Luuqadaha:

Luuqadaha:

DhacdooyinSJS oo wadata...

SJS oo wadatashi ku saabsan doorashooyinka, dimuqraadiyadda iyo warbaahinta ku qabatay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya, 14 Maarso, 2020- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa kulan wadatashi ah oo ku saabsan Dimuqraadiyadda, saxaafadda iyo tebinta doorashooyinka xilliyada ay jiraan wararka marin habaabinta ah si kor loogu qaado wacyiga suxufiyiinta iyo caqabadaha ku hor gudban saxaafadda Soomaaliya.

In ka badan 50 suxufiyiin, tifaftirayaal iyo masuuliyiin warbaahineed ayaa ka soo qeyb-galay kulanka wadashiga ah, kaasoo baaq loogu diray madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uusan saxiixin sharciga saxaafadda ee dhowaan labada aqal ansixiyeen. Sharcigaas ayaa ah mid caburinaya xorriyaadka aas-aasiga ah ee saxaafadda.

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Cabdalle Axmed Mumin ayaa khudbadiisii furitaanka ee kulanka wada-tashi sheegay in saxaafad xor ah oo aan baqaneynin ay aas-aas u tahay dhismaha bulsho walba oo dimuquraadi ah, kuna baaqay in warbaahinta dabarka iyo ka horjoogsiga xaqa helista xogta laga joojiyo iyo muhiimadda ay u leedahay dowladda inay ixtiraamto xorriyadda Saxaafadda, siina deysaa oo xorriyaddiisa dib ugu celisaa tifaftiraha Radio Hiigsi Maxamed Cabdiwahaab Nuur oo loo yaqaano Abuuja oo maalintii 8-aad ku xiran xabsiga Godka Jilacow ee NISA bilaa maxkamad.

Abdalle Ahmed Mumin, Secretary General of SJS speaks during the journalists' consultative meeting in Mogadishu, Friday 13 March, 2020.
Abdalle Ahmed Mumin, Secretary General of SJS speaks during the journalists’ consultative meeting in Mogadishu, Friday 13 March, 2020. | Photo credit: SJS.

“Waxaanu ognahay in Soomaaliya in diyaar garoobeyso qabashada doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka, waxaanu sidoo kale ognahay in saxaafad xor ah ay tahay oo keliya habka keliya ee lagu xaqiijin karo doorasho xor iyo xalaal ah,” Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) Cabdalle Axmed Mumin ayaa yiri, isagoo intaas ku daray in ay nasiib darro tahay in suxufiyiinta Soomaaliya ay si joogto ah la kulmaan hanjabaado oo mid ah lagu hayo xabsiga NISA maalintii 8-aad isagoo maxkamad ah la horkeenin.

Xoghayaha Guud ee SJS ayaa carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ee warbaahin madaxbanaan u leedahay horumarinta bulshada, uguna baaqay dowladda iyo dowlad goboleedyada dalka iyo dhamaan jilayaasha kale ee siyaasadda inay xushmeeyaan madaxbanaanida saxaafadda iyagoo u ogolaanaya helista xogta saxaafaddu u baahan tahay si ay bulshada ugu go’aan qaadato.

“Waxaan ugu baaqayaa madaxweyne Farmaajo inuusan saxiixin sharciga saxaafadda oo ah ee hadda horyaala oo runtii noqon kara hadii la saxiixo caqabad hor leh oo ku hor gudboonaan doonaan shaqada saxaafadda.

Xoghayaha Arrimaha Haweenka iyo Xuquuqda ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) Nafisa Xersi Oogle ayaa sheegtay muhiimadda ay leedahay in haweenka suxufiyiinta ay diirada saaraan tebinta howlaha la xiriira ka qeybqaadashada dumarka ee doorashada, isla markaana ay xaqiijiyaan qoondada dumarka ee 30% iyo in haweenku helaan xuquuq la mid ah midda ragga marka ay timaado tebinta doorashooyinka.

