Languages:

Languages:

SomaliWeriye TV oo ...

Weriye TV oo lagu xiray Ceerigaabo, Puntland oo xirtay suxufi kale iyo suxufiyiinta Baydhabo oo laga horjoogsaday tebinta wararka

MUQDISHO, Soomaaliya, 19 Jannaayo, 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa ugu baaqay Somaliland inay ka noqoto xukunka xarrigga 21 bilood ah iyo ganaaxyo lacageed oo lagu riday weriye Cabdiraxmaan Maxamed Xiddig oo ah weriyaha Eryal TV ee magaalada Ceerigaabo kaddiba warbixin uu ku soo qoray boggiisa Facebook-ga oo uu ku saabsanayd sarkaal dowladda ka tirsan.

Maalinimadii Arbacada 15 Jannaayo, Maxkamadda Degmada Ceerigaabo ayaa ku xukuntay weriye Cabdiraxmaan Xiddig 21 bilood oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya lix milyan oo shilinka Somaliland iyo magdhow gaaraya 300 doolar. Weriyaha ayaa la xukumay isla maalintii la soo xiray.

Booliiska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay weriyaha 25 Disember, 2019 kaddib markii uu bartiisa Facebook-ga ku soo qoray warbixin uu ka soo xigtay Maxamed Cabdiraxmaan Liibaan, maamule ku xigeenka Madbacadda ee Somaliland isagoo qoray in uu ka soo horjeedo dadaalada lagu dhameynayo dagaal beeleedka ka jiray magaalada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag.  Muddo toban cisho ayuu suxufigu xabsiga ku jiray, waxaana mar dambe lagu sii daayay dammaanad  ay ogolaatay Maxkamada Gobolka Sanaag 4 Jannaayo, 2020.

“Markii boolisku i soo xidheen waxaa la ii sheegay in uu i soo dacweeyay  maamule ku xigeenka Madbacada Qaranka Somaliland oo markale dacwad cusub iga gudbiyay, waxaana la i xukumay anigoo wax qareen heysan.” Weriye Xiddig ayaa SJS u sheegay.

Weriyaha ayaa lagu qasbay in uu bartiisa facebook-ga ka tir-tiro warbixintii ku saabsanayd agaasime ku xigeenka madbacadda.

Suxufiyiin maxalliga ayaa u sheegay SJS inay Maxamed Cabdiraxmaan Liibaan uu dacwadda u doortay in uu geysto Maxkamada Gobolka taasoo la sheegay in aan si xaq ahayn markii dacwadda geeyay ugu xukuntay weriye Xiddig isla maalintii la soo xiray. Weriye Xiddig ayaa SJS u sheegay inay garsooraha Maxkamada Degmada Ceerigaabo ay horey u dhexmaray xurguf ku saabsan warbixinno uu ka tabiyay.

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ka welwelsan yahay in maxkamadaha gudaha Somaliland ay sis ii kordheysa loo adeegsanayo in lagu cabburiyo suxufiyiinta iyo warbaahinta madaxa-bannaan.

“Waanu cambaareyneynaa xukunka xaqdarrada ah iyo lacagta ganaaxa ah ee lagu riday weriye Cabdiraxmaan Maxamed Xiddig ee magaalada Ceerigaabo.  Waxaanu ku baaqeynaa in si shuruud la’aan ah lagu sii daayo weriyaha, xukunkiisana la baabi’iyo si shuruud la’aan ah.” Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) Abdalle Ahmed Mumin ayaa yiri.

Said Nadaara, Kasmaal-Media editor briefly detained in Galkayo, on 13 Jan, 2020.
Said Nadaara, Kasmaal-Media editor briefly detained in Galkayo, on 13 Jan, 2020.| Photo Courtesy/Kasmaal Media.

Dhinaca kale, Maalinimadii Isniinta 13 Jannaayo, Booliska Puntland ee Gaalkacyo waxay xabsiga u taxaabeen weriye Siciid Cabdullaahi Kulmiye (Siciid Nadaara) oo tifaftire ka ah mareegta Kasmaal Media kaddib markii uu qormooyin ka qoray ammaan xumida magaalada Galkacyo. Siciid Nadaara ayaa SJS u sheegay in isla habeenimadii 13 Janaayo la sii daayay balse Taliyaha Booliska Mudug ee Punttland Jaamac Maxamed Axmed (Sandaqad) uu ugu yeeray su’aalo weydiin maalintii xigtay ee 14 Janaayo.

“Boolisku waxa ay ka caroodeen warbixin aan ka qoray in xiliyada habeenkii shacabka lagu furto Gaalkayo. Taliyaha booiska ayaa igu amray in warbixintaas aan meesha ka saaro balse waan ka diiday.” Siciid Nadaara ayaa sidaa u sheegay SJS isagoo xaqiijiyay in qormadaasi weli ay ku jirto bartiisa Facebook.

Waxaa sii kordhaya horjoogsiga iyo handadaada lagu hayo suxufiyiinta ka hawlgala Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay ka dhacayeen tacadiyo ka dhanka ah xorriyadda saxaafadda.  Maalinimadii Khamiista 16 Jannaayo ayaa koox suxufiyiin ah loo diiday inay war ka soo tebiyeen Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed kaddib markii sarkaal sare oo ka tirsan warfaafinta Madaxtooyada Koonfur Galbeed uu horjoogsi ku sameeyay suxufiyiintaas, una diiday wararka halkaas ka tebiyaan.

A group of journalists gather after they were barred from covering South West State (SW) event in Baidoa, 16 Jan,2020.
A-group of journalists gather after they were barred from covering South West State (SW) event in Baidoa, 16 Jan,2020. | Photo Courtesy/Arlaadi News.

Warfidiyeenka ayaa SJS u sheegay inaysan sidoo kale awoodin inay si madax-bannaan uga waramaan arrimaha muhiimka ah oo ay ku jiraan amaanka iyo wareysida dadka dhaliilsan maamulka.

Related News

Follow us & Subscribe

Twitter Feed

Alerts

Reports