Luuqadaha:

Luuqadaha:

DhacdooyinMaxkamadda Ha...

Maxkamadda Hargeysa oo Booliska u ogolaatay inay xabsiga kusii hayaan wariye Cabdiqaadir Codey

MOGADISHU, Somalia, 30 November, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS ayaa waxa uu ka dalbanayaa maamulka Somaliland inay xorriyaddiisa dib ugu soo celiyaan, xabsigana si shuruud la’aan uga sii daayaan weriye Cabdulqaadir Saleeban Caseyr “Codey” oo maxkamaddu 30 November 2019 oo ah maanta 3 maalmood oo dheeri ugu dartay xabsi ku heyntiisa

Sida ay suxufiyiin jooga Hargeysa u sheegeen SJS, maalinimadii Sabtida ayaa xarunta CID ay weriye Cabdulqaadir Codey u qaadeen maxkamadda Maroodi jeex iyagoo aan qareenadii iyo eheladii iyo asxaabtii weriyaha wax ogeysiin ha la siinin, taasoo maxkamadu saddex maalmood oo dheeri ku dartay xabsi ku heyntiisa, iyadoona noqoneysa maalintii 13-aad ee uu xabsiga ku jiro.

Cabdulqaadir waxaa la xiray 18 November, iyadoo isla maalintii xigtay maxkamadda Maroodi jeex ogolaatay in 7 maalmood xabsiga lagu sii hayo.

“Wax ogeysiin ah ama naloo sheegay oo la xiriita in maxkamadda Abduqaadir codey la keenayo ma jirin. Qareenadii difaacayayna lama siin fursad ay ku difaacaan.”sidaa waxaa u sheegay SJS suxufiyiin jooga magaalada Hargeisa oo magacooda amnigooda dartood loo qariyay.
Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa isku day xiriir uu la sameeyay Booliska Somaliland aanay suurtogelin.

Si kastaba ha ahaatee, booliiska ayaa baadi goob ugu jira inay keenaan eedeymo lagu soo oogo Horn Cable TV iyo tifaftiraheeda oo haatan xabsiga lagu hayo, iyadoo boolisku diideen damaanad ay qareenada weriyaha ku doonayeen inay banaanka ku keenaan

“Wax la aqbali karo ma ahan in xorriyadda saxaafadda ee Somaliland ay halis weyn ugu jirto isla sharcigii la doonayay in lagu difaaco, iyadoo dhamaan shuruucda dalka u yaalo ay damaanad qaadayaan xorriyadda saxaafadda, “ Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa yiri, isagoona ugu baaqay maxkamamada Maroodi jeex inay si shuruud la’aan ku sii dayaan weriyahan, si xorriyaddiisa iyo xaquuqdiisa aas-aasiga ah u helo.”

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada