Languages:

Languages:

SomaliMaxkamadda Ha...

Maxkamadda Hargeisa oo hal sano oo xarig ah ku xukuntay tifaftirihii Horn Cable TV

MUQDISHO, Soomaaliya, 11 Jannaayo, 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa ka xumaaday xukunta caddaaladda ka fog ee siyaasadeysan ee xarigga halka sano iyo ganaaxa saddexda milyan ee shilinka Somaliland ee ay Maxkamadda Maroodi Jeex ee Hargeysa ku riday tifaftiraha Horn Cable TV, Cabdulqaadir Saleebaan Caseyr (Coday) Sabtida maanta ee 11 Jannaayo, 2020.

Xukunkaasi ayay Maxkamaddu u cuskatay faafin “warar been abuur ah” oo ka dhan ah garoonka Caalamiga ee Cigaal ee magaalada Hargeysa.

Saxafiyiin ku sugnaa Maxkamadda ayaa SJS u sheegay in tiffatire Cabdulqaadir loo qaaday Maxkamadda aroortii hore ee Sabtida, halkaas oo dacwad oogaha dowladda uu ka akhriyay qodobbo ka dhan ah weriyaha, kuna eedeynaya faafin warar been abuur ka dhan ah garoonka diyaaradaha ee Cigaal. Waxay Xeer Ilaalitu soo xigatay warbixin uu baahiyay telefishinka 2dii Nofembar, 2019 taasoo shirkadda FlyDubai ay uga cabaneysay habka bed-qabka adeegga hawada ee garoonka. Warbixintaasi oo ku saleysneyd warqad uu TV-gu heley.

Maxkamadda ayaa isla markiiba xukunka ku riday Cadulqaadir, sida laga soo xigtay goobjoogayaasha. Qareenada u doodaya weriyaha ayaa diyaarinaya racfaan ay ka qaataan xukunkan.

Tiffaftire Cabdulqaadir Saleebaan Caseyr waxaa xabsiga loo taxaabay 18 Nofember 2019. Maalin kadib xariggiisa Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex ayaa booliska u ogolaatay xabsi ku heyn taasoo illaa maanta lagu hayay tifaftire Cabdulqaadir.

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu kaloo ka walaacsan yahay xaaladda caafimaad ee Cabdulqaadir Saleebaan, oo sida la sheegay ka cabanaya xannuun dhanka wadnaha iyo dihiigkar, sida laga soo xigtay asxaabtiisa iyo qoyskiisaba.

“Waxaanu ka walaacsan nahay xukunka halka sano ah iyo ganaaxa lacageed ee Saddexda milyan ee Shilinka Somaliland ee ka dhanka ah saaxiibkeen Cabdulqaadir Saleebaan Caseyr oo ay Maxkamadda Maroodi Jeex ee Hargeisa ku ridday,” Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa yiri isagoo intaa ku daray inay wax laga xumaado in iyadoo dastuurka Somaliland uu dammaanad qaadayo xorriyada saxaafadda in tacadiyada noocan ah ay weli dhacayaan.

“Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ugu baaqayaa maamulka Somaliland inay baabi’iyaan xukunkaas xaqdarrada ah, isla markaana si shuruud la’aan ah xorriyadiisa dib ugu soo celiyaan Cabdulqaadir Coday,” Xoghaye Mumin ayaa intaa ku daray.

Abdulqaadir Saleebaan Caseyr (Codey) waxa uu noqonayaa weriyihii labaad ee ku jira xabsiyada Somaliland. Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa horey maxkamaddu ugu xukuntay saddex sano iyo bar xarig ah.

Dhanka kale, booliska Soomaaliya ayaa Arbacadii 8 Jannaayo, waxay magaalada Muqdisho si kooban ugu xireen weriye Axmed Cabdi Cadaawe halka lix saxafi oo kala ah: Cabdullaahi Maxamed Sheekhdon (CNA TV); Farxaan Maxamed Xuseen (Radio Kulmiye); Maxamed Dalal (Radio Kumiye); Cali Cilmi Salaad (Radio Kulmiye); Maxamed Cismaan Gurey (Al-Jazeera Arabic) ay boolisku ka qaateen kaamirooyinkii ay wateen kana tirtiray muuqaalladii ay ka duubteen agagaarka Sayidka oo u dhow Baarlamaanka halkaasoo qarax dhimasho sababay uu ka dhacay maalinkaasi. Wariye Feysal Cumar iyo Maxamed Gurey ayaa sidoo kale sheegay in boolisku ay weerareen iyagoo shaqadooda filim iyo sawir qaadista ku jira.

Related News

Follow us & Subscribe

Twitter Feed

Alerts

Reports