Languages:

Languages:

SomaliAfar wariye o...

Afar wariye oo iyagoo shaqo ku jira lagu xiray Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya, 29 Maarso, 2020- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa xarigga gabbood-falka ah ee lagula kacay afar saxafi oo ka tirsan warbaahinta Goobjoog iyo darawalkooda subaxnimaddii Axadda 29 Maarso 2020.

Suxufiyiinta oo kala ah: Xamdi Mahad Diiriye, Raxmo Xasan Maxamed, Muno Maxamed Nuur iyo sawirqaade Maxamed Cabdulqaadir ayaa xiliga la qabtay ku jiray diyaarinta warar ku saabsan dadka baahiyaha gaarka ah qaba meel u dhow bar kontorool oo ku taalla aagga KM4 ee magaalada Muqdisho. Waxaana suxufiyiintan xabsiga u taxaabay ciidan ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda (NISA) abbaare 9:30 subaxnimo, sida uu tifaftiraha Goobjoog, Hanad Cali Guuleed iyo saxafiyiintan ay u sheegeen SJS.

Xamdi Mahad Diiriye iyo Raxmo Xasan Maxamed ayaa SJS u sheegay in iyaga iyo suxufiyiintii kale ee la socotay ugu horeyn lagu xiray bar ku taalla agagaarka KM4, kadibna loo sii gudbiyay xabsiga Godka Jilacow oo ay hay’adda Nabadsugiddu maamusho, halkaas oo lagu haayay muddo hal saac, kadibna la soo daayay. Qalabkoodii iyo telefoonadoodii oo markii hore laga qaatay ayaa dib loogu soo celiyay markii la siidaayey.

“Markii hore saraakiil ka tirsan kuwa Sirdoonka ayaa isku keen hareereeyay xilli aan wareysiyo qaadeynay, waxaa ay naga qaadeen taleefoonadii iyo kaamirooyinkii, kadibna waxay na geeyeen xabsiga Godka Jilacow oo aan ku jirnay muddo saacad ah, kadibna waa nala soo sii daayay,” Xamdi Mahad Diiriye ayaa sidaa SJS u sheegtay.

“Waxaanu ka walaacsanahay weerarada ay ciidamada dowladda la bartil-maameedsanayaan suxufiyiinta oo ujeedkoodu yahay in laga hor istaago xaqa helista xogta,” Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee SJS ayaa yiri isagoona cambaareeyay weerarada gabood-fallada ah ee ka dhanka ah suxufiyiinta ku jira shaqooyinkooda, uguna baaqey dowladda inay baaritaan deg deg ah ku sameyso gabood-faladaas, hor keentana sharciga kuwa lagu helo inay ku leeyihiin.

Maalinimadii Talaadada 10-kii Maarso, 2020 ciidamo boolis ah oo joogay bar-kantarool oo ku taala KM4 ayaa hor istaag ku sameeyay isla markaana xiray Mahad Xasan Cabdi iyo Shukri Xuseen Sabriye oo kala ahaa Sawirqaade iyo war soosaare ka howlgala idaacadda gaarka leeyahay ee Radio Mustaqbal. Suxufiyiinta ayaa marka gabood-falka lagu sameynayay warbixin ka diyaarinayay suuq ku yaala agagaarka KM4.

Suxufiyiintan ayaa sida ay sheegeen, lagu qasbay inay istaagaan qorraxda muddo saacad ah oo ciqaab looga dhigay. Waxaana la sii daayay kaddib markii muuqaaladii ay duubeen laga tirtiray taasoo shuruud looga dhigay siideyntooda.

Dhanka kale, waxaa magaalada Muqdisho muddo ka badan 20 cisho si sharci darro ah ugu xiran tifaftiraha idaacadda madaxa-bannaan ee Hiigsi, Maxamed Cabduwahaab Nuur (Abuuja) oo la xiray 7dii Maarso kaddib markii uu qoray qormo dhaliil ah oo ka hadashay hab-dhaqanka ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Related News

Follow us & Subscribe

Twitter Feed

Alerts

Reports