Languages:

Languages:

SomaliMaamulka Koon...

Maamulka Koonfur Galbeed oo Buurhakaba ku xiray weriye TV oo Facebook ku daabacay qoraal

MUQDISHO, Soomaaliya, 11 Febraayo, 2020- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ka dalbanayaa maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya inay si daahitaan la’aan ah oo aysan shuruud ku xirneyn u sii-daayaan weriyaha telefishanka madaxa-bannaan ee Five Somali TV, Xuseen Cali Geesey oo lagu xiray magaalada Buurhakaba, Talaadada 11 Febraayo, 2020 sabab la xiriirta qoraal loo arkay dhaliil oo uu ku daabacay bartiisa Facebook.

Agaasimaha Five Somali TV, Fu’aad Cabdi Maxamed ayaa u sheegay SJS in weriye Xuseen la xiray abbaare 9:00 a.m (waqtiga gudaha) kaddib markii looga yeeray saldhigga booliska ee Buurhakaba. Weriye kale oo ku sugan Buurhakaba ayaa SJS u sheegay in Xuseen Geesey wax laga weydiiyay qoraalkiisa uu ku qoray Facebook Isniintii 10 Febraayo kaasoo uu ku dhaliilay xaaladda amniga ee degmada Diinsoor oo ka tirsan isla gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed, kahor intaan la xirin. Weriyaha ayaa la sii-daayey kaddib in ka badan sagaal saacadood oo uu xirnaa iyadoon wax dembi ah lagu soo oogin.

Guddoomiyaha Degmada Buurhakaba, Cabdi Maxamed Axmed Cusmaan ayaa SJS u xaqiijiyay inuu isagu wacay weriye Xuseen Geesey, kaddibna uu amray in la xiro kaddib markii sidaasi uu soo amray Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Koonfur Galbeed, Maxamed Abuukar. Guddoomiyuhu ma caddeyn sababta xarigga weriyaha.

Markii la siidaayey kaddib, Weriye Xuseen Geesey ayaa SJS u xaqiijiyay in lagu siidaayey iyadoon wax dembi ah lagu oogin, hase yeeshee wuxuu sheegay in looga digay ka hadalka arrimaha maamulka Koonfur Galbeed.

“Waxaan heley xorriyadeyda abbaare 6:20 p.m. Wax dembi ah la iguma oogin. Boolisku waxay iigu goodiyeen inay markale i soo xiri doonaan ayna i garaaci doonaan haddii aan markale dhaliilo ka qoro maamulka Koonfur Galbeed,” Weriye Xuseen Geesey aya sidaasi u sheegay SJS.

“Iyadoo SJS soo dhoweyneyso siideynta saaxiibkeen, waxaan haddana cambaareyneynaa falkan xadgudubka ah ee ka dhanka ah xuquuqda uu u leeyahay xorriyadda hadalka weriye Xuseen Cali Geesey oo ka tirsan Five Somali TV,” sidaasi waxaa yiri Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Cabdalle Axmed Mumin “Maamulka Koonfur Galbeed waa inay ixtiraamaan xorriyadda cabbirka aragtida oo ah xaq aas aasi ah, kuna xafidan Dastuurka Soomaaliyeed.”

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu aad uga walaacsan yahay kiisaska sii kordhaya ee xarigga lagula kacayo suxufiyiinta iyo shaqaalaha kale ee warbaahinta sabab la xiriirta aragtidooda oo ay ku soo bandhigaan baraha bulshada iyadoo suxufiyiin badan ay door-bideen inay aragtidooda ku soo bandhigaan baraha bulshada faafreebka sii badanaya ee lagu hayo xarumaha warbaahinta awgeed.

Related News

Follow us & Subscribe

Twitter Feed

Alerts

Reports