Luuqadaha:

Luuqadaha:

Dhacdooyin60 Maalmood o...

60 Maalmood oo xabsi ku heyn ah kaddib, Puntland oo eedeyn cusub ku oogtay weriye Kilwe

MUQDISHO, Soomaaliya, 25 Febraayo, 2021 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ugu baaqayaa maamulka Puntland inay kala noqdaan eedaha la siyaasadeeyay ee looga gol leeyahay in lagu handado, laguna aamusiyo weriye Kilwe Aadan Faarax oo xabsi ku jira illaa iyo 27 Disember 2020 isagoo warar ka soo tebiyay dibad-bax looga cabanayey sicir-bararka oo ka dhacay magaalada Garowe.

Maanta oo Khamiis ah 25 Febraayo oo ku beegan 60 maalmood oo xabsiga uu ku jiro Kilwe kaddib, ayey Maxkamadda Ciidamada ee Puntland ku oogtay eedeymo cusub oo ku saleysan: Qodobka 320 (Kicin Sharci darro); Qodobka 321 (Horkicid Sharci Diido); Qodobka 328 (Daabicidda ama Faafin Warar Been ah oo Khalkhal Galinaaya Deganaanshaha Dadweynaha); Qodobka 271 (Denbi Lidi ku ah Maamulka Iyadoo la Isticmaalayo Qoraallo Wax Dhaawacaya); iyo Qodobka 219 (Yasitaan la Yasay Qaranka ama Maamulka Dowladda). Dhammaan qodobadan ayaa ku saleysan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed ee Duugoobay (1964) kaasoo hadda loo adeegsado in lagu ciqaabo, laguna maxkamadeeyo suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Eedaha cusub ayaa waxa ay gebi ahaanba ka duwan yihiin eeddii hore ee ahaa  ”isku day dil iyio dil” kuwaasoo ahayd eed hab af ahaan ah ay isla Maxkamadda Ciidamadu ku eedeysay weriye Kilwe 11 Jannaayo 2021.

Eedda cusub oo ay aragtay SJS, ayaa dacwad oogaha Maxkamadda Derejada Koowaad ee Ciidamada ee Puntland, Saciid Xersi Ibraahim ayaa ku soo cuskaday in 20 bishan Jannaayo 2021 warqad  gungaar ah ay Maxkamadda u soo gudbisay Ciidamada Nabadsugida Puntland (PISA), oo ah hay’addii xirtay weriye Kilwe. Qareenka ay qabatay SJS oo difaacaya weriye Kilwe ayaa wax la yaab leh ku tilmaamay in dowladdu ay weli u la’dahay caddeyn weriyaha haddana ay masuuliyiintu diidan yihiin inay xorriyaddiisa siiyaan weriye Kilwe.

“Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland wax sharciyad ah uma heysato inay eed ku soo oogto muwakilkeyga Kilwe Aadan Faarax oo ah suxufi mihnadle ah. Dhammaan eedihii lagu soo oogay maanta waa kuwo aan sal iyo raad toona lahayn. Waxaana ka dalbaneynaa maxkamadda inay sii deyso Kilwe, ayna magdhow ka siiso muddadii uu xirnaa,” Qareen Mustafe Maxamed Jaamac oo ah qareenka difaacaya suxufiga ayaa yiri.

”Waa wax laga xumaado in maxkamadii ciidamada qalabka sida ee loogu talo galay in ay dacwadahooda qaaddo xubnaha ciidamada iyo xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ay maanta eedo noocan ah ay ku soo oogtay weriye Kilwe- xitaa iyadoo caddeyn loo waayey eeddii hore ee ”Isku dayga dil iyo dil” taasoo u muuqata in hadda lala noqday,” Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee SJS ayaa yiri.

“Eedahan cusub ayaa waxa ay caddeyn u tahay in xariggii loo geystay suxufi Kilwe 27 Disember 2020 uu ahaa mid la siyaasadeeyay, loogana gol lahaa in handadaad ahaan loogu adeegsado weriye Kilwe, laguna aamusiyo kaddib markuu soo tebiyay dibad-baxii shacabka reer Garowe ay uga cabanayeen sicir bararka 26kii Disembar. Waxaan ka dalbaneynaa masuuliyiinta maxkamadda inay la noqdaan eeddooda, sida ugu dhakhsiyaha badana u sii daayaan weriye Kilwe,”  Xoghaye Mumin ayaa intaas ku daray.

Michael Polak,  oo ah qareen caalami ah oo fadhigiisu yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska, kana caawinayay SJS kiiska weriye Kilwe ayaa sheegay in eedeynta cusub ay u muuqato in laga soo bedelay “Isku day dil” kaddib markii la waayey caddeyn muujineysa cidda dhibbanaha ka ah kiiska, waxa ay na tusineysaa tacadiga Kilwe iyo shaqadiisa loo geystay.  Xariggiisii hore iyo eedda ka dhanka ah hadda waxay na tusineysaa in suxufigani uu ku shaqeynaayay mihnadiisa suxufinimo oo ah xaq dastuuri ah. Qaramada Midoobey iyo Ururka Midowga Afrika waa inay ka hadlaan arrinkan iyo weerarada joogtada ah ee lagu hayo saxaafadda Soomaaliya.”

La Xiriira

Nagu Soo Biir

Twitter-keenna

Digniinaha

Warbixinnada