo isla markaana soo dhoweeyay in Idaacadda Radio Baraawe loo ogolaado in barnaamijyadoodii ku bixi jiray Baraawniga dib u bilaabaan, kadib xayiraad sharci darro ah oo la saaray Isniintii.

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada