Languages:

Languages:

SomaliBooliska Hirs...

Booliska Hirshabelle oo sharci darro ku xiray weriye soo tabiyey mudaaharaad, amarna ku bixiyay in la toogto weriyaal kale

MUQDISHO, Soomaaliya, 14 Oktoobar, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa xarigga sharci darrada ah ee weriye Cabdicasiis  Xasan Macalin (Foolyarey) oo maanta lagu xiray magaalada Jowhar ee xarunta maamul goboleedka Hirshabelle xilli uu soo tabiyey mudaaharaad rabshad watay oo ka dhacay magaalada.

Subaxnimadii Isniinta ayay booliska Jowhar waxay xireen boqollaal dad ah oo ay ku jiraan carruur kaddib markii bam gacmeed lagu dilay Guddoomiye ku xigeenkii amniga Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo wiilkiisa habeennimadii Axaddii.  Dad careysan ayaa bartamaha magaalada Jowhar isugu baxay iyagoo mudaaharaad rabshad watay ku dalbaday in la siidaayo dadka xiran.

Booliis hubeysan  oo ka amar qaadanaya Taliyaha Booliska Jowhar Maxamed Cali Siyaad (Canjeex) ayaa weerar ku qaaday guriga weriyaha isla markaana u taxaabay Saldhigga Booliska.

“Weriye Cabdicasiis wuxuu ku howlanaa tebinta wararka la xiriira mudaaharaadka, isagoo sawirro ka qaaday taayiro lagu gubay waddooyinka. Markii uu gurigiisa u laabtay, booliska ayaa ku weeraray hoygiisa kaddibna xabsiga dhigay,” sidaas waxaa SJS u sheegay suxufiyiin ku sugan magaalada Jowhar.

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu xiriir la sameeyay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta Hirshabelle oo u xaqiijiyay in xarigga weriyaha uu soo amray Taliyaha Booliska Jowhar Dhamme Canjeex.  Taliyaha waxa uu sidoo kale amray in la toogto weriyihii lagu arko isagoo sawirro ka qaadaya mudaaharaadka.

SJS waxa ay sidoo kale heshay warar la xiriira in Taliye Canjeex uu u hanjabay weriyayaal kale oo soo tabiyey wararka mudaaharaadkii maanta.  Mar SJS xiriir la sameysay Taliyaha Canjeex ma uusan ka jawaabin wicitaankeena iyo farriimo qoraaleed aan u dirnay.

“Waanu cambaareyneynaa falkan sharci darrada ah ee lagu xiray weriye Cabdicasiis Xasan Macalin. Waxaana dalbaneynaa in si deg deg ah loo sii daayo,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Cabdalle Axmed Mumin  “Waxa kale oo wax laga xumaado ah tallaabada rabshada ku dheehan tahay ee Taliyaha Booliska Jowhar ku doonayo in uu ku aamusiyo suxufiyiinta madaxa-bannaan.”

“Waxaanu ka welwelsannahay ammarka Taliye Canjeex ku bixiyay in la toogto weriyaashii soo tebiyay mudaaharaadka Isniinta ka dhacay Jowhar. In sarkaal boolis amro in la toogto weriyaal waxay caddeyn u tahay heerka ba’an ee ay gaartay isla xisaabtan la’aanta ka dhanka dembiyada laga galayo suxufiyiinta Soomaaliyeed,” Xoghaye Mumin ayaa intaasi ku daray.

Soomaaliya waxay weli meesha ugu sarreysa kaga jirtaa waddamada ugu liita ee aan la isu ciqaabin dembiyada loo geysto suxufiyiinta.  Waxaana wax laga welwelo ah in maamullada heer gobolleed iyo heer federaal aysan illaa hadda muujinin ka go’naan dhab ah oo ah in si sax ah loo baaro, loona maxkamadeeyo kuwa ku lugta leh dembiyada iyo dilalka ka dhanka suxufiyiinta.

Related News

Follow us & Subscribe

Twitter Feed

Alerts

Reports