Luuqadaha:

Luuqadaha:

DhacdooyinBooliska Hirs...

Booliska Hirshabelle oo xiray idaacad iyo wariyeyaal

MUQDISHO, Soomaaliya, 19 Disembar, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa xarigga sharci darrada ah ee ciidanka booliska Hirshabelle kula keceen idaacadda City FM ee magaalada Jowhar iyo xariga muddada kooban ee loo geystay 7 weriye oo isla warbaahintaas u shaqeeya maalinimadii Khamiista 19 Disembar 2019.

Maalinimadii Arbacadii 3:00pm galabnimo, ciidan boolis ah oo hubeysan oo ka amar qaadanayay taliyaha booliska Hirshabelle Col. Xasan Dhicisow Xasan ayaa weeraray idaacadda, weydiiyayna rukhsadda idaacadda, iyagoo iska tagay kaddib markii warqaddii rukhsadda la tusay, sida ay wariyeyaal ka tirsan City FM u sheegeen Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS).

Abaare 1:30 duhurnimo, Khamiistii 19 Disembar, ciidan boolis ah oo hubeysan ayaa markale weeraray idaacadda, amarna ku bixiyay in la demiyo idaacadda, waxayna la wareegeen furayaasha idaacadda, iyagoo markaa kaddibna kexeysay toddobo suxufi oo ka shaqeynaysay idaacadda muddo koobanna ku xiray saldhigga booliska. Suxufiyiinta muddada kooban la xiray ayaa kalaa h: Mahad Muuse Mahdi, Sakariye Cismaan Cabdi, Xuseen Cabdi Farey, Maxamuud Cali Cumar, Cabdinaasir Axmed, Abuukar Cali Caddow iyo Nuur Maxamed Macallin.

Sida uu SJS u sheegay Maxamed Yaasiin Mahdi, boolisku ma aaney heysan wax ammar qoraal ah oo ay u adeegsadeen xiritaanka idaacadda. Sarkaal sare oo booliska magaalada Jowhar ayaa SJS u sheegay in warqad ammar u yeeris ah oo uu soo saaray Xeer Ilaaliyaha Hirshabelle, Cabdullahi Maxamuud Gacal soona baxday 18 Disembar, loo diray agaasimaha idaacadda Cabdishakuur Cabdullaahi Axmed (Shaashaa), taasoo daba joogta warbixin iyo wareysi la sheegay inay ku eedeysay ciidamada AMISOM iyo Madaxweynaha maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare inay dhul beereed deegaankaasi ku yaalla ay boob kaga qaateen dadkii lahaa.

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa weerarka iyo xiritaanka sharci darrada ee lagu sameeyay idaacada City FM ee Jowhar, iyadoo ugu baaqday maamulka Hirshabelle in uu shuruud la’aan ugu ogolaado in idaacaddu shaqadeeda dib u bilowdo.

“Waxaan cambaareynaynaa xiritaanka sharci darrada ah ee City FM ee ay ku dhaqaaqeen maamulayaasha Hirshabelle iyo xarigga warfidiyeenka idaacaddan,” ayuu yiri Xoghayaha Guud Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Abdalle Ahmed Mumin “In idaacad loo xiro kaliya warar laga baahiyey waxay muujineysaa sida maamulkan uu u noqday mid xadgudub ku dhaqma. Waxaan dalbaneynaa in si deg deg ah oo shuruud la’aan ah loogu oggolaado City FM inay shaqadeeda warbaahin dib u bilowdo.”

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada