Luuqadaha:

Luuqadaha:

DhacdooyinBooliska Soom...

Booliska Soomaaliya oo weerar, garaacis iyo qalab ka qaadis ugu geystay suxufiyiin magaalada Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya, 04 Nofember, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu si xooggan u cambaareynayaa falka handadaada, garaacidda, rasaasta lagu riday iyo la wareegista qalabka ee lagula kacay suxufiyiin u kala shaqeeya Telefishinka Al-Jazeera iyo Wakaaladda wararka Reuters waxyar uun kaddib markii ay ka soo laabteen hawl maalmeedkooda maalinimadii Isniinta 4 Nofember 2019.

Suxufiyiinta kala ah: Jaamac Nuur Axmed, weriyaha Al-Jazeera qeybta Af-Carabiga; Cabdinaasir Abuukar Xareed, filimqaade Al-Jazeera TV; Cumar Siyaad oo ah darawalkooda iyo Maxamed Cali Daahir, oo ka tirsan shaqaalaha Al-Jazeera; iyo Feysal Cumar oo ah wariye iyo sawirqaade ka tirsan Wakaaladda wararka Reuters ayaa kasoo laabanayey shaqo oo ay u joogeen garoonka caalamiga ee Aadan Cadde, halkaas oo diyaarado sida gargaar bani’aadanimo oo loogu talogalay deegaanada daadadku saameeyeen.

Ciidan boolis ah oo wata labo baabuur oo dusha ka furan ayaa joojiyay baabuurkii ay la socdeen suxufiyiinta , isla markiina ku bilaabay garaacis, handadaad, qalab ka qaadis iyagoo rasaas hawada ugu riday kuna taagay hubkooda, sida ay suxufiyiintan u sheegeen ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS).

“Waxaanu mareynay isgoyska Zoobe markaas oo ay na joojiyeen labo gaari oo Cabdibileyaal ah oo ay saarnaayeen ciidamo boolis ah oo aad u hubeysan. Ugu horeyn qoryaha ayay nagu soo taageen, waxayna nagu amreen in gaariga aan wadada ka leexino, balse waxaan u sheegnay in aanay jirin meel gaarigu ku kala wareego saxmadda jirtay awgeed,” wariyaha Reuters, Feysal Cumar ayaa sidaa u sheegay SJS “Waxay u muuqatay markii ay na aqoonsadeen in aan suxufiyiin nahay ayay dhibaateynta nagu kordhiyeen iyagoo rasaas fara badan ridaayey, iyagoo qoryaha dhinaceena u soo taagay.”

Wariye Jaamac Nuur ayaa SJS u sheegay in mid ka mid ah saraakiisha booliska uu bistoolad ku taagay uguna hanjabay in uu tooganayo, halka sarkaal kale oo booliska uu isku dayay in uu xoog ku furo albaabka darawalka baabuurkii ay saarnaayeen wariyaasha, markii suxufiyiintii asxaabteyda ahaa ay qeyliyeen, boolis badan ayaa yimid iyagoo ku hanjabay inay na rasaaseynayaan.


“Sarkaalkii ugu horeeyay wuxuu isku dayay in uu baabuurka si xoog ah iiga dejiyo, balse albaabadu way xirnaayeen, kadibna albaabka darawalka ayuu u aaday si uu ula dego balse waxaan xoog u qabtay gacanta darawalka si aan uga celiyo inay la degaan,” Weriye Jaamac Nuur ayaa sidaa ugu sheegay SJS isagoo intaa ku daray in askari uu si cod dheer ugu sheegayay saraakiisha kale in aanu nahay wariyaal aana sidanno kamirooyin aan muuqaalo uga duubnay booliska, mana aanan sameynin, balse waxa ay qaateen labo ka mid ah kaamirooyinkeena.”

Wariye Feysal Cumar iyo sawirqaade Cabdinaasir Abuukar ayaa waxaa soo gaaray xagtimo kooban garaacista darteed. Kaamirooyinkii laga qaatay suxufiyiinta ayaa markii dambe dib loogu soo celiyay, sida uu SJS u sheegay wariyaha Al-Jazeera, Jaamac Nuur.

Telefoonno iyo farriimo aanu u dirnay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya iyo Xafiiska Taliyaha Booliska si aan uga helno jawaabtooda ku aaddan dhacdadan ayaan laga soo jawaabin.

“Sida ugu xooggan ayaan u cambaareyneynaa weerarkan loo geystay saaxiibadeen suxufiyiinta ah,” sidaasi waxaa yiri Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Abdalle Ahmed Mumin “Saxafiyiintu ma’ahan cadow ee waa farriin-sidayaal. Weerarka lagu qaado saxafiyiinta ma’ahan oo kaliya weerar lagu qaaday xorriyadda saxaafadda iyo xorriyadda hadalka ee waa weerar ka dhan ah xuquuqda aadanaha.”

“Warfidiyeenku si joogto ah ayey ula kulmayaan weeraro iyo hanjabaado iyadoo aaney jirin wax la xisaabtan ah dhanka ciidamada ammaanka. Waxaanu ugu baaqeynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya inay deg deg u bilawdo baaritaan ku saabsan arrintan, lagulana xisaabtamayo kuwii ka masuulka ahaa dhacdadan,” ayuu hadalkiisa ku daray mudane Mumin.

Toddobaadkii hore, ciidanka booliska Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku xiray shan wariye xilli ay soo tabinayeen mudaaharaad ay sameeyeen wadayaasha gaadiidka dadweynaha oo ka dhacay Isgoyska KM4. Wariyaashaasi oo kala ahaa: Farxaan Maxamed Xuseen, Yoonis Duraan Cali, Yaxye Xaaji Colaad- oo ka wada tirsan Radio Kulmiye; Axmed Cali Barre oo ka tirsan Universal TV iyo wariyaha Goobjoog Cali Aadan Mumin waxaa la siidaayey isla maalinkii Axadii ee 27 Oktoobar iyadoo aan wax dembi ah lagu oogin.

Dhacdo kale oo ka dhan ah saxafiyiinta, ciidanka booliska Puntland ayaa magaalada Dhahar weerar garaacid iyo laad lala dhacay ugu geystay saddex saxafi oo ka kala shaqeysa Radio Daljir, Horn Cable TV iyo SBC xilli ay duubayeen shir jaraa’id oo ay ku qabteen odayaal dhaqameed hotel ku yaalla degmada Badhan ee gobolka Sanaag.

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada