Languages:

Languages:

SomaliWeriyaha VOA ...

Weriyaha VOA oo Baydhabo loogu xiray warbixin ku saabsan gabar kufsi dartiis u geeriyootay

MUQDISHO, Soomaaliya, 21 Abriil 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa xarigga maamulka Koonfur Galbeed u geysteen weriye Mukhtaar Maxamed Catoosh oo ah wakiil wareedka Laanta Af-Soomaaliga ee Voice of America (VOA) maalinimadii Talaadada abaaro 5:30 galabnimo.

Gaari ay saaran yihiin ciidamada Booliska Koonfur Galbeed ayaa weriye Catoosh ka qabtay bartamaha magaalada Baydhabo agagaarka Afar-Irdoodka, waxaana lagu xiray saldhiga ciidamada dembi baarista ee CID oo loo yaqaano “Barta Dhexe” sida warfidiyeeno ku sugan Baydhabo u sheegeen SJS. Suxufiga ayaa loo xiray warbixin uu ka sii daayay laanta Af-Soomaaliga ee VOA oo ka hadleysay gabar yar oo u geeriyootay kufsi loogu geystay inta u dhexeysa Wadada Muqdisho iyo Baydhabo. Warbixintaas oo idaacadda ka baxday 19 Abriil 2020.

Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Soomaaliya, Ugaas Xasan Cabdi ayaa SJS u sheegay in Maxkamadda gobolka Baay maanta oo Talaado ah siisay xabsi xalaaleyn u ogolaanaya inay xabsiga ku haayaan muddo aan la cayimin.

Warqadda maxkamadda oo ay SJS aragtay, kana soo baxday Maxkamadda Gobolka Baay 21-ka Abriil 2020 ayaa ku eedeyneysa saxafiga qodobada 271, 328, 227 iyo 326 ee xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed oo, haddii lagu helo, keeni kara xarig hal sano illaa lix bilood u dhexeeya.

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa ugu baaqaya maamulka Koonfur Galbeed inay si shuruud la’aan ah xorriyadiisa u siiyaan Mukhtaar Maxamed Catoosh, kana joojiyaan eedeymaha ay ku soo oogayaan.

“Saxaafaddu dembi ma ahan, suxufiyiinta ma ahan in loo xiro tebinta arrimaha danta guud ee bulshada,” Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa yiri, isagoo cambaareeyay xarigga loo geystay weriye Mukhtaar Maxamed Catoosh, wuxuuna ugu baaqay maamulka Koonfur Galbeed in si deg deg ah loo sii daayo, lana joojiyo eedeymaha ka dhanka ah.

SJS waxay aad uga walaacsan tahay handadaadda iyo caga-jugleynta lagu beegsaday suxufiyiintii dhowaan tebinayay soo xulista xildhibaanada baarlamaanka labaad ee koonfur Galbeed.

Dhanka kale, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa garaacista ay ciidamada booliska Muqdisho ugu geysteen saddex warfidiyeen oo u shaqeynayay idaacadda Shabelle habeenkii Axadda 19 Abriil 2020. Saddexda warfidiyeen ayaa kala ah: Cabdinaasir Cabdiraxmaan Maxamuud, Cabdikariim Ciise Cadaawe iyo Faadumo Cabdulqaadir Xasan xilli ay ka soo laabteen howl saxaafadeed, sida ay suxufiyiinta ay u sheegeen SJS.

Ugu dambeyntii, Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa Dowladda Federaalka ah ugu baaqayaa in xorriyadiisa la siiyo tifaftiiraha Idaacadda Hiigsi, Maxamed Cabdiwahaab Nuur (Abuuja) oo xabsi go’doon ah lagu hayo muddo 45 cisho ah.

Related News

Follow us & Subscribe

Twitter Feed

Alerts

Reports