Languages:

Languages:

SomaliSuxufiyiinta ...

Suxufiyiinta oo sheegay in laga hor-istaagay tebinta doorashada Galmudug iyo weriye Coday oo la siidaayey

MUQDISHO, Soomaaliya, 13 Jannaayo, 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu garab istaag u muujiyay suxufiyiinta madaxa-bannaan iyo warbaahinta Galmudug oo habeenkii Axaddii ee 12 Jannaayo ka cawday hor istaag lagu sameeyay hawlahooda tebinta doorashada Galmudug  ee ka socota magaalada Dhuusamareeb.

Suxufiyiinta oo shir jaraa’id ku qabtay Dhuusamareeb ayaa ku cadeeyay in saraakiil sare oo ka tirsan Guddiga Farsamada Maamul Sameynta Galmudug ay u diideen inay tebiyaan kulankii soo bandhigista liiska xildhibaanada cusub ee Galmudug maalinimadii Jimcaha ee 10 Jannaayo, Weriyaasha ayaa sheegay in sarkaal Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Dowladda Federaalka u qaabilsan uu markii dambe u soo diray muuqaal la soo goo’gooyey.

“Arrintani waxay nagu socotay laga soo bilaabo markii uu bilawday hannaanka Doorashada Galmudug, wayna ka sii dareysaa,” sidaasi waxaa yiri weriye Maxamed Cabdiweli Tooxow oo sheegay in suxufiyiinta madaxa-bannaan go’aansadeen inay hakad geliyaan shaqadii warbaahineed xayiraadda soo foodsaartay awgeed.

“Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu si buuxda u garab istaagayaa suxufiyiinta Galmudug, annagoo ka walaacsan cagajugleynta iyo xayiraadda aan dhammaadka lahayn ee lagu hayo saxaafadda.  Ma jiri karto doorasho si dimuqraadi ah u dhacda haddii aysan jirin saxaafad madax-bannaan,” Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Cabdalle Axmed Mumin ayaa yiri.

“Waxaan ugu baaqeynaa Guddiga Farsamada ee Maamul u Sameynta Galmudug iyo hay’adaha kale ee ku shaqada leh inay u ogolaadaan suxufiyiinta inay tebiyaan wararka la xiriira doorashada si madax-bannaan. Suxufiyiintana waxaan kula dardaarmeynaa inay dhowraan anshaxa suxufinimo inta lagu guda-jiro doorashada,” ayuu sii raaciyay Xoghayaha Guud ee SJS hadalkiisa.

Dhanka kale, Ururka SJS wuxuu soo dhoweynayaa siideynta tifaftirihii Horn Cable TV Cabduqaadir Saleebaan Casey (Coday) oo rmaalintii Axadda 12 Jannaayo, laga siidaayey xabsiga kaddib markii maamulka Telefishinka Horn Cable uu u iibiyey xariggii halka sano ahaa ee lagu xukumay iyo ganaax lacageed, sida ay xaqiijiyeen Xasan Galaydh iyo Cabdulqadir Coday.

Tifaftiraha ayaa waxaa xabsiga loo taxaabay 18 Nofember 2019. Maxkamadda Maroodi Jeex ayaa 11 Jannaayo, 2020 ku xukuntay hal sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhamaa Saddex milyan oo Shilinka Somaliland ah.

Related News

Follow us & Subscribe

Twitter Feed

Alerts

Reports