Languages:

Languages:

SomaliSJS oo bogaad...

SJS oo bogaadisay kaalinta suxufiyiinta ee doorashada Dowladaha Hoose ee Puntland

MUQDISHO, Soomaaliya 23 Luulyo, 2024 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) waxa uu bogaadinayaa doorka aan caadiga ahayn ee suxufiyiinta, oo ay ku jiraan haweenku, ay ka qaateen doorashadii Dowladaha Hoose ee Puntland ee Talaadadii 23-July-2024 ka dhacday saddexda degmo ee Garoowe, Dangorayo iyo Godob-jiiraan.

In kasta oo ay jiraan tababaro kooban, agab yaraan, duruufo shaqo oo adag iyo mushahar yaraan, suxufiyiinta waxay soo bandhigeen warbixinno joogto ah oo ku saabsan doorashada, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen warbixino laba magaalo oo fogfog.

Suxufiinta waxay door muhiim ah ka ciyaaraan inta lagu guda jiro doorashada iyagoo hubinaya hufnaanta hannaanka doorashada, bixinta xogta saxda ah ee waqtiyaysan iyo inay fursad siiyaan codbixiyayaasha. Shaqada warfidiyeenku waxay muhiim u tahay dimuqraadiyadda curdanka ah ee Puntland, taas oo muhiim u ah muwaadiniin xog-ogaal ah oo wacyigashan.

Waxaa hadda laga joogaa nus qarni markii ugu dambeysay ee doorasho toos ah ka dhacdo Soomaaliya. Laga soo bilaabo 2002, Somaliland ayaa qabaneysay doorashooyinkeeda ‘Hal Qof Hal Cod’, balse waxa ay sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale. Doorashada tooska ah ee Puntland, oo ahayd riyo dheer, ayaa rumowday bishii May ee sannadkii hore.

Doorashadan saddexda degmo, in ka badan 64,000 oo codbixiyeyaal ah oo iska diiwaangaliyay 80 goobood ayaa u codeeyay 431 musharrax oo u tartamayay 81 kursi oo dowladaha hoose ah, sida lagu sheegay xogta ay soo saareen guddiga doorashada Puntland (PEC). 23% musharaxiinta tartamaya ayaa ah haween.

Saxafiyad Xaawo Axmed Maxamed oo ka soo warameysa goob ka mid ah goobaha codbixinta ee Garoowe.

“Suxufiyiinta Puntland khibraddooda iyo tabobarrada ay u leeyihiin tebinta doorashada aad ayay u yar tahay, doorashada tooska ah waxay ahayd riyo muddo dheer soo jirtay, taas oo rumowday bishii May ee sannadkii hore, hase ahaatee illaa hadda saxafiyiinta maxalliga ah iyaga oo aan haysan tas-hiilaad badan iyo khibrad badan, waxay maanta muujiyeen dadaal aan caadi ahayn,” ayay tiri wakiilka SJS Puntland Xaliimo Cabdullaahi Cali.

“Waxaan si gaar ah u ammaaneynaa doorka haweenka warfidiyeenka ah oo qayb muhiim ah ka ah tebinta wararka doorashooyinka,” ayay raacisay.

Sawirka: Saxafiyiinta ka soo warbixineysa goobaha codbixinta ee caasimadda Puntland ee Garoowe.

Si loo baro cod-bixiyayaasha oo loo siiyo warar cusub dadweynaha guud, warbaahintu ayaa billawday tebinteeda toddobaadyo ka hor doorashada taasoo sii socotay illaa maalinta doorashada oo dhan. Iyadoo goobaha codbixinta oo furnaa 6:00 subaxnimo ilaa 6:00 galabnimo ee wakhtiga maxaliga ah, ay hadda xirmeen, saxafiyiintu waxay weli ku jiraan shaqada si ay u soo gudbiyaan wararka ugu dambeeya.

“Waxaan ku faraxsanahay in qaar badan oo ka mid ah xubnaheenna iyo warfidyeenka ay SJS tababartay ay ka faa’iideysteen tababarradaas la qabtay tan iyo 2021. Waxaan sii wadnaa in aan tababarno oo aan taageerno saxafiyiinta maxalliga ah. Waxaan sidoo kale sii wadeynaa u doodista xuquqda suxufiyiinta iyo helista xogta, anagoo aqoonsan kaalintooda muhiimka ah ee geedi socodka dimoqraadiyada Puntland,” ayay hadalkeeda raacisay wakiilka SJS ee Puntland Xaliimo Cabdullaahi Cali.

Related News

Follow us & Subscribe

Twitter Feed

Alerts

Reports