Languages:

Languages:

SomaliPUNTLAND: Aga...

PUNTLAND: Agaasimihii hore Radio Daljir oo la sii daayay, Weriyayaasha oo hanjabaado hor leh wajahaya

MUQDISHO, Soomaaliya, 22 Oktoobar, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu ka walaacsan yahay noocyada cusub ee hanjabaadaha ah ee ka dhanka ah shaqaalaha Radio Daljir ee Puntland, iyadoo SJS ay soo dhoweyneyso siideynta agaasimihii hore ee Radio Daljir Axmed Sheekh Maxamed “Tallman” kaasoo xabsiga laga siidaayey Talaadada 22 Oktoobar, kaddib shan maalmood oo uu xabsiga ku jiray.

War saxaafadeed kaasoo baxay maamulka Radio Daljir ayaa lagu cambaareeyeay caburinta, hanjabaadaha iyo dacwadaha lagu hayo suxufiyiinta iyo shaqaalaha Radio Daljir, kaddib markii agaasimihii hore, Axmed Tallman uu soo saaray bayaan uu ku eedeynayo warbixinadii hore looga siidaayey idaacadda xiligii uu agaasimaha ka ahaa.

Mr. Tallman waxaa la xiray 17 Oktoobar, kadib markii uu soo amray qabashadiisa Taliyaha Booliska Puntland Gen. Muxyadin Axmed Muuse sabab la xiriirta dhimashada maxbuus xabsiga ku dhintay oo lagu eedeeyay inay jirdileen booliska. Axmed Tallman waxaa la horkeenay Maxkamadda Gobolka Nugaal Isniintii 21 Oktoobar ka hor intaan eedeeymaha laga dhaafin Talaadadii.

Suxufiyiin ka shaqeeya Radio Daljir ayaa SJS u sheegay in boolisku ay ka duubeen Axmed Tallman video uu ku qiranayo ‘dembiyo’, kuna eedeeyay idaacadda mid faafin jirtay warar been abuur ah.

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu aaminsan yahay in agaasimaha hore Axmed Tallman markii horeba uu ku xirnaa sifo sharci darro ah oo xorriyadiisa looga qaaday, isla markaana lagu qasbay in uu ka noqdo wararkii idaacaddu siideyn jirtay, taasoo ka dhigan farsamo cusub oo Booliska Puntland ku doonayaan inay ku aamusiyaan saxaafadda xorta ah.

“Waxaa wax aad looga welwelo ah in suxufiyiinta ka shaqeynaya Radio Daljir ay soo wajahayaan hanjabaado horleh oo ka imaanaya Booliska Puntland,” Sidaa waxaa yiri Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), isagoo intaa ku daray in falalkan loogu talo galay in lagu wiiqo awoodda warbaahinta iyo suxufiyiinta madaxa-bannaan ay u yeelan karaan tebinta wararka danta guud.

SJS waxa ay ugu baaqeysaa Booliska Puntland inay joojiyaan falalka ay ku bartil-maameedsanayaan weriyayaasha iyo shaqaalaha Radio Daljir, una ogolaadaan inay si xor ah u gutaan waajibaadkooda suxufinimo cabsi la’aan.

“Masuuliyiinta waa inay garowsadaan in marka khatar la geliyo xorriyadda saxaafadda in sidoo kale ay khatar soo wajaheyso dimuqraadiyadda. Waxaanu ugu baaqeynaa maamulayaasha Puntland inay u golaadaan warfidiyeenka Radio Daljir inay hawshooda u gutaan iyagoo xor ka ah dacwado ka imaanaya dowladda,” ayuu yiri Mumin.

Weerarada ka dhanka ah saxaafadda madaxa-bannaan ayaa sii kordhay dhowanaahan gudaha Puntland. 15kii Oktoobar, booliska Puntland ayaa weeraray xarunta RTN TV ee Garowe, handadaadna u geystay suxufiyiintii joogtay. 14kii illaa 15kii Sebtember, boolisku waxay weerareen, waqti koobanna demiyeen idaacadda Daljir ee Boosaaso. Sidoo kale, 22kii Sebtember, Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa soo saaray ammaro xayiraad saaraya suxufiyiinta ku nool Puntland.

Related News

Follow us & Subscribe

Twitter Feed

Alerts

Reports