“SJS waxay dhiirigelineysaa haweenka suxufiyiinta sidii ay ugu qareemi lahaayeen sidii haweenku u heli lahaayeen xuquuq la siman midda ragga xiliyada doorashada, anagoo ah in haween badan oo suxufiyiin ah aanay awoodin inay si xor ah u tebiyaan, Waa in xorriyada Saxaafadda ay qeybaha siyaasadda oo dhami ay dhowraan.”

Cabdulcasiis Billow Cali oo ah weriye u shaqeeya telefishinka CGTN ayaa iftiimiyay sida dhibaatada helista xogta ay u saameyneyso wararka warbaahinta madaxa banaan.
“Maalmahaan waxaa adag in la heo xog, waayo qofna dooni maayo in uu xog ku siiyo, xogtaas oo ay bulshadu u baahan tahay, waxaana qabaa inay adkaan doonto tebinta doorashooyinka dalka iyo sidii looga feejignaan lahaa wararka been abuurka ah haddii sharciga saxaafadda ee hadda jira la meel mariyo.” Weriye Billow ayaa yiri.

Weriye Xuseen Xuseen Maxamed Cabdulle oo Tifafttire ka ah Idaacadda Kulmiye sidoo kalena barnaamij soosaare ka ah Telefshinka Universal ayaa uga mahadceliyay SJS qabashada shirkan iyadoo baahi loo qabo sidii in xaaladda saxaafadda dalka wax looga bedeli lahaa iyo sidii loo xaqiijin lahaa in shacabku helo xog sugan, si tani loo helana sheegeyna in suxufiyiintu ay gebi ahaanba madaxbanaanaadaan.

Weriye Cabdulcasis Barrow oo ah weriye madaxbanaan oo ka hadlay munaasabada SJS ayaa ku dhiirigeliyay suxufiyiinta iyo tifaftirayaasha inay sameeyaan hubin lagu sameynayo sugnaanshaha isha warka, isagoo sheegay muhiimadda ah in xoogga la saaro wararka ku saabsan xaqiiqda, sidaasi si la mid ahna waa in saxafi aan loo ciqaabin warar uu tebiyay.

Nafisa Ogle (left) awards journalist Abdiqani Abdullahi of Radio Kulmiye (centre) on Friday, 13 March, 2020.
Nafisa Ogle (left) awards journalist Abdiqani Abdullahi of Radio Kulmiye (centre) on Friday, 13 March, 2020. | Photo credit: SJS.

Cabdiraxmaan Maxamed Xasan oo ah Agaasimaha hay’adda NASDO oo shirkan qabsoomidiisa taageertay ayaa ku tilmaamay shaqada ay warbaahintu u heyso bulshada mid aad muhiim u ah, isagoo sheegay in hay’addiisu taageertay qabsoomidda shirkan, isagoo u rajeeyay saxaafadda Soomaaliya madaxbanaani dhameystiran.

Gebagebadhii kulankii wada-tashiga, ayaa ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS waxa uu shahaaddo sharaf guddoonsiiyay suxufiyiin iyo tifaftirayaal doorkii ay ku lahaayeen difaacidda xorriyadda Saxaafadda waxa ayna kala yihiin:

  1. Cabdullaahi Axmed Nuur, Tfifaftiraha wararka Universal TV;
  2. Cabdulcasiis Billow Cali,Wakiilka wareedka Telefshinka CGTN;
  3. Guuleed Cabdi Salaad Qaarey, Saxafii iyo sawirqaade u shaqeeya Universal TV;
  4. Axmed Maxamuud Dhicisow, tifaftiraha wargeyska Xamar;
  5. Xuseen Cabdulle Maxamed Tifaftiraha wararka Radio Kulmiye iyo Barnaamij Soosaare Universal TV;
  6. Farxiya Maxamed Yuusuf, saxafiyad u shaqeysa SOM News;
  7. Cabdiqani Cabdullaahi Ibraahim, Tifaftiraha wararka online-ka ee Idaacadda Kulmiye;
  8. Shaafici Maxamed Cabi, Wakiilka wareedka Al-Carabi TV;
  9. Xasan Maxamed Cali (Kaahiye), Agaasimaha Wararka SOM News TV.

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada