Languages:

Languages:

SomaliSuxufiyiin mu...

Suxufiyiin mudaaharaad duubeysay oo weerar gacan-qaad iyo xarig loogu geystay Hargeysa

MUQDISHO, Soomaaliya, 10 Nofember, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa falka sharci darrada ah ee garacista, handadaadda looga gol leeyahay in lagu aamusiyo iyo xarriga loogu geystay magaalada Hargeysa labo suxufi oo ka shaqeeya telefishannada gudaha xilli ay waajibaadkooda shaqo ka gudanayeen goob dibadbax uu ka dhacayey maanta oo Axad ah, 10 Nofember 2019.

Abaaro 9.30am subaxnimo booliska magaalada Hargeisa oo ay wehliyaan shaqaale shirkadda ganacsi oo gaar loo leeyahay oo lagu magacaabo Deero Group ayaa weeraray isla markaana garaacay weriyaha Bulsho TV Axmed Nuur Ciise Maxamed (Samraawi) iyo weriyaha Horyaal24 TV Ibraahim Cabdiraxmaan Ibrahim (Jookar) xilli ay warbixinno ka diyaarinayeen dibadbax cabasho oo koox ganacsato kaga horjeedeen Shirkadda Deero Group, iyagoo ka cabanayaa lacago ay lahaayeen oo aan la siin.

Sida ay SJS u sheegeen suxufiyiin ku sugan Hargeysa ayna muujinayaansawirro lagu faafiyay baraha bulshada, booliska ayaa ku qasbay suxufiyiinta inay joojiyaan duubista dibadbaxa iyo wareysiyada ay ka qaadanayaan dadka dibad-baxayaasha ah, iyadoo labada suxufiba dhaawacyo fudud ay soo gaareen. Weriye Axmed Samraawi ayaa ka cabanaya jug iyo dhaawac yar oo ka gaaray dhabarka, jilibka iyo xusulks kaddib markii boolisku ku garaaceen ul loox ah, halka weriye Ibraahim Jookar kaamiradiisii laga jebiyay.

Suxufiyiinta ayaa xabsiga laga sii-daayey 3:00pm ee Axadda iyagoon wax eedeyn ah lagu oogin hase yeeshee sii-deyntooda shuruud looga dhigay in aanay tebin karin mudaaharaadka iyo weerarka lagu qaaday iyaga.

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa xarriga sharci darada, weerarka iyo handadaada loo geystay suxufiyiintan waajibkoodii shaqo ku guda jiray, ujeedkuna ahaa in la caburiyo, lana khalkhal geliyo howlahooda saxaafadeed.

“Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ugu baaqaya maamulka Somaliland inay si deg deg ah baaritaan ugu sameeyaan weerarka, garaacista iyo xarigga sharci darada ah ee loo geystay Axmed Nuur Ciise Maxamed (Samraawi) iyo Ibraahim Cabdiraxmaan Ibraahim (Jookar) lana soo xiro saraakiishii geysatay falkan. Sidoo kalena la baaro shirkadda Deero Group kaalinteeda weerarkan.” sidaa waxaa yiri Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) Cabdalle Axmed Mumin.

Weerarada iyo tacadiyada kale ee lagu hayo suxufuyiinta ayaa ku sii badanaya Somaliland, iyadoo tan iyo bishii Jannaayo ee sannadkan gudaha Somaliland lagu xiray in ka badan 23 wariye. Waxaa hadda xabsiga ku jira Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ku xukuman saddex sano iyo bar xabsi ah.

Related News

Follow us & Subscribe

Twitter Feed

Alerts

Reports