Languages:

Languages:

SomaliSomaliland oo...

Somaliland oo farriin cabsi leh u dirtay saxaafadda: Maxkamadda Racfaanka oo ayidday xarigga 3.5 ee lagu riday Weriye Coldoon

MUQDISHO, Soomaaliya, 29 Sebtember, 2019 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay xukunka caddaalad darrada ah ee maanta oo 29 Sebtember ah Maxkamadda Racfaanka ee Maroodi Jeex ku ayidday xukunkii xarigga saddexda sano iyo barka ee Maxkamadda Darajada Koowaad ay horey ugu ridday weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon isagoo qareen la’aan ah.

Weriye Coldoon ayaa aroornimadii Axadda maanta ah ciidamada asluubta ee Booliska u kaxeeyeen maxkamadda iyadoo aan la ogeysiin qareenkiisa iyo eheladiisa toona. Maxkamadda dhexdeeda ayay booliska kaga codsadeen garsoorayaasha in maxkamaddu ayiddo xukunkii Maxkamadda Darajada Koowaad ku riday weriye Coldoon 8 Luulyo 2019 kaasoo ahaa xarig saddex sano iyo bar.

Weriye Coldoon ayaa laga qabtay magaalada Burco 17 April, 2019 iyadoo loo heystay warbixinno uu ku qoray Facebook-giisa kuwaasoo loo arkay inay yihiin naqdi.

Qareen Jamaal Xuseen oo ahaa qareenkii difaaci lahaa weriye Coldoon ayaa ku tilmaamay xukunka mid laga xumaado, iyadoo ciidamada booliska ay si qarsoodi ah ku geeyeen weriyaha maxkamadda, iyadoo aan la ogeysiinin qareenkiisa iyo ehelkiisa. 18 September 2019 ayay ahayd markii qareen Mubarik Cabdi Ismaaciil oo metelayay weriye coldoon uu gebi ahaanba ka tegay shaqadiisii qareenimo, sheegeyna in Coldoon aanu weligii caddaalad heli doonin.

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa ku tilmaamay go’aaanka Maxkamadda Racfaanka Somaliland in uu fariin cad u yahay sida Somaliland u caburineyso saxaafadda madaxa-bannaan, wuxuuna ururka ka dalbanayaa Maxkamada Sare ee Somaliland in ay baabi’iso xukunka saddexda sano iyo barka ah ee lagu riday weriye Coldoon, isla markaana si dhakhso leh xorriyadiisa loogu soo celiyo.

“Waanu ka xumaanay go’aanka caddaalad darrida ah ee Maxkamadda Racfaanka Maroodi Jeex ay soo saartay maanta. Maxkamadda Sare waa inay deg deg dib ugu eegtaa xukunkan, oo ayna burisaa xukunka xarigga ah,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS), Cabdalle Axmed Mumin.

“Somaliland waa inay joojisaa hanjadaada maxkamadda la adeegsanayo ee lagu hayo wariyaasha madaxa-bannaan iyo cagajugleynta joogtada ah ee ay ku jirto xarigga aan sharciga waafaqsaneyn ee ka dhanka suxufiyiinta iyo guud ahaan warbaahinta,” ayuu sii raaciyay Cabdalle Mumin.

Weerarada ka dhanka saxaafadda xorta ah, falalka xayiraadda iyo faaf-reebka ayaa kor u kacay gudaha Somaliland. Tan iyo bishii Jannaayo ee sannadkan 17 weriye ayaa lagu xiray gudaha Somaliland.

“Somaliland waa inay joojisaa hawlgallada ka dhanka ah saxaafadda, waana inay ixtiraamtaa xorriyadda saxaafadeed ee ku xusan Dastuurkeeda. Waana inay u oggolaataa suxufiyiinta inay hawshooda u qabsadaan si cabsi la’aan ah,” ayuu yiri Xoghaye Mumin.

Related News

Follow us & Subscribe

Twitter Feed

Alerts

Reports