Languages:

Languages:

SomaliMaalinta Caal...

Maalinta Caalamiga ee Helista Xogta: SJS & SOMA waxay ku baaqayaan in warbaahinta iyo suxufiyiinta loo oggolaado xaqa helitaanka xogta

MUQDISHO, Soomaaliya 28 Sebtember 2021 – Iyadoo maanta loo dabbaaldegayo Maalinta Caalamiga ah ee Helitaanka Xogta (IDUAI), ayaa Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) iyo Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) waxay ku baaqayaan in suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo warbaahinta loo oggolaado xaqa helitaanka xogta iyo inay ogaadaan, ayna soo tebiyaan macluumaadka muhiimka ah si madax-bannaan oo aan xaddidaad lahayn.

Maanta, munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Helitaanka Xogta waxaa laga xusayaa adduunka oo dhan halka warfidiyeenka iyo xarumaha warbaahineed ee Soomaaliya ay wajahayaan halis aad u daran. Helitaanka macluumaadka ayaa muhiim u ah awood u siinta muwaadiniinta inay adeegsadaan codkooda, inay si hufan ula socdaan oo ula xisaabtamaan dowladdooda. Markay warbaahinta iyo suxufiyiintu awoodaan inay helaan oo soo sheegaan wararka danta guud, waxay ka caawin doontaa muwaadiniinta inay go’aan ka gaaraan arrimaha saameeynaya noloshooda. Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad -goboleedyadeeda ayaa sii wada inay xaddidaan shaqada suxufiyiinta iyo warbaahinta si ay xog u helaan, iyagoo xira una hanjaba weriyayaasha dalka oo dhan.

25kii Sebtembar, Booliska Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa hor istaagay suxufiyiin tebinayay qarax baabuur oo ismiidaamin ah oo ka dhacay bar-koontarool oo ciidamada ammaanku ku leeyihiin isgoyska Ceel-Gaabta, Muqdisho. Sida ay sheegeen suxufiyiinta ay arrintan saameeysay, ciidamada ammaanka ayaa jidgooyo dhigtay meel u dhow goobta uu qaraxa ka dhacay waxayna u diideen weriyayaasha inay muuqaallo ka duubtaan goobta uu qaraxu ka dhacay.

24kii Sebtembar, maamulka Jubbaland ayaa demiyey shabakadaha isgaarsiinta maxalliga ah ee Kismaayo kaddib markii bam lagu dhaawacay masuul urur dhallinyaro oo dowladda gacansaar la leh iyo wiilkiisa. Shirkadaha bixiya adeegga isgaarsiinta mobeelka iyo bixiyeyaasha adeegga internetka ayaa lagu qasbay inay demiyaan shabakaddooda galabnimadii Khamiista 23ka Sebteembar illaa subaxnimadii Jimcaha 24ka Sebtember taasoo wiiqaysa badqabka iyo inay suxufiyiinta helaan macluumaadka ay u baahan yihiin.

18kii Sebtembar, Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Cabdixakiim Luqmaan Maxamed ayaa si cad ugu amray ciidamada ammaanka inay “ddmiyaan tebinta tooska ah ee telefishannada” intii lagu guda jiray doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee magaalada Jowhar. Ammarka Guddoomiyaha, oo aan la dhaqan gelin, ayaa yimid kaddib rabshad ka dhacday gudaha baarlamaanka oo sababtay in la hakiyo codeyntii dhacday maalintaasi 18 -kii September.

15kii Sebtembar, saraakiil ka tirsan milateriga Soomaaliya oo ay la socdeen rag maleeshiyo ah oo ku sugnaa deegaanka Abbay Dhaxan ee duleedka Muqdisho, ayaa weeraray, oo garaacay laba weriye oo ka tirsan Goobjoog Media Group – Maxamed Axmed Rooraaye iyo Sharma’arke Cabdinuur Wehliye – oo loo xilsaaray inay soo tebiyaan aaska dadkii ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho maalin ka hor. Saraakiisha iyo ragga dableyda ah oo aan la aqoonsan ayaa joojiyay gaari ay weriyayaasha iyo dad kale ku safrayeen, waxayna si gaar ah u bar-tilmaameedsadeen suxufiyiinta iyagoo weerar gacan ah ula tagay, garaacay uguna hanjabay inay dili doonaan.

SJS iyo SOMA waxay xusuusinayaan mas’uuliyiinta heer federaal iyo heer gobolba inay garwaaqsadaan in hor istaagga xaqa saxafiyiinta inay helaan macluumaad, la weeraro, xannibaadda tebinta warbaahinta iyo in la xiro isgaarsiinta inay tahay xadgudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

“Waxaa lama huraan ah in mas’uuliyiinta Soomaaliya ay fahmaan oo ay ixtiraamaan xuquuqda war -helidda, xorriyatul -qawlka iyo xorriyadda saxaafadda oo ah xuquuq dastuuri ah iyo waliba xuquuq caalami ah. Xuquuqdan waa in aan lagu xadgudbin,” ayuu yiri Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee SJS. “Xuska Maalinta Caalamiga ee Helista Xogta darteed, waxaan cambaareyneynaa dhacdooyinkan ugu danbeeyay oo ah kuwa tilmaamaya sida helitaanka warka iyo macluumaadka ugu adkaaday suxufiyiinta xilli ay socoto doorashada baarlamaanka ee dalka.”

“Annagoo u dabbaaldegeynna Maalinta Caalamiga ah ee Helitaanka Xogta, waxaan fursaddan uga faa’iideysanayaa inaan xasuusiyo dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka inay mas’uul ka yihiin inay ilaaliyaan warbaahinta iyo xirfadlayaasheeda iyagoo kuwa xadgudubyada saxaafadda geynaya maxkamadaha,” Maxamed Cismaan Makaraan, Xoghayaha Guud ee SOMA ayaa yiri. “Warbaahinta iyo suxufiyiinta waa in aan loo beegsan in ay shacabka wargeliyaan. Dhaqankan isla xisaabtan la’aanta waa inuu joogsadaa.”

Related News

Follow us & Subscribe

Twitter Feed

Alerts

Reports