Languages:

Languages:

SomaliMaxkamadda Go...

Maxkamadda Gobolka Nugaal oo xabsiga ka siideysay weriye Maxamed Siciid Yusuf

MUQDISHO, Soomaaliya, 29 Luulyo, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa soo dhoweeyay go’aanka Maxkamada Gobolka Nugaal ay xabsiga kaga siideysay weriye Maxamed Siciid Yuusuf oo ciidamada Booliska ee Garowe ay xireen 13 Luulyo, 2019.

Xarigga weriyaha ayaa ka dambeeyay wareysi uu ka qaaday oday dhaqameed dhaliil u soo jeediyay Dowladda Puntland.  Oday dhaqameedka, oo isaguna lala xiray weriyaha, ayaa la siidaayey Sabtidii 27 Luulyo, 2019.

Maalinimadii Isniinta ayaa Maxkamadda Gobolka Nugaal ay siideysay weriye Maxamed Siciid Yuusuf, iyadoo maxkamaddu baabi’isay dhammaan eedeymihii loo heystay weriyaha, isagoo xorriyadiisa dib u helay.

“Alle ayaa ku mahadsan oo xorriyadeydi dib iigu soo celiyay” Weriye Maxamed Siciid Yuusuf ayaa sidaa u sheegay Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxyar uun kadib markii uu xorriyadiisa dib u helay, isagoo u mahadceliyay dhamaan intii gacanta ka geysatay sii deyntiisii.

Hay’adda dhinaca sharciyada ka difaacda suxufiyiinta ee Media Legal Defense Initiative – MLDI ayaa ka taageertay Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) dhinaca kharashka difaaca weriyaha.

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa soo dhoweeyay go’aanka Maxkamadda Gobolka Nugaal ay xorriyaddiisa dib ugu soo celisay weriye Maxamed Siciid Yusuf.

“Waanu ku faraxsanahay in saaxiibkeen Maxamed Siciid Yuusuf uu xoriyaddiisii dib u helay,” Cabdalle Axmed Muumin, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa yiri isagoo u mahadceliyay qareenkii weriyaha oo dadaal dheeri muujiyay iyo taageerada dhinaca sharciga ee ay hay’adda MLDI u fudisay ururka.

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxa uu ku boorinayaa Puntland inay xurmeeyaan, una ogolaadaan suxufiyiinta inay shaqadooda wargelinta dadweynahau gutaan si xor ah, isla markaasna waafaqsan dastuurka Puntland, Xeerka Saxaafadda Puntland iyo Dastuurka Federalka ee Soomaaliyeed, kuwaasoo dhammaantood dammaanad qaadaya xorriyadda saxaafadda iyo midda hadalka.

Related News

Follow us & Subscribe

Twitter Feed

Alerts

Reports